|
Xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay ayaa waxa lagu qabtay magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka,taa oo lagu soo dhaweenaayey wafti ka socda dalka Mauritius oo booqanaayey Dalka Mareykanka uuna yimid in ay ka qayb galaan barnaamijka Atlanta Plan oo ay hore dawlado badan ee Afrikaan ah ay xubin uga noqdeen.
Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka horeyna u soo qabtay Xoghayaha Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed Dr. Cali Cusmaan Cali ayaa isla markii uu maqlay in guddigaasi ay Atlanta u yimideen barnaamijka Atlanta Plan u fidiyey casuumad casho ah si looga wada hadlo si xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka Isboortiga iyo waxbarashadda isla markaana loo ololeeyo in dawladaha Afrikaanka ah loo fidiyo caawinaad siiba arrimaha Isboortiga iyo waxbarashada madaama Atlanta Plan qeybtiisa ugu wayn ay fulin doonto Jaamacadda Atlanta Clark Universaty,waxa kaloo gudoomiyaha Gudiga Isboortiga iyo dhaqanka Dr. Cali Cusmaan Cali uu casho sharaftaasi ku casumay Madaxweynaha Jaamacadda Atlanta Clark Universaty Dr. Brown,Athletic Director of Clark Universaty
OLYMPIAN TOMMI SMITH CIYAARAHA OLYMPIGADDA 1968
Dr. Jones,Olympian EDWIN MOSES,Olympian TOMMI SMITH,RON DAVIS,MIKE SPINO.
PATTY DAVIS OO KA SOCOTAY DEKALB COUNTY,TABABARE GIFTIN,CABDIRASHIID PLASTIKO OO KA MID AHAA XULKA QARANKA SOOMAALIYEED EE KUBADDA KOLEYGA,CUMAR SHEKEY GUDOOMIYAHA SOMALI-AMERICAN COMMUNITY,IYO XUBNO JAKE EE KA SOCDAY ISLA GUDIGAASI OO KALA AHAA AADEN GAABANE,MAXAMED SHEKH,WAXA KALO HALKAA JOOGAY CABDIRASHIID QANYARE,MAXAMED CABDULAAHI GABEYRE IYO WARIYE CABDULQAADIR SAGAAR,SIDOO KALE KALE WAXA KALOO XAFLDAASI KA SOO QAYB GALAY MARWO NAFIISO CALI OO AH GUDOOMIYAHA URUURKA HOOYOOYINKA IYO DHALINYARADDA IYO MARTI SHARAF KALE
OLYMPIAN TOMMI SMITH IYO DR. CALI CUSMAAN CALI
.
Waxa ugu horeentii halkaa khubad ka jeediye Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka Dr, Cali Cusmaan oo marka hore u mahadceliyey sida ay uga aqbaleen casuumadda uu u fidiyey,waxaa kaloo uu sjheegay in casuumadani aanu u sameunay wafdiga uu hogaaminaayo mr. Vivian Dinaan oo Isboortiga dalka Mauritius uu qaabilsan xagga maaliyadda una yimid Atlanta in uu ka mid noqdo barnaamijka Atlanta Plan iyo in aanu ka wada hadalno sidaan booqoshooyin isu dhaafsan laheyn,waxa kaloo uu Dr. Cali Cusmaan uu sheegay in casuumadda caawa aanu halkaan ku dhignay ay noqon doonto mid aan waligeen xusuusano madaama ay ka soo qayb galeen shaqsiyaad caan ka ah Isboortiga addunka sida Edwin Moses iyo Tommi Smith.,waxa kaloo uu sheegay Dr. Cali Cusmaan in Atlanta Plan uu yahay arrin ruuntii ay u baahantahay dawladaha Afrikaanka ah oo ay ka heli karaan barnaamijyo horumarineed ee dhanka Isboortiga iyo waxbarashadda,waxaana uu ugu dambeyntii uga mahadceliyey Madaxweynaha Jaamacadda Clark Dr. Brown iyo Dr. Jones Athletic Director ogolaashahii ay iga ogolaadeen in Tababare Cabdi Warsame uu ka mid noqdo Tababarayaasha wax ka leyliya Ciyaartoyda Ciyaaraha Fudud ee Jaamacadaasi,waxa kaloo uu raaciyey in Isboortiga Soomaaliyeed siiba kan Atlanta uu leeyahay Tababaryaal khibrad u leh noocyadda kala duwan ee isboortiga taa oo aan mustaqbalka dhaw idin soo gudbin doono.

OLYMPIAN EDWIN MOSES OO KA QAYB GALAAYO TARTANKA OLIMPIGADDA
Waxa kaloo halkaa ka hadlay Edwin Moses<Tommi Smith,Ron Davis,Mike Spino iyo Cumar Shehkey oo gedigood ka mahadceliyey casuumadda loo fidiyey.
Ugu dambeyntii waxa halkaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Madaxwaynaha Jaamacadda Clark Universaty Dr. Carlton Brown isagoo marka hore u mahadceliyey dadkii ka soo shaqeeyey xafladaan qiimaha leh,waxaana uu ku dheeraaday ahmiyadda uu Atlanta Plan uu leeyahay dalalka soo koraayo waayo waxa uu diiradda saaraa arrimaha Bulshadda siiba Horumarinta Isboortida iyo waxbarashadda taa oo dhalinta soo koreysa mustaqbilkooda wax wayn ka tari doonta,waxa kaloo uu carabka ku adkeeyey in Jaamacadda Atlanta Clark UNiversaty aysan waxba ka hagran doonin waxii awoodeeda ah oo lagu harmarinaayo barmaanijka Atlanta Plan,isagoo ugu dambeytii u hambalyeey Jaaliyadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka. |