Minnesota oo ku guulaysatay koobkii  dhallinta cuslaatay ee    Somali/Ashland Sports Re-Union

          

Kooxda kubadda Koleyga ee dhallinta cuslaatay ee Minnesota ayaa difaacatay darajadii horyaalnimada K/koleyga oo ay ku guulaysteen sannadkii 6aad,iyada oo dhallinta cuslaatay sannad kastaaba ay ka kala yimaadaan gobolada Maraykanka iyo Canada sida: Minnesota, Atlanta, Virginia,Seattle,WA, Portland, Toronto,Ottawa iyo Vancouver.

Tartamadan Iyaga ah oo loogu magac daray Somali/Ashland Sports Re union ayaa waxaa lagu soo bandhigaa  noocyo cayaareed oo kala duwan sida: K/cagta,K/Koleyga,Teeniska dheer,Cayaaraha Fudud, fardafuulka iyo Boojada,waxaana halkaasi isku arka qaar ka tirsan halgamaayaashii isboortiga Soomaaliyeed ee barisamaadkii ha noqoto dhanka tababaranimada, garsoorka , qorayaasha iyo maamulka  intaba. Waxaa iyaduna aad u xusid mudan in sannadkani  ay ka soo qaybgaleen dhallinyaro yaryar iyo kuwo dhexe oo iyaguna halkaasi ku soo bandhigay qaab ciyaareed aad loogu riyaaqay.

           

Haddaba kooxda K/Koleyga  ee Minnesota ayaa iyadu ciyaarihii ay wada ciyaareen marnaba aanan dhinacooda dhulka la dhigin, waxaana ay halkaasi sannadkii 6aad ku difaacdeen darajadii horyaalnimada oo ay horay u haysteen, iyaga oo ciyaartii kama dambaysta ahayd si dirqi ah uga adkaaday kooxda Virginia oo iyadu aad moodaysay inay hamuun aad u weyn u qabtay inay horyaalnimada la wareegaan waxaana ciyaartaasi ay ku soo idlaatay 59 dhibcood oo guushii ay ku qaadatay Minnesota,halka Virginia ay ka keensadeen 58 dhibcood.

Kooxda Minnesota oo iyadu koobkaasi ku guulaysatay ayaa waxay kala ahaayeeen: Cabdi Dheere,Idris,Maxamuud Ciise,Shiikha,Madaxey,  Xuseen dheere,C/llahi dheere,Duwe,C/qaadir Jaango,iyo Cabdoow Cali.

            

Dhanka Virginia waxaa iyaguna u safnaa: Abuukar Shiino, Muudeey, Xasan Muuse,Cilmi,Saley Johnson,Cali Yuusuf,Shiino Madoobe,C/llahi Cabdi Maamuus,Saciid Dheere iyo C/casiis Abati.

Munaasabaddii xiritaanka ee tartanka ayaa waxaa halkaasi ka hadlay guud ahaanba waalidiinta iyo waxgaradkii halkaasi isugu yimid oo iyagu u Mahad celiyay Walaalkeen Cabdi Xalwo iyo xaaskiisa Maryan Caddey oo iyagu sannad kastaaba martigaliya tartankaasi isu imaatinka  dhallinta cuslaatay.

Tababare Cabdi Dheere,Tababare Idris,garsoorihii caalamiga ahaa ee K/cagta iyo Koleyga Cismaan Xalane “Cismaan Xarash”Ciyaaryahankii  K/Koleyga qaranka iyo naadigii Horseed Xuseen Cabdi (Xuseen Abaaba),iyo ciyaaryahankii xulka qaranka Soomaaliyeed ee K/Koleyga iyo naadigii Muqdisho Abuukar Shiino ,Ciyaaryahankii qaranka ee Teeniska  Kaamil C/casiis Olol Diinle ,Oradyahankii qaranka iyo naadigii Horseed Cali Hufane,ciyaarayahannadii K/koleyga gabdhaha ee naadiyadii muqdisho iyo ENG, Sucaado diiriye iyo Gani xasan Nuur iyo qoraagii caanka ahaa ee wargeyskii Isboortiga ee xiddigta Oktoobar Najiib Ciise oo iyagu halkaasi hadalo qiimo badan ka soo jeediyay ayaa ka hadlay qiimaha weyn ee isu imaatankani uu ugu fadhiyo Bulshada K/Koleyga ee North Amerika . Waxaa ay si aad ah uga warrameen qaabkii uu ku soo billowday barnaamijkan isaga ah , marxaladihii kala duwanaa ee  uu soo maray iyo heerkan quruxda badan ee  uu haatan marayo.

            

Waxaa ay si aad ah ugu guubaabiyeen  dadkii halkaasi isugu yimid in la iska kaashado horumarinta K/Koleyga Soomaaliyeed, lana soo saaro jiilal cusub oo qaranka Soomaaliyeed meelo waawayn gaarsiiya.

Ugu dambayntiina iyaga oo ku hadlaya magaca bahweynta K/Koleyga ee halkaasi isugu timid waxaa ay ammaan ballaaran u soo jeediyeen ciyaaryahankii K/Koleyga ee naadiga Jeenyo iyo xulka qaranka Cabdi Maxamed guuleed “Cabdi Xalwo” iyo xaaskiisa Maryan Caddey.

N.B: Waxaa xusid mudan in muddadii aynu halkaasi ku sugnayn uu wacdiyo diini  ah oo lagu baraarujinayay dhallinyarada , laguna xusuusinayay Awoodda iyo jiritaanka  Allah subxaanahu wa tacaalaa  halkaasi ka soo jeedinayay Walaalkeen ajir iyo xasanaad Allaha ka siiyee Shaafici Shiikh Jaamac oo inooga yimid gobolka Seattle,WA.

Sidoo kale waxaa iyaduna xusid mudan in casho sharaf aad u qiimo badnayd uu gurigiisa ugu sameeyay  dhammaanba wufuuddii ka kala timid North Amerika ciyaaryahankii waynaa ee kubadda koleyga ee naadigii Muqdisho Xasan Abanuur Abati.

Haddii aad doonayso inaad daawato sawiro intaasi ka badan booqo www.somali-youth.org

 

                                              Diyaariye:Shiikha