CUMAR DHEGEWEYNE:SHAQSI BAAL DAHAB AH UGA JIRA TAARIKHDA ISBOORTIGA SOOMAALIYEEDž                                

         

                             

   
Ummada kastoo ku nool addunyadaan waxay leedahay geesiyaal ay ku faanto oo qeyb wayn ka soo qaatay u adeegidda Bulshadda ay ka tirsanyihiin,waxay wax kastaba ka hormariyaan si ummadooda loogu toosiyo waqdiiqadda fiican,waxay waqti badan geliyaan ku barbaarinta dhalaanka soo koraayo waxyaabaha wanagsan,waxay har iyo habeen u soo jeedaan sidii Ummadda loogu jiheyn lahaa tubta u horseedi karta in ay gacmaha is qabsadaan ,waxaana geesiyaashaasi ka mid ah Halyey Cumar Axmed Jaamac oo lagu neenaaso Cumar Dhegeweyne oo juhdi badan u soo galay Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed kaa oo ay Maanta ku soo qaadaneyno barnaamijka Xusuusta Xiddigaha Isboortiga Soomaaliyeed oo aan hore ugu soo qaadanay Geesiyaal Isboorti.
Mudane Cumar Axmed Jaamac waxa uu yaraantiisii aad iyo aad u jeclaa ka qeybta galka Isboortiga noocyadiisii kala duwanaa,waxaana uu aad iyo aad u jeclaa Ciyaarta Kubadda Koleyga isagoo ka mid noqday Kooxdii MIINI BASKETKA ee degmadda WAABERI,waxaana uu ka mid ahaa Ciyaartoyda aad iyo aad looga tilmaami jiray la iskuna raacay in uu mustaqbalka noqon doono Ciyaaryahan Xariif ku ah Ciyaarta Kubadda Koleyga,laakiin Mudane Cumar Axmed Jaamac markii uu dhiganaayey Galaaska 8aad ee Dugsiyadda Dalka ayuu waxa uu ka qeyb galay Tababar lagu baranaayey Garsoorinimadda Ciyaaraha Fudud oo ay qabanqaabisay Xiriieka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud,waxaana uu Cumar Dhegeweyne ka mid ahaa kuwii loo qaatay in ay noqdaan Garsoore ka dib markii uu ka mid noqday kuwa safka hore ka galay Imtixaankii.
 
    
 
Halyey Cumar Dhegeweyne markii loo qaatay in uu wax ka garsooro Ciyaaraha siiba Ciyaaraha Fudud ayaa waxa lagu siiyey Abaalmarino badan oo uu ku kasbaday dadaalka iyo sida hufan oo ay cadaaladda ku dhisan oo uu wax u garsooraayo,waxaana uu ahaa Garsoore aad iyo aad ay bahda Isboortiga Soomaaliyeed ugu kalsoon yihiin,waxaana uu safka hore kaga jiray wax ka garsooridda Tartamadda Serie Ada,Bda,isagoo ka mid ahaa garsoorayaasha ka soo shaqeeyey Tartankii Goboladda muddo 10 sano ah.
Geesiga Soomaaliyeed ee Cumar Dhegeweyne markii la arkay aqoontiisa Garsooranimo iyo sida uu mar kastaba cadaaladda ugu hiiliyo,ayaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud waxa u caleemo saareen in uu wax ka Garsooro Tartankii Bariga iyo Bartamaha Africa ee Ciyaaraha Fudud ee lagu qabtay Magaaladda Muqdishu Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed,waxaana Cumara dhegeweyne mar kale loo qiray in uu yahay Geesi Isboorti oo Ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karto,taana waxa mar kastaba sal looga dhigaayey sida uu Garsoorinimadda ugu jajaban yahay isla markaana uu Cadaaladda ugu fara adeego taa oo ay maanta Bahweynta Isboortiga ku qadariyaan,Sidoo kale Halyey Cumar Dhegeweyne waxa lagu xusuustaa in uu mar kale taarikh ma guurta ah sameeyey ka dib markii loo magacaabay in uu wax ka garsooro Ciyaar kale oo caalami ah,taa oo aheyd Tartankii Dugsiyadda Carabta ee lagu qabtay Magaaladda Muqdishu,waxaana uu Taarkhda mar kale ka galay bogageeda ugu qiimaha badneyd,waxa kaloo ay wasaaradii Isboortiga iyo dhaliyaradda u magacawday in uu mid noqdo Guddiga dejinta Ciyaartoydii ka qeyb galeysay Tartankii 11aad ee Afrika ee lagu qabtay Magaaladda Muqdishu,taa waxay mar kale cadeyneysaa kalsoonida lagu qabay shaqadda Cumar Dhegeyweyne.
 
      
 
 
Geesi Isboorti Cumar Dhegeweyne waxa mar kale ku kordhay Taarikhdiisa Isboortiga dhacdo aad iyo aad u weyn ka dib markii loo magacaabay in uu ka mid noqdo Xogheymahii ka soo shaqeeyey shirkii Wasiiradda Carabta ee lagu qabtay Magaaladda Muqdishu,waxaana isaga iyo asxaabtiisaba ku heleen qadarin aan la koobi karin.waxa kaloo uu ka soo qabtay shaqooyin kala duwan wasaaradii Isboortiga iyo Dhalinyaradda,waxa inta u dheer in Cumar Dhegeweyne uu Waxbarasho ku saabsan Maamulka Isboortiga uu ku soo qaatay Dalka Gudihiisa iyo dibadiisaba.
Halyey Cumar Axmed Jaamac markii uu muujiyey dadaal dheeri ee ku wajahan Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Ciyaaraha Fudud,markii uu soo bandhigay shaqo hufan oo dhamaan Madaxdii wasaaradda gancisay,markii la ogaaday daacadda uu shaqadda ku fuliyo ayaa waxa loo magacaabay in uu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud sanadku markuu ahaa 1985,taa oo keentay si hufan uu uga soo dhalaalay shaqooyinkii uu soo qabtay.
Sanadku waxa uu ahaa 1987,Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaarha Fudud waxa uu isu diyaarinaayey ka qeybgalkii Tartankii Ciyaaraha Fudud ee Addunka,waxa wafdigii ka qeyb galaayey Ciyaarahaasi oo uu ka mid ahaa Halyey Cabdi Bile Cabdi Hogaaminaayey Mudane Cumar Axmed Jaamac oo ka mid ahaa Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud,waxaana Tartankaasi lagu qabanaayey Magaala Madaxda Talyaaniga ee Roma,waxaana Tartankaasi lagu xasuustaa in Halyey Cabdi Bile Cabdi uu ku guuleystay Biladda Dahabka ah 1500M taa oo aheyd guushii ugu wayneyd ay Ummadda Soomaaliyeed gaarto intii ay jirtay,sidoo kale waxa ay Cumar Dhegeyweyne guushaasi ka dhigtay Shaqsiga ugu Taarikh dheer Isboortiga Soomaaliyeed madaama uu ahaa Madaxa Wafdiga ee halyey Cabdi Bile oo guushaasi keenay...Cumar Ummadda Soomaaliyeed Abaal ma guuraan ah ayey ku haysaa oo aysan waligii Iloobi doonin..Cumar GUUL,waxa kaloo iyana in la xuso u baahan halyeeyadii kale oo Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Ciyaaraha Fudud Taarikhda ku leh sida Jaamac Karaaciin iyo kuwa kale oo aan ka dhicin,waxaanse hubaa in aysan cid iloobi doonin dadaalkii uu Horumarinta Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya ka muujiyey Xoghayahii GOS Mudane Mxamed Saalax Axmed(Jarleys) oo aan lagu tilmaami karo Aabihii Ciyaaraha Fudud ee Soomalia.
Markii la arkay dadaalka aan joogsiga laheyn ee Cumar Axmed Jaamac ayaa sanadku mar kuu ahaa 1988 waxa loo magacaabay in uu si buuxda u noqdo Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud isagoo gaarsiiyey Ciyaartaasi heer aad iyo aad u sareeya madaama uu ahaa Aqoonyahanadda muddo aad iyo aad u dheer ka soo shaqeysay horumarinta iyo casriyeenta Ciyaaraha Fudud.
 
     
 
Horaantii sanadkii 1989 Cumar Axmed Jaamac waxa uu ka mid ahaa wafdi uu hogaaminaayey Xoghayahii Joogtadda ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga Mudane Siid Cali Cabdulle Barre iyagoo ka qeyb galay Xaflad abaalmarin lagu siinaayey Halyey Cabdi Bile Cabdi oo lagu qabtay MONTO CARLO,waxa dabayaaqadii sanadkii 1989 Cumar Axmed Jaamac uu hogaamiyey Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ee ka qeyb gashay Tartankii Junyoorka ee lagu qabtay dalka Bulgaariya.
Halyey Cumar Axmed Jaamac waa Xaas leh sadex Caruur Ilaah ha u dhawree,waxaana uu haatan ku noolyahay dalka Finland isagoo hore Macalin uga soo noqday dugsi ku yaal magaaladda la yiraahdo PORVOO  ee dalkaasi Finland muddo labo sano ah,haatan waxa uu ka shaqeeyaa BOOSTADA dalka Finland muddo 10 sano ah isagoo tababara shaqaalaha sida ay u gudan lahaayeen shaqadooda.,waxaana uu Cumar u mahadceliyey dhamaan dadkii ka soo qeyb qaatay baarbaarintiisii oo ay ugu horeeyaan Labadiisii waalid Ilaah Janadiisii ha ka waraabiye,waxaana halkaa salaan qiimo leh u marinayaa Asxaabtiisii Isboortiga Guud ahaan gaar ahaan Guddigii Isboortiga ee Xaawo Taako.
Halyey Cumar Axmed Jaamac(Cumar Dhegeweyne) isagoo qiireysan ayuu waxa uu Ummadda Soomaaliyeed ka codsaday in dagaalka iyo is dilka la joojiyo,wax kastana lagu dhameeyo wada hadal,isagoo Ummadda Soomaaliyeed u cadeeyey in Dagaal xal ku imaaneynin wax uu burburiyo ma ahee.
Anigoo ah Tafatiraha Ciyaarhasweden,waxaan hawadda u Marinayaa Halyey Cumar Dhegeweyne hambalyo iuo bogaadin uu ku ksabaday in uu ugu soo adeegay Ummadda Soomaaliyeed,isagoo ka codsaday in uu halkiisa ka sii wado...Guul ayaan ku leeyahay.
 
                                        WAXAA DIYAARIYAY  MAXAMED  MUKHTAAR  SHEIKH