Casho Sharaf si fiican loo soo agaasimay oo ay Gabdhahii hore ee K/Kolayga Cayaarijireen u sameeyeen Cayaaryahankii hore Aweys Cusmaan Yuusuf (Edar) oo lagu Qabtay Hamdi Resturante.


London.12.10.2009. Maqaayada Weyn ee Xamdi Resturante Waxaa xaflada Casho Sharaf loogu soo dhawaynayay Aways Osman Yusuf ‘’Edar’’ oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii heerka kowaad ee dalka Soomaaliya, sida Kooxda Madbacada Qaranka iyo kooxda Horseed .
Marti sharkan Aweys ayaa wuxuu ka yimid dalka Mareykanka, waxaana xaflada casho sharafta u sameeyay Gabdhaha Sports Soomaalida ee K/Kolayga Cayaarijireen oo caan ku ah soo dhawaynta dadkii Sports Soomaaliyeed lagu yaqiin iyo isku keenida bahda Sports Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska .
Xafladan ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada xaflada Gabdhaha Sports Soomaalia ee K/Kolayga sida Gudomiyada Ururka Haweenka UK Miski Cumar Cusmaan oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii kooxda Naadiga Somalita iyo Jeenyo isla markaana ahaa xiriirineysay barnaamijka xaflada sida fiican loo soo agaasimay.ayaa ka warantay soo dhaweynta iyo martigalinta ay marwaliba u sameeyaan dhamaan bahda ispoortiga soomaaliyeed,ayadoo ka hadashey waxqabadka gabdhaha K/Kolayga ee ku nool London in ay mid yihiin ayna isku xiranyihiin,ayagoo mar waliba Caawinaan Cayaartoydii hore ee ku rafaadsan wadankii hooyo iyo tartamada K/ Kolayga lagu qabto wadanka sidii ay u qabsoomi lahaayeen ayadoo tiri waxaan ku dadaalidoonaa Mustaqbalka sidii loo heli lahaa Gabdho Xulka Qaranka soomaaliyeed u ciyaaro kana qeyb galaan tartamada Caalamka dibadda.



Waxaa Xaflada hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyeen Gabdhihii Hore ee K/Kolayga cayaarijireen oo ay ka mid yiiin Safiyo Maxaud Gudaal ( SafiyoNeero) oo u Cayaarijirtay Kooxda Somalita oo halkaas ka soo jeedisay eriyo soo dhaweyn ah iyo gubaabo la doonayo in ispoortiga lagu hormareyo,Waxaa hadalkii qaatay Luul Aadan Shido oo u Cayaari jirtay Kooxda Somalita oo halkaas ka soo jeedisay Eriyo soo dhaweyn ah. waxaana iyana xaflada goob joog ka ahaa Dahabo Xasan Axmed oo ah Gabar aad u firfircoon aadna u jecel midnimada ummada soomaaliyeed kuna fiican abaabulka iyo isku keenida soomaalida qurbaha ku nool lagu yaqaayo Sameynta munaasibadaha iyi Banaanbaxyada lagu qabto wadanka Engriiska Magaalada London iyo Nuurto Rooraayo isla markaana aan dhihi karo Labadaas Gabdhaha laf dhabarta u ah bahda Sports Soomaalida oo aan la’aantood wax badan ka suurtagali karin munaasabadaan oo kale sidan fiican loo soo agaasimay.
Waxaa ka loo halkaas ka hadashay Bakiin Maaxi oo u Ciyaari jirtay Kooxda Jeenyo ahna Gabar jecel hurumarka ispoortiga marwalibana gurigeeda ku soo dhaweyso Bahda ispoortiga meelkasto oo ay ka yimaadaan,Waxaa hadalkii qaatay Khadiijo Cabdi Gacal (Naley)oo u Ciyaarijirtay Kooxda Badda waxay halkaas ka soo jeedisay soo dhaweyn iyo ayadoo si fiican u cadysay in Gabdhahaan ey isku duubanyihiin marwalibana ay soo dhaweeyaan bahdii hore ee ispoortiga Cayaarijireen ay leeyihiin gudi maamulo gabdhihii hore ee ku firirsan dunida dacaladeeda, waxaa khadka Telephoonka uga qeyb qaatay Xafladaas iyo soo dhaweynta Aweys Sadaxdii gabdhood oo xulka Qaranka u Ciyaarijireen waa Xidigtii hore ee K/Kolayga Saciido Nuur Abuukar (Wariiri) oo aheed Gabar Cayaarteed gabdhaha ku dayanjireen aadna u edeb badneed, oo ka soo hadashay Dalka Canada iyo Gabdha aan ka dhicin waa Faaduma Cali Nuur (Feunuusta ispoortiga) oo u Ciyaarijirtay Kooxda Waxool oo ka soo hadleysay Magaalada DUBI,waxay Shariifo Cabdulle Sabriye (Sariifeeto) ayadoo Xafladaas uga qaybqaadatay khadka telephoonka ayadoo joogta cariga Mareykanka USA marka hore waxaan u mahadcelinayaa Gabdhihii Xafladaas quruxda badan soo qabanqaabiyay aan horey u wada Cayaarijirnay waana saaxiibadey qaaliga ah waxaan mar waliba la garabtaaganahay wixii hurumar ah ee ispoortiga ku saabsan waan soo dhaweynayaa, waxay Sadaxduba ka hadleen midnimada bahda ispoortiga Soomaaliyeed.
Dhamaan dadkii ka hadlay soo dhawaynta xafladatan ayaa ku nuuxsaday ujeedada loo qabtey xafladatan islamarkaana guud marey xaalada Sports dalka Soomaaliya ku sugan yahay iyo waayo waayihii wanaagsanaa ee la soo marey, kuwaasoo dib u xusuustey dalkeenii Soomaaliya iyo heerkii ciyaaraheena gaarsiisnayeen iyo Xulalkii Gabdhaha K/Kolayga soomaaliyeed iyo Guulihii ay soo hoynjireen


Gabdhaha Sports Soomaalida ee landon ku nool ayaa xusuusiyay martida Sports ee booqashada ku jooga magaalada London Aweys Cusmaanb Yuusuf waayo waayo waxaana ka mid ahaa xusuustii ugu wanaagsanayd ay ka sheegeen goobta, waxayna kale ahaayeen Cayaarihii hore iyo sida la iskaga raanjiray Waxaay Gabdhaha Somaalita ay soo jeediyeen in ay ku guuleysanjireen koobkii la dhigi jiray dhamaantood, waxaa hadalkaas diiday gabdhihii u ciyaarijireen Jeenyo iyo Badda,waxaa hadaladaa kaftanka ah gorsoore ka ahaa Baaba Jey oo u Ciyaarijiray Kooxda Waxool ee K/Cagta oo halkaas ka soo jeediyay mahadcelin iyo soo dhaweynta loo sameeyay Saaxiibkey Aweys Cusmaan Yuusuf ciyaaryahanka Baaba Jey ayaa sheegay horta inuu aad ugu faraxsan yahay inuu caawa kulankaan goob joog ka ahaado .islamarkaana uu ku faraxsan yahay inuu caawa wax ka soo dhaweeyo Aways Osman Yusuf waxaana u yiri Aways run ahaantii waa ciyaaryahan aad ugu wanaagsan kubadda cagta islamarkaana aqlaaq wanaagsan ayuu yiri Baaba Jey.
Waxaana kadibna hadlay AWEYS Edar wuxuuna u mahad celiyay Gabdhihii sida Soomaalinimada ah iyo walaalnimada u soo dhaweeyay, wuxuuna ka shekeeyay inay caawa soo xasuustay dalkii Soomaaliya iyo waayo waayo islamarkaana ay caawa ogaaday in weli Gabdho Soomaaliyeed ay walaalo yihiin isna og yihiin meel waliba ay joogaan, Aweys Edar ciyaaryahankii kooxda Horseed waxa u yiri run ahaantii caawa ma hadli karo jirkaygana oo dhana waa gariirayaa farxad iyo kalsooni weyn, wax weyn bay ii tahay in caawa bahweyn Sport Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha K/Kolayga ee horey u Cayaarijireen igu soo dhaweeyaan inaa ka mid ahaan jirey ciyaaryahanadii dalka Soomaaliya, tan ma filayn mana hilmaami doono ayuu yiri isagoo ilmaynaya ciyaaryahan Aweys Osman Yusuf oo ku magac dheeraa Edar.
Waxaa hadalkii Qaatay Milkilayaashii Maqaayada weyn ee la yiraahdo Hamdi Resturante Maxamed Maxamuud (Istrabta) iyo Xaaskiisa Sacdiyo Cumar Cusmaan oo halkaas ka soo jeediyeen soo dhaweyn iyo Mahadcelin,ayagoo waliba ka tirsan Qoys bahda ispoortiga Caruurtoodana ey cayaaraan K/cagta oo ay ka tirsanyihii Xulka Qaranka soomaaliyeed iyo kooxaha ilmos ,London star,waxayna milkilayaasha Hamdi Resturante balan qaadeen in ay si fiican oo gacmo furan u soo dhaweyn doonaan Xafladaha iyo munaasibadaha ay dhiganayaa bahda iospoortiga soomaaliyeed ee london ku nool.
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh