Tababare Baadweyne oo lagu soo dhaweeyay Minnesota                   

 

Qado sharaf si aad ah loo soo agaasimay, laguna soo dhaweynayay 

Tababarahii  kubadda koleyga ee naadigii Horseed barisamaadkii Mudane Cali Cigaal Afrax oo bulshada isboortiga ay ugu naanaysaan”Baadweyne”, ayaa maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd 09/28/2009 lagu qabtay country buffet ku yaalla South Minneapolis ee gobolka Minnesota..

Qadadaasi oo ahayd mid lagu maamuusayay imaanshiyaha macallinka ee gobolka Minnesota, ayaa waxaa ka soo qayb-galay dad iyagu Sumcad iyo maamuus ku leh bulshada isboortiga iyo fanka, kuwaasi oo aan ka xusi karo:

 

-Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota Mudane Cabdi Cali Macallin-Guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed MudaneYuusuf Muuse iyo marwadiisa

 Saynab Baare.

-Mudane Cabdi Yuusuf oo ka mid  ahaa guddoomiyayaashii isboortiga gobolka  Banaadir xillayadii dagaalada sokeeye,iyo taageere naadigii Horseed.   -Macallin Ibraahim Suudaani oo ka mid ahaa tababarayaashii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo naadigii Horseed.

-Cabdullahi Morgan oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii kubadda cagta heerka 1aad ee naadigii Wagad, haatanna ka mid ah macallimiinta K/cagta ee Minnesota.

-Waxaa iyaguna halkaasi joogay, Axmed Daahir Ahmed,C/qaadir  X. Daahir “Shiikha”,C/qaadir Yuusuf Isse”Madaxey” oo dhammaantoodba ka Mid   ahaa ciyaaryahannadii qaranka Soomaaliyeed ee K/koleyga, iyo macallimiinta  jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota.

-Waxaa iyaguna goobta joogay fannaaniintii qaranka ee kooxdii Horseed oo ay ka mid ahaayeen: Bashiir Salaad,Sahro Siyaad iyo Canab C/raxmaan ”Canab Indho-deeq” .

 

Qadadii ka dib ayaa waxaa halkaasi hadalo qiimo badan ka soo jeediyay Cabdi Cali Macallin,Yuusuf Muuse,Cabdi Yuusuf iyo Macallin Ibraahim Suudaani, waxaana giddigoodaba ay si farxadi ka muuqato macallinka ugu soo dhaweeyeen gobolka Minnesota, iyaga oo si aad ah uga hadlay waxqabadkii macallin Cali Cigaal Afrax muddadii uu ku dhex jiray Isboortiga, Waxaana ay ku sifeeyeen inuu ahaa Shaqsi u soo halgamay Isboortiga  Soomaaliyeed, kana mid ahaa macallimiintii ugu wanaagsanayd ee soo marta naadigii Horseed.  

Macallin Cali Cigaal ayaa isagu si aad ah ugu mahad naqay bulshada isboortiga iyo fanka ee gobolka Minnesota,dadkii ka mid ahaa naadigii Horseed oo ay isla soo kifaaxeen,iyo guud ahaanba  dadkii isu soo abaabulay qadadaasi maamuuska lahayd, waxaana uu caddeeyay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay inuu maanta arko wajiyo 19 sano ka hor ay isugu dambaysay. Macallin Cali Cigaal ayaa isagu si aad ah ugu mahad naqay guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed mudane Yuusuf Muuse oo isagu uu ku ammaanay hawlkarnimo iyo  waxqabad muuqda intuu ahaa guddoomiyihii naadiga Horseed,sidoo kalena uu ahaa guddoomiyihii ugu wanaagsanaa ee soo mara naadiga Horseed, waxaana uu halkaasi ka caddeeyay maamul wanaaggiisa naadiga ka sokow inuu qof ahaan gacan aad u weyn ka gaystay dhismaha qoyskiisa, taasoo mar kastaaba uu yiri noloshayda waa ay xusuusnaan doontaa.

Haddaba, bal aan aan isku dayo inaan in yar idiinka xusuusiyo  taariikh nololeedkii isboortiga ee tababare  Cali Cigaal Afrax

Tababare Cali Cigaal Afrax  “Baadweyne”, waxaa uu ku dhashay gobolka Wardheer, sannadku markuu ahaa 1948, 3dex bilood asaga oo jira ayuu u soo wareegay magaalada Dhuusamreeb ee gobolka Galgaduud, halkaasoo uu ku soo barbaaray, kana bilaabay waxbarashdiisa dugsiga quraanka iyo midda maadiga ahba.waxaana 14 jirkiisii uu u soo wareegay magaalada Muqdisho.

1968kii Isaga oo ku ciyaaraya garoonkii kubadda koleyga ee Shelaro ayuu  nasiib u yeeshay in laga qaato halkaasi oo uu kaga biiro kooxdii kubadda koleyga ee Xoogga dalka,   muddo kadib kooxdii 21 Oktoobar,dabadeedna kooxdii Dirir ayuu u wareegay.Hase yeeshee kooxahan oo dhammaantood ka tirsanaa ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed magacyadooda ma aysan sii raagin waxaana markii dambe loo bixiyay kooxda Ciidamada qalabka sida ee Horseed.(Cawo iyo Maalin).

Tababare Cali Cigaal ayaa waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu horreeyay ee lagu asaaso  kooxda K/koleyga  Horseed, sidoo kalena waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu horreeyay ee magaca xulka qaranka Soomaaliyeed matala.

1970 ilaa 1979 kii ayuu Cali ka mid ahaa ciyaaryahannadii u safanayay naadiga Horseed, hase yeeshee markii dambe waxaa uu u wareegay dhanka tababaranimada, isaga oo markaasi naadiga u soo barbaariyay dhallinyaro yaryar oo ku wanaagsan K/Koleyga,waxaana  muddadii uu kooxda macallinka u ahaa ay ku guulaysteen 2 jeer koobabkii janaraal Daa’uud iyo Horyaalka.

1970 ayuu Cali Cigaal ku biiray xulkii qaranka Soomaaliyeed ee ugu horreeyay oo iyagu cayaaro u aaday dalka Masar ‘Qaahira”, ciyaarahaasi oo ahaa All African games, waxaa kala qaybgalay  ciyaaryahannadii kala ahaa: Adaamo,Faarax Muuse,Ibraahim Gacal “Abkoow”,,Axmed Carab,Axmed Sheelaro, Yuusufeey,Cumar Elringo,Sarxaan Dheere, Cabdisalaan,Ciise Dheere,Cali Xamari, iyo Macaani,waxaana macallin u ahaa Jaques Swan oo isagu macallin ka ahaa jaamacadda Lafoole…Sidoo kale macallinku waxaa uu sannadihii 1972,1973 iyo 1974 kii uu ka qayb-galay cayaarahii ciidamada East & Central Afrika  oo lagu  kala qabtay dalalka Somalia, zambia iyo Tanzania, halkaasoo kooxda Horseed ee uu ka tirsanaa ay 3 dii marba ku guulaysteen kaalinta 1aad,Waxaana xusid gaar ah mudan in sanadkii 1972kii macallin Baadweyne loo aqoonsaday cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee tartanka (MVP-Most Valuable Player).

Macallin Baadweyne ayaa isagu mar uu ka warramayay  farxaddiisii ugu qiimaha badnayd ee soo marta intuu ciyaaraha ku dhex jiray ayaa ii sheegay inay ahayd 1979kii ciyaartii Finalka oo ay kaga guulaysteen kooxda Waxool, dabadeedna uu kaga fariistay ciyaaraha una wareegay dhanka tababaranimada. Sidoo kalena waxaa uu sheegay in  guuldaradii ugu xumayd ay soo martay markii kooxda Orfano uu ka soo tagay ee uu Horseed tagay ay ka adkaadeen Kooxda Orfano oo ahaa kooxihii lagu tirinayay inay markaasi ugu awoodda yaraadeen.

Isaga oo ka hadlayay waxyaabihii xusuusta gaarka ah ku reebay intuu ku dhex jiray isboortiga waxaa uu ii sheegay in isboortigu uu ka dhaxlay faa.iidooyin badan oo aan la soo koobi Karin ha noqoto dad la dhaqanka,anshaxa, wax wada qaybsiga,bulshanimada,furfurnaanta iyo dabci wanaagga intaba oo lagu garto qofka isboortiga ah..

Dhinaca kale waxaa uu ii sheegay muddadii uu macallinka ahaa sheeko mahadho ah oo xusuustiisa aanan ka go’in taasoo ahayd xeelad ay cayaartooyda inta badan adeegsdaan marka uu tababarku ku adkaado ama u adkaysan waayaan culayska tababarka.

1984kii ayay kooxda  Horseed isu diyaarinaysay cayaarihii All African Games,tababar adag ayaan billownay oo u badnaa Orod dheer aan ka soo bilaabi jirnay maalin kasta  Bar Ubax ilaa garoonka Muqdisho stadium, ciyaartooy kooxo kale ayaan ku soo darsanay oo ay ka mid ahaayeen:Cabdi Xalwo, Cabdalla Dheere iyo Baarajab. Tababarkii cuslaaa oo aan muddo wadnay una badnaa orodka ayay dhallinyaradu dhibsadeen, waxaana ay isku dayeen inay sameeyaan  xeelado ay arrintaasi uga badbaadaan.Maalin maalmaha ka mid ah annagoo saaran baska, oo taagan halkii aan orodka ka bilaabi lahayn  ayay cayaartooydu iigu dhufteen nashiido nabi ammaan ahayd oo aan aad u jeclaa”Zaynii Nabi Zaynii” , taasoo maankaygii doorisay, waxaana ka war helay anigoo hor taagan garoonkii Muqdisho Stadium. Kolley maalintaasi ciyaartooydii xeeshoodii waa u hirgashay, waxaanse amray inaanan marnaba la qaadi Karin nashiido xilliga uu tababarku socdo, waxaana ogaaday markii dambe in fikraddaasi ay ka dambeeyeen:Nuur Dheere,Cabdi Xalwo,Cabdalla Dheere, Xuseen Dheere(AUN), iyo Mahad Dheere kuwaasi oo dhawr jeer oo ay xaafadaha orod ku dhex mareen caruurta iyo haweenka ay ku qayliyeen.

 Macallin Cali oo isagu haatan soo gaaray dalka Maraykanka ayaa waxaa uu ii sheegay in  qorshahiisu yahay in uu caawiyo dhallaanka Soomaaliyeed, isla markaana uu u gudbiyo aqoontiisa tababaranimo ee kubadda koleyga.

Macallin Cali Cigaal Afrax (Baadweyne) haatan waa  xaas, leh 7 caruur ah, 5 wiil iyo 2 gabdhood Allaha u dhaafo e,waxaana uu ku nool yahay Gobolka Kansas,magaalda Missouri.

 

                                                                   Diyaariye:Shiikha