Ururada SYDOM iyo SSUF oo ku kulmay Minnesota


Agaasimaha guud ee ururka SSU (Sweden),Mudane Axmed Xasan iyo guddoomiyaha guddiga ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota(SYDOM)ahna guddoomiyaha isboortiga ee gpbolka Minnesota Mudane Cabdi Cali Macallin ayaa Oktoobar bartamaheeda 2009, waxaa ay kulan ku yeesheen xarunta ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (SYDOM),halkaasi oo ay xog waraysi ku wada yeesheen, kana arrinsadeen sidii dhidibada loogu taagi lahaa xiriir baaxad weyn oo ay labada urur ee Sweden iyo Minnesota yeeshaan.

Mudane Axmed Xasan ayaa isagu waxaa uu halkaasi ka soo jeediyay warbixin dheer oo ku saabsan waxa ururkiisa (SSUF)uu u qabto mujtamaca Soomaaliyeed ee ku nool Sweden ha noqoto dhanka wacyi galinta,baraarujinta, caafimaadka iyo cayaaraha oo ay kaalin wayn ka qaataan.
Waxaa uu sheegay in ururka Somalisk-Svenska Ungdomsriksforbundet(SSUF) oo macnahiisu yahay ururka isbahaysiga dhallinyarada Soomaaliyeed la aasaasay 2004kii,isla markaana uu xiriir aad u qoto dheer ka dhaxeeyo ururka cayaaraha heerka 1aad ee Sweden,sidoo kalena dhawaanahan ay heshiis wax wada qabsi wada saxiixdeen madaxda Olimbikada Soomaaliyeed markii ay booqashada ku joogeen Sweden.

Sidoo kale waxaa uu aad uga warramay cayaaraha lagu talo jiro in lagu qabto gobolada Puntland dhammadka sannadka 2009 oo la doonayo in lagu soo nooleeyo laguna soo celiyo tartamadii cayaaraha gobolada si loo abuuro jawi nabadeed iyadoo faaiidaduku jirta ay tahay in dhallinyaradu is dhexgasho oo la is dhexmaro, lana abuuro jawi nabadeed.
Guddoomiyaha Ururka/ahna guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin ayaa ku soo dhaweeyay Axmed xasan gobolka Minnesota,waxaana uu uga warbixiyay hawlaha baaxadda weyn ee uu qabto ururka SYDOM,iyo sida ururku ugu dadaalo in uu soo saaro kaadiriin isboorti oo magac gaarsiiya qaranka Soomaaliyeed.
Cabdi Cali ayaa kula kaftamay Axmed Xasan in loo baahan yahay in Europe ay soo saaraan rag kubadda Cagta ku wanaagsan,halka North Amerika looga fadhiyo inay K/koleyga kor yeelaan,haatanna ay gacanta ku hayaan rag firfircoon oo la rajaynayo inay mustaqbalka guulo ka keenaan K/koleyga.
Ugu dambayntii labada urur ayaa ku heshiiyay in ay horay u mariyaan horumarinta arrimaha bulshada ee labada dhinac,lana sii ambaqaado xiriirka curdanka ee haatan billowday,lana is dhaafsado fikradaha iyo booqashooyinka labada dhinac.
Munaasabaddaasi waxaa goobjoog ka ahaa:Abdulqaadir Shiikha,Axmed Daahir,Maxamed Dheere,,Maxamuud Ciise, iyo Abdulkadir Daahir.
Diyaariye:Shiikha