Qado soo Daweyn ah oo loo sameeyay C/Rasiid Islow Axmed (ISLOW)







Qado soo dhaweyn ah oo loo sameeyay islow oo booqosho howleed ku yimid Stockholm iyo Kulan albaabada ay u xirnaayeen ayaa lagu qabtay hotelka weyn ee ku yaalo xaafada Akaalla . Kulankaasi isaga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay guddiga isboortiga ee sweden iyo wafdigii uu hoggaaminayay C/rashiid islow Axmed ,waxaana looga hadlayay arimo badan.
Xubin Gudiga Diyaasbarada London ahna Gudiga Farsamada,Gudiga Fulinta Somaliweek C/Rashiid Islow Axmed oo halkaasi ka hadlay waxaana ay ka warbixiyeen hawlaha isboortiga ee somaliweek ee UK London lagu qabtay iyo tababaro Cayaartoy K/Cagta oo la bilaabay oo ay wadaan dad iyagu har iyo habeen u istaagay inay soo saaraan kana shaqeeyaan jiil cusub oo isboorti sida Hadafkeenu waa inaan horumarino K/Cagta Soomaaliyeed oo qiimo ku lahayd dunida Carabta iyo Afrika,waxaa ka loo jirto in Casuumad Talyaaniga uu soo dhameeyay C/Qaadir X:Bootaan Isoomarey oo lagu aadaayo Wafdi balaaran oo Cayaartoy iyo Madax ka kooban,waxaa ka loo oo uu ku sii dheeraaday Cayaarihii sanadwaliba lagu aadijiray wadanka jabuuti,anaga UK London ahaan waan bilaabnay diyaargarowgii, ugu danbeyntii wuxuu ka mahadceliyay Qadadii iyo sidii diiraneed ee loogu soo dhaweeyay Stockholm.


Ugu horreyntii waxaa halkaasi erayo aad loogu riyaaqay ka soo jeediyay Ibraahim Galbeyte oo guubaabo,iyo isu tusaaleyn ka soo jeediyay kaasi oo diiradda saaray in la horumariyo aqoonta ciyaartooyda iyo macallimiinta lagana faa’iidaysto fursadaha ka jira dalalka horumaray,sidoo kalena aanan la isku koobin hawlaha isboortiga soomaaliyeed Sidoo kale waxaa uu sheegay inay habboon tahay in lagu dadaalo barbaarinta caruurta yaryar anaga Banaadir ahaan waxaan haynaa caruur badan oo cayaarto K/Cagta kana qeyb galaan tartamada wadanka Sweden ka dhaco si loo soo celiyo karaamadii iyo sharaftii bahda cayaarto K/Cagta,wuxuu ugu danbeyntii soo jeediyay in uu soo dhaweynayo barnaamjiyadii uu soo jeediyay C/Rashiid islow Axmed.

waxaa asna halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Diyaasbarada guud Md: Bashiir Jeenyo ayaa isagana tafaasiil kooban ka bixiyay Shirkaan,asagoo marka hore soo dhaweeyay Wafdiga uu hogaaminaayo Md:Islow waxaana uu sheegay in isboortigu uu ka madaxbannaan yahay siyaasadda ka jirta dalka Soomaaliya ,sidaasi darteedna ay waajib tahay in laga wada shaqeeyo horumarinta isboortiga ee Soomaaliweyn,lana horumariyo isboortiga lagu qabto Urub Gaar ahaan Cayaaraha Somaliweek UK London,anaga sweden ahaan waan wadnaa diyaargarowgii Diyaasbarada iyo sidii looga qeyb galilahaa Cayaaraha Jabuuti iyo Kuwa London lagu qabanaayo, waxaan soo dhaweyneynaa Casuumada laga helay Jaaliyada joogta Talyaaniga waxaana soo magacaabaneynaa Xubintii nooga qeybgalilaheed Gogolxaarka lagu aadayo Roma,waxaa asagana halkaas ka hadlay Al Xaaji Xamdi Xaaji Axmed oo asagan soo jeediyay in lagu dadaalo hurumarinta ispoortiga Gudaha iyo Dibadda,wuxuu ka loo soo dhaweeyay Wafdida uu hogaaminaayo C/Rashiid Islow Axmed ,waxaa ayagana halkaas ka hadlay Mudanayaasha kala ah Xaaji Abuukar Dhabarey, Gudoomiyaha ururka SKIFAbuukar Boos Caato oo halkaas ka soo jeediyay mahadcelin iyo soo dhaweyn ,iyo Xasan geella.
Waxaa si wada jir ah loo soo wada jeediyay Qodobadaan:-
1) In la taageero shirkii horumarinta isboortiga Diyaasbarada ee lagu qabtay UK London ee sanadkii hore iyo kan haatan ka dhacaayo Finland 10 Jan 2010
2) In si wada jir ah looga qaybgalo cayaaraha Somaliweek UK LONDON 2010.
Shirkaasi ayaa ku soo dhammaaday jawi aad u fiican oo si fiican la isku afgartay
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh