
MILAN (AP)—David Beckham ayaa deyn ahaan mar kale ugu laaban doona kooxda AC Milan bisha January ee soo socta si ay ku hishiiyeen kooxda reer Italian iyo the Los Angeles Galaxy of Major League Soccer.
Xidiga khadka dhexe ee xulka England wuxuu horey Milan ugu soo ciyaaray 6 bilood oo deyn ah. Isagoo u dhaliyay 2 goal 18 kulan taasoo u sahashay inuu dib booskiisa England u helo.
“waxaan doonayaa in aan helo fursadeyda ah sidii aan u ciyaari lahaa sanadka soo socda World Cup taasoo ah in aan deyn ahaan ugu ciyaaro Milan, weyna I caawineysaa taasi,” Beckham ayaa hadal uu soo saaray sidaa ku yiri. “.”
AC Milan iyo the Galaxy ayaa hishiiskooda so oaf jaray maalintii shalay aheyd markii ay qaateen todobaad wada hadalo ah.
Beckham ayaa wuxuuu AC Milan ku biiri doonaa Dec. 28 keeda wuxuuna la joogi doonaa ilaa dhamaadka xagaaga on May 16. Isagoo dib ugu laaban doona Galaxy marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha July.
Bishii March 2009 kulankii ay la ciyaaren Slovakia,ayuu Beckham wuxuu ku noqday ciyaaryahanka 2-aad ee ugu safashada badan Englandmarkii uu jabiyay record uu heystay Bobby Moore oo ahaa 108 kulan oo caalami ah.
Hada Beckham wuxuu kulamadiisu ay gaarayaan 115 kulan oo caalami ah, waxaan 10 kulan oo kaliyaha ka sareeya goolahayihii hore ee xulka England Peter Shilton oo saftay 125 kulan oo caalami ah.
Macalinka England Fabio Capello ayaa Beckham ku qasbay inuu koox yurub ka dhisan u ciyaaro hadii kale uusan wax boos ah ka heli doonin xulkiisa
Beckham oo haatan 34-sano jir ah ayaa koobka aduunka ee soo socda ee dalka South Africa lagu balansan yahay wuxuu u noqon doonaa kii koobkii 4-aad ee aduunka.
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh