Sportiga waa aalad lagu diyaarin karo wadiiqo muhim u ah in la abuuro jawi saamaxaayo in dadka kala midabka ah kala fikir ah ,kana kala soo jeeda bulshooyin kala duwan in ay yeeshaan hadaf qur ah oo ku saleysan is qadarin iyo in la qeybsado fikradaha saalaxa ah oo lagu hormarin karo bulshooyinka,waana sheyga keli ah oo mudan in loo hibeeyo wax kastoo la awooda madaama lagu unki karo qiimo saldhig u noqon kara kor u qaadida sharafka uu qofka Ilaah heybadda u siiyey sidaas waxa yiri isagoo qiireysan Tababare Cabdicasiis Axmed Mahdi oo bulshadda Isboortiga Soomaaliyeed qiimo ugu fadhiya.
Tababare Cabdicasiis Axmed Mahdi waxa uu ku soo dhex barbaaray qoys Soomaaliyeed oo qeyb libaax ka soo qaatay Isboortiga Soomaaliyeed 50sano ee ugu dambeysay kuwa oo ku helay sharaf iyo qadarin ay Ummadda Soomaaliyeed u hayaan waxayna kala yihiin.
1)Mudane Cali Mahdi Maxamed oo hore u soo noqday Madaxwaynaha Dalka Soomaaliyeed oo adeer u ah Tababare Cabdicasii ayaa bartamihii Kontomeeyaddi waxa uu ka tirsanaa Kooxda Kuabadda cagta ee Degmadda Shibis isagoo ka mid ahaa Ciyaartoyda lagu dhaarto,laakiin nasiib daro waxa uu ciyaarta uga Fariistay dhawac ka soo gaaray jilibka oo u saamixi waayo in uu sii wato Ciyaaraha.
2)Halyey Axmed Mahdi oo ah Aabihii dhalay Cabdicasiis ayaa waxa uu ka mid ahaa kooxdii Kubadda Cagta ee degmadda Bondheere,waxayna ay isku koox ahaayeen Marxuum Faarax Wehliye Caddow,waxaana uu akhritaankii noqday taageerayaasha wadanka Soomaaliyeed oo dhan caanka ka ahaa isagoo tageere u ahaa Kooxdii Kubadda Cagta ee Gaadiidka oo uu Tababare Cabdicasiis mar u soo Ciyaaray,waxaana Aabe Axmed Mahdi lagu xasuustaa in Caruurtiisa uu ku barbaarin jiray ka qayb galka Ciyaaraha isagoo ogaa waxtarka isboortiga ay u leedahay dhalaanka soo koraayo.
3)Dr. Cabdulaahi Xasan Mahdi oo ah PHD HOLDER waxa uu ka mid ahaa daafacii kooxdii Kubadda Cagta ee SOMALITEX isagoo ka mid ahaa Ciyaartoyda ay kooxdaasi ku dhaarato wacdaro badanna ka miuujiyey garoomadda Kubadda Cagta ee Somalia.
4)Cali xasan Mahdi oo lagu naaneyso Cali Shiino,waxa uu ka mid ahaa Kooxda Kubadda Koleyga ee SOMATEX isagoo ka mid ahaa Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee lagu xasuusto sida uu xariifka ugu ahaa Kubadda Koleyga siiba qeybta Qeybinta Kubadda Koleyga.
4)Mahdi Ahmed Mahdiwaxa uu u Ciyaaray Naadiga Muqdishuu heerka Labaad.
5)Yaasiin Xasan Mahdi waxa uu u ciyaaray Naadiga Madbacadda heerka Labaad.
6)Marxuum Xasan Mahdi oo adeer u ah Cabdicasiis waxa uu mar soo noqday Gudoomiyaha Naadiga Muqdishuu,isagoo ka mid ahaa shaqsiyaadka Isboortiga Soomaaliyeed ay xushmadda u hayso madaama uu wax badan u soo qabtay .
Tababare Cabdicasiis Axmed Mahdi waxa uu ku soo barbaaray Degmadda Shibis ee Gobolka Benaadir,yaaraantiisina waxa uu aad iyo aad u jeclaa ka qeyb galka Ciyaaraha isagoo ka mid ahaa dhaliyaraddi u soo daawasho tegi jirtay garoonka Kubadda Cagta ee MAXFALKA halkaa uu ku daawan jiray Halyeeyadii soo maray Isboortiga Soomaaliyeed sida Marxuum Jumcaale Xaayow,Shiiqaalow,Baxeyt,Faysal Tabeeba,Baani iyo kuwa kale,waxayna daawashadiisii Ciyaarahaasi si laba jibaartay jaceylka uu u hayey ka qeyb galka Kubadda cagta,iyadoo uu ku dhiiri geliyey ka qeyb galka Ciyaarta Kubadda Cagta Marxuum Jumcaale Xaayow uuna sheegay in uu Kubadda Cagta uu ku leeyahay Mustaqbal taa oo akhiritaankii dhabowday.
Tababare Cabdicasiis markii uu muddo aan badneyn iskiis Tababar u sameynaayey ayaa waxa uu ka mid noqday Kooxdii dhalinta soo koreysay oo lagu magacaabaayey VERDE halkaa uu ka muujiyey wacdaro,waxayna cabdicasiis iyo kooxdiisii VERDE ku guuleysteen muddo 3 sano oo is xigta koobkii Kubadda Cagta ee Ramadaanka.
Sanadku markuu ahaa 1982 Halyey Cabdicasiis waxa uu ka mid noqday Kooxda Kubadda Cagta ee Gaadiid Serie B,waxaana kooxdaasi geeyey Aabihii Axmed Mahdi oo ka mid ahaa taageerayaasha Kooxda Gaadiidka Loogu jecelyahay,waxaana kooxdaasi tababarayaal u ahaa Marxuum Maxamed Yuusuf Kobey iyo Mansuur,waxaana isla sanadkaasi loo qaatay in uu matao Kooxda Kubadda cagta ee Gobolka Benaadir uu uu markaa Tababare u ahaa Macalin TUKE oo Cabdicasiis wax badan u kordhiyey,waxaana ay sanadkaasi Ciyaarihii Goboladda ka galeen kaalina labaad.
Dabayaaqadii sanadkii 1982 ayaa Halyey Cabdicasiis waxa loo caleemo saaray in uu ka mid noqdo kooxda Serie Ada ee Kooxda Kubadda Cagta ee Gaadiidka taa oo keentay ka dib markii uu muujiyey xirfad soo jiidatay tababarayaasha kooxdaasi,waxaana uu Cabdicasiis nasiib u yeeshay in uu Kooxda Gaadiidka kala qeyb galo guulo fara badan oo ay ku hanteen Horyaal iyo Koobka Koobabka ee J. Da;uud,waxaana guushaasi kala qeyb gashay Halyeeyadda kala ahaa Jamaal Maxamed Xasan,QaasimCali,Casiis,Cabdalla saalim,Marxuum Kadiila ,Dhabarey iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
Sanadku markuu ahaa 1983 Halyey Cabdicasiis waxa uu u soo wareegay Kooxda Kubadda cagta ee Naadiga Muqdishu,waxaana markaa Tababare u ahaa Charleys Kumi oo u dhashay dalka Ghana halka uu Cabdicasiis Axmed Mahdi kaga faa'ideystay farsamooyin badan oo magaciisa kor u qaaday,waxaana Cabdicasiis iyo kooxdiisii Muqdishuu kaalinta labaad ka galeen horyaalkii sanadku markuu ahaa 1985,sanadkii xigay ee 1986 waxay galeen kaalinta Kowaad halkaa oo ay ka muujiyeen ciyaar farsamadeedu sareyso,waxaana Halyey Cabdicasiis guushaasi ku wehliyey Ciyaaryahanadda kala ahaa Axmed qaldaan,Marxuum Isaaq,Duqow,Aajeelow,Yaxye M. Abuukar,Cabdicasiis Qafaal,Cabdi Maxamed Rooble,Zakariya.Kamaal,Axmed Cabaas,Loolow,Cumar Calasow,Cabdi Boy iyo Maxamed cabdulle farayare.
