AXMED MUSE....HALYEY ISBOORTI OO UMMADDA SOOMAALIYEED QIIMO UGU FADHIYAş

                                          

                             AXMED MUSE
                                                                     
Ummad kastoo ku nool addunyadaan guudgeeda waxay leedahay halyeeyo ay ku faanto oo qeyb wacan ka qaatay daafacaadda Dalkooda iyo Dadkooda ,kuna mintidda in la dhawro karaamadda uu Qarankaasi Ilaah haybadda u siiyey,waxaana kuwaa ka mid ah Halyey Axmed Muse oo Xulka Qranka Soomaaliyeed u soo kifaaxay,anigoo maanta ku soo qaadan doono Halyeegan barnaamijka Xusuustii Xiddigihii Isboortiga oo aan hore ugu soo qadanay Geesiyaal kale oo ay Ummadda Soomaaliyeed Abaal u hayso.
Halyey Axmed Muse waxa uu ku dhashay Degmadda xamar Jab Jab ee Gobolka Benaadir sanadku markuu ahh 1958,waxaana uu yarantiisii aad iyo aad u jeclaa Ciyaarta Kubadda Cagta oo uu aad iyo aad xariif ugu ahaa,laakiin waxa jiitay ka qayb galka Ciyaarta Kubadda Koleyga ka dib markii Garoomo lagu Ciyaaro laga dhisay 13 Degmo ee Gobolka Benaadir ee Magaaladda Muqdishu,waxaa kaloo Kubadda Koleyga sii jecleysiiyey ka dib markii ay asxaabtiisii ku sheegeen in uu leeyahay hanaanka Kubada Koleyga laga doonaayo isagoo ahaa Wiil dheer oo dhuuban isla markaana aad iyo aad u fudud,waxaana dhiirigelintaasi igu booriyey asxaabta kala ah Cabdulqaadir Axmed Guuleed(John),Cabdisalaam Muse Galaal,Ilkacase,Santuur iyo Marxuum Maaxi,waxaana uu Halyey Axmed Muse ka mid ahaa Ciyaartoydii Degmadda Hawl-Wadag magaca iyo maamuskaba u soo hoyiyey,sidoo Ciyaaryahan Axmed Muse waxa uu u soo Ciyaaray Dugsiga Hoose-Dhexeee Hawl wadag.
 
             
 
Ciyaaryahan Axmed Muse markii uu ka muujiyey xirfad aad iyo aad u sareysa Kubadda Koleyga ayaa loo qaatay in uu ka mid noqdo Ciyaartoyda qeybta B(Serie B) ee Naadiga Batroolka,waxaana durbadiiba aan u gudbay qeybta waaweyn isla Naadiga Batroolka,taa waxa gacan ka geystay Ciyaaryahan Cabdulqaadir Axmed Guuleed(John Baleejo) oo ka mid ahaa isla Naadiga Batroolka,intii uu Axmed Muse Naadigaasi ka mid ahaa in ay ku guuleystaan Koobab isugu jira Jeneraal da;uud ,Horyaal iyo Koobab Munaasabado ah,waxaana uu Axmed lafdhabar u ahaa guulaahaas taarikhi ah uu Naadiga batroolka Gaaray,waxaana Axmed Muse sheegay in uu jeclaa in ay garbahiisa buuxiyaan Ciyaaryahanadda Naadiga Batroolka oo kala ahaa,QARDHAAS,FOX,KALAJABAN,SACIID FAARAX,CUSMAAN CALI ABANUUR(BRUUNO)SHUKRI,COWKE,CABDIRISAAQ FAREY,GALKACYO ,MAXAMED IBRAHIM IYO XASAN WACDI
 
      
.
Sanadku markuu ahaa 1977 ayaa Halyey Axmed Muse waxa loo magacaabay in uu ka mid noqdo Xulka Soomaaliyee ka dib markii uu muujiyey Ciyaar ay farsamadeedu sareyso,waxaana uu ka mid ahaa Ciyaartoydii Kubadda Koleyga Qaranaka Soomaaliyeed oo ay Ummadda Soomaaliyeed waligeed iloobi doonin taa oo keentay markii Axmed Muse iyo saaxiibadiisa Xulka Qaranka Kubadda Koleyga ay hanteen Biladda dahabka Tartankii Dugsiyadda Carabta ee lagu qabtay Magaaladda Muqdishu sandaku markuu ahh 1979.
 
       
 
Anigoo ah tafatiraha CiyaarahaSweden ayaa waxaan weydiiyey..Bal in uu iiga waramo sida ay aheyd shucuurtiisa markii ay aad ku guuleysateen Biladaas dahabka aheyd .....Halyey Axmed Muse ayaa.....waxa uu yiri ma aha arrin la qiyaasi karo....madaama aan qaranka soomaaliyeed u soo hoyiinay guul aan weligii soo marin...waxa kaloo qiiro i galiyey xamaasadda ka muuqatay Ummadda Soomaaliyeed ee guushaasi markhaatiga ka ahaa,waxay aheyd mid aan maankeyga waligeed ka go'i doonin,waxaa kaloo uu taa raaciyey waxa iayana mudan in la xusuusto markii aanu ku guuleysanay Biladda Maarta aheyd tartankii Kubadda Koleyga Afrika ee lagu qabtay Muqdishu.
Axmed Muse waxa kaloo uu sheegay in uu jecelyahay in ay garabkiisa buuxiyaan marka uu u ciyaaraayo Xulka Qaranka Ciyaaryahanadda kala ah Nuridiin Cali Saciid.Cabdirashiid Blastiko,Qardhaas,Fox.Afweyne.Awey Daahir,Santuur iyo Xasan Macalin.waxaana uu Axmed Ciyaaro Caalami u tegay Sacuudi Caraabiya oo uu dhaw jeer tagay,Shiinaha,Kenya iyo Marooko,waxaana lagu qiyaasaa inta uu Ciyaaro Caalami ka qayb galay illa 60 iyo wax ka badan.Waxaana uu Halyey Axmed Muse u baaqay Ummadda Soomaaliyeed in laga fakaro nabad ku soo dabaalidda Qarankeenii burburay,lana ogaado in uusan dagaal xal keeneyninwax uu burburiyo ma ahee.Anigoo ah Maxamed Mukhtar Tafatiraha CiyaarahaSweden waxaan hambalyo iyo bogaadin u diaraa Halyey Axmed Muse dadaalkii uu soo galay dadkiisa iyo dalkiisaba,waxaana u sheegeynaa in Ummadda Soomaaliyeed aysan iloobi doonin waxii aad u soo qabatay.
                     
 
                                          Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Shekh