Dalkeena soomaaliya waxa uu leeyahay taariikh dheer oo dhinacyo badan leh iyo sidoo kale shakhsiyaad xusuus iyo taariikh wanaagsanba ku leh bulshada dhexdooda kuwaasoo isugu jira siyaasiyiin, spoorti,fanaaniin.
Bahwaynta cayaaraha soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxaa ayagana aan ka marnayn taariikhdaasi ayna muhiim tahay haddii aan nahay bahdaasi,ama wabsedka cayaarahaswedan .com in aan taariikhdaasi dib u milicsano una xasuusano cayaartoydii iyo Macalimiintii soomaaliyeed ee ayagu magac iyo muruqba ku soo daafacay dalkooda xusuustana ku reebay maskaxda dad badan oo goobjoog ka ahaa xiliyadii uu wadanka burburay Macalinkii dib u soo nooleynta spoortiga qeyb weyn ka soo qaatay C/Casiis Axmed Mahdi una huray Maalkiisa iyo maskaxdiisa asagoo soo saaray Cayaartoy badan,uuna dib u soo aasaasay ama u soo nooleyay Kooxda Badda u macallin u ahaa.
Qormadayna ugu horeysa ee waraysiyada ay akhristayaasha shabakaddani Cayaarahaswedan.com ay waydiisay cayaartoydii hore iyo macalimiintii hore kuwoodii ugu magaca waynaa uguna caansanaa ayaan waxaan ku bilaabaynaa xidigii hore ee kooxdii Muqdisho iyo xulkii qaranka soomaliyeed macalin C/Casiis Axmed Mahdi oo haysto Shahaadad ugu sareyso K/Cagta,asagoo Hambalyo iyo bogaadin u dirayo Xulka Qaranka soomaaliyeed.
Marka hore Macallinka Qaranka C/Casiis Axmed Mahdi wuxuu salaan qaali ah iyo Hambalyo hawada u marinaayaa halyeygeena qaali ah Macallinka Qaranka Md: Farayare oo Macallin C/Casiis isku Koox ahaayeen wakjhti badana isla soo Ciyaareen , marka xigta asagoo ku booriyay uguna mahad celiyay dadaalkii uu sameeyay iyo guulihii uu gaaray Xulka Qaranka Soomaaliyeed labadii cayaar ay cayaareen ayadoo aan ognahay dhibka wadanka ka jiro iyo tababarka halka lagu sameeyo iyo dhaqaalo xumida heysato Cayaartiyda soomaaliyeed.
Macallin C/Casiis oo la hadlaayo Bahda K/Cagta oo kala joogto dunida dacaladeeda in ay qeybweyn ka qaataan kobcinta ciyaaraha Qaranka soomaaliyeed ayagoo ku deeqaayo qofwaliba 1 Doller si ay Cayaaraha soo socdaan oo ay la leeyihiin Xulka Masar,lagu geesinimo caliyo,lana tago si loo taageero Cayaartaas Maalinta ay dhaceyso ama xataa fikir loo gudbiyo xiriirka kubada cagta soomaaliya fikirkaas oo ah meesha wax laga qabankaro,waxyaabaha horey ugu socon la yahay sportiga dalkeena ka dib guul daro is daba joog ahaa ay horay u soo maray Xulkeena?
MacallinC/Casiis oo is weydiiyay Way wanaagasan tahay in laga qaybqaato fikirna loo gudbiyo waxaase muhiim ah in la iswaydiiyoYaan la hadnaa oo si toos aan ula xariirnaa waad ka warqabtaan sida loo kala daadsanyahay iyo khilaafyada jiro Wadanka,asagoo isu jawaabaayo ayuu yiri waa in ay dowlada qeyb weyn ka qaadataa hurumarinta Xulka Qaranka soomaaliyeed,C/Casiis oo ummada soomaaliyeed ka codsaday in khilaafka la joojiyo lana hormariyaa hurumarinta Cayaaraha Xulka Qaranka soomaaliyeed
Cayaarahasweda.com: oo asagana Salaan iyo hambalyo u dirayo Xulka Qaranka soomaaliyeed.