Tbabare Cabdicasiis iyo Kooxdiisa Muqdishu waxa loo caleemo saaray in ay matalaan Xulka Kubadda Cagta ee Junyoorka,waxaana ay Ciyaar ku tiirsaneyd horyaalka Junyoorka addunka ay u tageen Dalka Ugaandha,halkaa ay Ciyaar kula yeesheen koox ka socotay dalka Ugaandha,waxaana guushii raacday Tababare Cabdicasiis iyo kooxdiisa Muqdishu waxayna kooxdii kale uga badiyeen 2-0,waxaana uu Cabdicasiis markii uu ka sheekeynaayey guushaasi wayn waxa wajigiisa laga garanaayey Farxad aan la qiyaasi karin iyo qiiro Soomaalinimo,waxa kaloo uu Ciyaaro kala duwan u tegay isagoo Huwan Magaca qaranka Soomaaliyeed dalalka kala ah Zambia,Ruwaanda iyo Kenya halkaa uu tartamadii uu kaga qeyb galay ka muujiyey wacdaro aad u heer sareysa,waxaana uu Ciyaaraha ka fariistay sanadku markuu ahaa 1988 dhawaac soo gaaray awgiis ,laakiin waxa uu markaa waxii ka dambeeyey uu u jeestay dhanka Tababarnimadda isagoo ka mid ahaa Tababarayaashii ku haray dalka gudihiisa markii ay dhaceen dagaalkii sokeeyey.
Tababare Cabdicasiis Axmed Mahdi waxaii ka dambeeyey 1990 waxa uu soo Tababare kooxo kala duwan,waxaana kooxahaasi ka mid ahaa koox uu iska lahaa Ganacsade u dhashay dalka Talyaaniga oo magaciisa la yiraahdo John Carlo,.waxa kaloo uu tababare u noqday Interglobe Interprise iyo Kooxda Dekadaha oo ku guuleysatay Horyaal iyo Jenaraal Da;uud taa oo loo tirinaayo xirfadda Tababarnimo oo Cabdicasiis leeyahay.
Sanadku markuu ahaa 1997 waxa loo magacaabay in uu ka mid noqdo Tababarayaasha wax ka leyliyo Xulka Qaranka Soomaaliyeed isagoo la shaqeynaayey Halyey Xusen Cali Coonka oo isboortiga Soomaaliyeed Taarikh dheer ku leh,waxayna Ciyaartii ugu horeysay ugu ambabaxeyn dalka Angoola,waxaana Kooxdii Soomaaliyeed oo ay Tababarayaasha u ahaayeen COONKA iyo CABDICASIIS ay muujiyeen Ciyaar aad iyo aad u sareysa oo ay u khushuuceen dadkii u soo dawaasho tegay,waxaana kooxdii Soomaaliyeed looga guuleystay HAL GOOL oo qura oo si khalad ah looga dhaliyey.
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta markuu arkay dadaalka uu muujiyey Tababare cabdicasiis ayaa waxa loo gartay in la siiyo tababar Caalami ah ee Kubadda cagta oo lagu qabtay Jaamacadda lagu magacaabo SEMMELWELS UNIVERSATY ee Budapest ee magaalo madaxda Dalka Hugery halkaa oo uu ka soo qaatay shahaado caalami ah ee Kubadda cagta,waxaana uu maanta ka mid yahay Tababarayaasha Soomaaliyeed ee ka diwaangashan Xiriirka Kubadda Cagta ee FIFA.
Waxaana ugu dambeyntii Cabdicasiis waydiinay sida uu u arko dhalinyaradda Soomaaliyeed ee maanta awooda u heshay in ay ka qeyb galaan Ciyaaraha waaweyn ee Yurub iyagoo qaar ka mid ah ay u Ciyaareen Manchester City iyo Juventuus kuwaa oo kala ah Ayuub Da'uud iyo Cabdisalaam Cadaay?
Waxaana uu tababare Cabdicasiis arrintaa ku tilmaamay in ay tahay guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed,waxaana guushaasi dhaliyey waaliidkii Ciyaartoydaasi soo barbaariyey,waxa kaloo nasiib wanaag ah waalidkaas oo ka mid ahaa Halyeyadii Isboortiga Soomaaliyeed Magac iyo Maamus kulahaa oo kala ah Garsoore Caalami Mr. Cadaay iyo Ciyaaryahan Daa'uud,waxaana uu ugu dambeyta aan ku boorinayaa waalidiinta in lagu daydo Halyeeyadaasi shaqada hufan ay qabteen laguna baarbaariyo noocyadda Ciyaaraha kala duwan anigoo huba in la heli karo dhalinyaro kale oo ciyaaraha caalamiga ka qeyb gasho magaca Ummadda Soomaaliyeedna sharaf u soo jiida.
waxaan Ugu dambeyntii Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in markaan loo jeesto nabadda madaama la arkay in dagaal uusan xal keeni karin.
Anigoo ah Tafatiraha Ciyaaraha Sweden waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Halyey Cabdicasiis dadaalkii uu u soo galay horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed anigoo ku adkeynaayo in uu labajibaaro dadaalkaasi,
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh