AWEYS FUNDI:IN KUBAD LA DAAFACO WAXAY U BAAHANTAHAY MASKAX ,JIR DHISAN IYO IN UU GAROONKA KUU CABIRANYAHAYþ.

 

                                                           

 

Waxaan halkaan ku bilaabeynaa Taarikhda Xiggihii hore ee Isboortiga Soomaaliyeed soo maray taa oo aanu idin ka ballanqaadnay sanadkii tegay,waxaana maanta aanu ku bilaabeynaa Aweys Muse Arbow oo lagu naaneyso Aweys Fuundi.
Aweys Muse Arbow waxa uu ku dhashay Degmada Afgoye sandku markuu ahaa 1956dii,waxaana ay isla markiiba u soo guureen magaaladda Madaxda Soomaliya ee Muqdishu gaar ahaan Degmadda Bondheere,waxaana Halyeey Aweys yarantiisii uu ka mid ahaa dhalintii yaryarka aheyd oo Kubadda Koleyga lagu tababari jiray,waxaana markaa tababare u ahaa Sacad Cumar Geedi oo ka mid ah tababarayaasha ugu wanagsan ee soo mara Kubadda Koleyga Soomaaliyeed,laakiin Aweys waxa uu isla waqtigaasi u wareegay Kubadda Cagta oo uu aad u jeclaa,waxaana uu ka mid ahaa dhalinta ku Ciyaari jirtay Garoonka Kubadda Cagta ee Waamo oo ka soo hor jeeda Degmadda Bondheere,waxaana uu Halyey Aweys ka soo dhex muuqday Ciyaartoydii halkaa ku ciyaari jirtay,waxaana aad iyo aad loogu bogay Farsamadiisa iyo qaab dhismeedkiisa taa oo ay dad badan saadaaliyeen in uu noqon doono Ciyaaryaha magac iyo maamusba ku leh Kubadda Cagta Soomaaliyeed.
 
 
 
Waxaa maalin maalmaha ka mid ah ii yimid nin lagu magacaabo Jeylaani Caddow Xasan waxaana uu igu yiri waxaad tahay Ciyaaryahan Qaranka Soomaaliyeed anfici doona mustaqbalka dhaw,waxaad leedahay hanaankii Ciyaaryahan lagu yiqiin,waxaad ku fiicantahay xukumaadda Kubadda,waxaad kaloo ku wanagsantahay gragtida Garoonka iyo akhrinta Ciyaarta taa oo ay dad badan kuugu amaaneyn.sidaa waxa yiri Halyey Aweys
 Muse Arbow(Aweys Fuundi),waxaana maalmo ka dib uu ka mid noqday dhalinta yaryarka ah w ee kooxda Hawlaha guud ee Jeenyo,waxaana halkaa geeyey Mudane Jeylaani Caddaw waxaana loo geeyey Marxuum Tababare Axmed Negro  oo isla markiiba hore ka qaatay ka dib markuu arkay qaab dhismeedkiisa .
Aweys Muse Arbaow oo ka mid ahaa dhaliyaradda ku ciyaari jirtay xeebta liido maalmaha fasaxa laga yahay shaqooyinka iyo Iskooladda,ayaa maalin waxaa xeebtaasi ku arkay Macali Ibraahim Suudaani oo ahaa Tababaraha Kooxda Kubadda Cagta ee horsed iyo Kabtanka Kooxda Halyey Cusmaan Iskood,waxayna ii soo bandhigeen in aan ka mid noqdo Kooxda Kubadda cagta ee Horseed anigana aan sidaa ku yeelay,waxaana Macalin Suudaani ii Tababare in aan ka Ciyaaro lambarka Labaad ee kooxda,taa oo aan uga soo baxay si hufan,waxaana Kooxda Horseed la qaybsaday guulo badan oo aan halkaan ku soo koobi karin,madaama Horseed ay aheyd kooxdii ugu qaadis badneyd Horyaalka iyo Koobka Koobabka ee Jeneraal Da'uud.
 
 
Aweys Muse Arbow markii uu muujiyey Ciyaar farsameysan ayaa sanadku markuu ahaa 1977 loo caleemo saaray in uu ka mid noqdo Xulka Qaranka Soomaaliyeed,waxaana uu xulka kala qayb galay tartamo ay u tageen Dalka Ugaandha iyo Malaawi,wallow aysan guulo gaarin laakiin Aweys Fuundi waxa uu ka mid ahaa kuwii wacdaraha ka muujiyey tartamadaasi,waxaana uu ku helay amaano faro badan oo ay u soo jeediyeen madaxda.
Halyey Aweys Muse Arbaw oo lagu neynaaso Aweys Fuundi waxa uu kooxdiisa Horseed kala qayb galay tartamo aad iyo aad u fara badan oo ay u aadeen dalalka kala ah RUUSHKA,UGAANDHA,MALAAWI IYO MASAR.
Mar aanu waydiinay Ciyaartiisii ugu xumeyd iyo tiisii ugu fiicneyd ee soo marta 10kii sano ee uu u safanaayey Kooxdisii Horseed,ayuu waxa uu noosheegay in tii ku xumeyd ay aheyd mar ay ku ciyaareen magaaladda Qaahira ayna la ciyaareen kooxda Kubadda Cagta ee la yiraahdo AL-MUQAAWALUUN halkaa oo Horseed looga badiyey 7-0,waxaana taa loo aaneynayaa Tababaraha Kooxda Horseed uu uu marka ahaa nin u dhashay isla Dalka Masar oo fasaxay Ciyaartoydii mar ay Ciyaarta ka harsaneyd 3 cisho oo keli ah,laakiin midda iigu farxad badneyd waxay aheyd markii ciyaartii labaada oo aan la yeelano isla kooxdii Masaaridda ee AL-MUQAAWALUUN oo lagu qabtay Garoonka wayn ee Istaadiyo Muqdishu halkaa oo ay soo camireen illa Afartankun oo taageerayaal Soomaaliyeed oo noo sacabo tumayey,waxaana aan halkaa 2-0 aan uga badinin kooxdii reer Masar taana waxa suurtageliyey Halyeeyadda kala ah SHAASH IYO CABDI KUUS oo maamulkii tababaranimo kala wareegay Tababarihii Masaaroidda,
 
 
Sanadku markuu ahaa 1978 ayaa waxa dhacday in Horyaalkii qaybtiisii hore ay Kooxda Gaadiidka nooga badisay 3-1,waxaana qeybtii dambe ee horyaalka ugu cadcadaa Kooxaha kala ah LLPP,GAADIIDKA IYO HORSEED,waxaana Ciyaar lahaa Horseed iyo Gaadiidka,Kooxda LLPP waxay sugeysay in Horseed laga Badiyo ama ay barbardhac gasho si ay LLPP iyo HORSEED  ay ciyaaraan tartan kama dambeys ah,laakiin taa uma suurtoobin ka dib markii Gaadiidka looga badiyey 3-1,halkaana Kooxdii Horseed ay guushii ay qaadatay isla markaana ku noqotay kooxda haysata Horyaalka,waxaana guushaasi wayn loo tiriyaa dhamaan Kooxda Kubadda Cagta ee Horseed oo uu ka mid ahaa Aweys Fuundi oo wacdaro ka muujiyey Difaaca isagoo khaashanaayo Shaash,Iskood iyo Cabdi Kuus.
Sidoo kale sanadku markuu 1980 waxa mar kale kooxda LLPP rajadooda ay ku xirneyd in kooxda Kubadda Cagta ee Waxool ay hakiso Kooxda Horseed,laakiin rajadii LLPP quusiye Ciyaaryahan Cabdiladiif oo saxiixay Goolkii Guusha daaqiiqadii ugu dambeysay taa oo mar kale awwod u siisay in ay koobkii ku guuleysato Horseed oo Aweys uu ka mid ahaa tiirarka guushaasi keenay.
 
Aweys Fuundi waxa uu jeclaa in ay hareerahiisa buuxiyaan marka Ciyaar ay Horseed leedahay Halyeeyadda kala ah ISKOOD,SHAASH,CABDI KUUS,JEYLAANI KHALIIF,BIYOOLEY,CABDILADIIF,CABDINASIR,KILLER,SHARKEY,MAXAMED ISMAACIIL,XASAN CAFIIFI IYO SACIID CEYROW,marka xulka qaranka loo ciyaaraayo Aweys Fuundi waxa uu jeclaa in ay garbahiisa buuxiyaan halyeeyadda kala ah NUUR GAAB,SHIIKHAALW,MARXUUM CABDULAAHI CABDI,BASHIIR JEENYO,BINSHAKIR,QOLOCOW.MARXUUM JIMCAALE XAAYOW IYO GOORJE.,waxaana uu Aweys Ciyaaraha ka fariistay sanadku markuu ahaa 1986,waxaana uu u mahadcelinayaa Mudanayaasha kala ah,Yuusuf Muse Gudoomiyihii Hoorseed,Tababare Ibraahim Suudaani,waxaana ugu dambeyntii Halyey Aweys Fuundi u jeediyey Ummadda Soomaaliyeed in laga shaqeeyo Nabad ku soo dabaalidda Dalkeena,waxana kaloo uu la dardaarmay Bahweynta Isboortiga meel kastoo ay joogaan in ay midoobaan khilaafkana iska ilaaliyaan
 
 
 
                                                       Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh