Somali Tigers oo ku guuleysatay koobkii Minnesoto
MENNISOTO:Kooxda kubadda cagta ee Somali Tigers ee gobolka Minnesota ayaa iyadu isku darsatay dhammaanba koobabkii kubadda cagta ee loo dhigay kooxaha ka dhisan gobolka Minnesota iyadoo habeenimadii ay taariikhdu ahayd 02/22/2009 ay u ahayd habeen farxadeed ka dib markii 5 gool iyo 2 ay ku samarsiiyeen kooxada TC –twin city stars cayaar Final ahayd oo lagu soo gabagabaynayay koob loogu magac daray Somali Soccer Winter League(SSWL).
Tartankan isaga ah ayaa qabanqaabadiisa waxaa iska lahaa 3 dhallinyaro oo iyagu xil aad u weyn iska saaray abaabulidda tartankan kuwaasi oo kala ah: Jabriil Cumar, Khaalid iyo C/raxmaan Aamaan, waxaana ka soo qayb-galay 16 kooxood oo iyagu guud ahaanba soo bandhigay cayaaro ay aad u jeclaysteen dadweynihii faraha badnaa oo iyagu mar kastaaba u soo daawasho tagi jiray cayaarahaasi


Haddaba kooxda Somali Tigers ayaa iyadu ciyaartii Semifinalka waxaa ay ka soo adkaatay kooxda cedar Stars oo ay ku soo martay 6 gool iyo 5 gool, halka kooxda TC stars ay 1 iyo 0 oo rigoore ahaa ay ku soo baxeen.
Ciyaartaasi finalka ayaa daawashadeeda waxaa ka soo qayb-galay rag caan ku ahaa ciyaarta kubbadda koleyga (Legends) oo ay ka mid ahaayeen: Axmed Daahir Cabdulqaadir”Shiikha”, Maxamuud Ciise iyo C/qaadir Madaxey. Waxaa iyaguna goobta joogay ciyaaryahannadii kubadda cagta iyo dadweyne faro badan oo garoonka soo camiray kuwaasi oo taageerayay kooxihii Somali Tigers iyo Twin City stars.
Intii aysan bilaaban ciyaarta ayaa waxaa halkaasi erayo qiimo badan ka soo jeediyay Ciyaaryahankii caanka ahaa ee qaranka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Axmed Daahir Axmed oo isagu ku guubaabiyay dhallinyarada in ay soo bandhigaan ciyaaro wanaagsan oo anshax iyo asluub ay ku dhehan tahay si jiilka yaryar ee soo koraya oo cayaarahooda daawanaya ay ugu daydaan,waxna uga kororsadaan


Ciyaartii kama dambaysta ahayd ayaa waxaa isku haleelay kooxda Somali Tigers iyo kooxda Tc-Twin Stars..Labada kooxood xaqiiqdii waxaa ay soo bandhigeen cayaar aad loo jeclaystay oo dadweynihii daawanayaya ay aad ugu riyaaqeen waxaana qaybtii hore ee cayaarta ay ku soo gabagabowday 2 & 0 oo ay hoggaanka ku hayeen kooxda Somali Tigers,waxaana goolashaasi u saxiixay Raage & Saami.
Qaybtii labaad markii laysugu soo laabtay ayaa kooxda TC waxaa u suuro gashay inay helaan fursad rigoore ah kaasoo uu u saxiixay Maxamed Rashiid, haddana ay heleen gool labaad ,hase yeeshee kooxda TC barbardhacaasi ay heleen ma aysan difaacan waxaana laga dhaliyay 3 gool oo kale oo darandoori ahaa oo ay u saxiixeen Raage, Saami iyo wiilkii u sitay lambarka 21aad Qaasim. Ciyaartiina waxaa ay ku soo gabagabowday 5 Gool oo guusha ay ku raacday kooxda Somali Tigers iyo kooxda TC oo keensatay 2 Gool.
Kooxda Somali Tigers ayaa iyadu ka mid ah kooxaha ugu adag ee ka dhisan gobolka Minnesota, waana kooxdii haysatay koobka horyaalka toddobaadka Soomaalida ee 2008 (Somali Week) ,kaasoo ay kaga adkaadeen kooxdii ka socotay Sandiego –California, Waxaana guulahaasi ay koooxdu gaartay hormuud ka ahaa Tababaraha kooxda Jabriil Cumar oo isagu muddadii uu kooxda gacanta ku hayay wax wayn ka badalay qaab ciyaareedkooda una horseeday guulahaasi ay kooxdu gaartay.


Munaasabaddii xiritaanka waxaa halkaasi ka hadlay C/casiis Biixi oo isagu ka mid ah guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota oo isagu si aad ah uga warbixiyay qaabkii uu tartankani ku billowday iyo sida uu ku soo dhammaaday, waxaana uu ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay dhammaanba kooxihii tartanka ka soo qayb-galay oo iyagu muujiyay dadaal iyo isxilqaan dheeri ah,waxaana halkaasi lagu bixiyay hadiyado faro badan oo loo kala helay sidan:
Sheekh Cumar oo isagu khadka hore uga ciyaara kooxda Somali tigers ayaa waxa uu ku guulaystay in noqdo ciyaartoygii ugu goolasha badnaa intii uu tartankani socday. Hassan Yare oo isaguna ka socda kooxda Higher Ground Academy ayaa noqday difaacii ugu wanaagsanaa, halka ay kooxda Higher Ground Academy ay qaaday kooxda guud ahaan ugu wanaagsan tartanka. Wardi oo u ciyaara kooxda Midnimo ayaa noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa koobkani intii uu socday.
Rage Yusuf oo u ciyaara kooxda Somali Tigers ayaa noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ciyaartii kama dambaysta ahayd. Macalin Cabdifatax "Sea Man" ayaa noqday macalinkii ugu wanaagsanaa, halka macalin Cabdullahi Cumar "Morgan" uu noqday tobabarihii ugu wanaagsanaa dhamaan tobabarayaashii ay kooxohoodu ka soo qayb galeen tartanka. Gabagabadii ayaa waxaa bilado ama abaal marin lasiiyay Cabdiraxman Amaan iyo Saciid Ilkacase oo iyagu koobka wax uga maamulayay iska wax u qabsona wakhtigooda ugu tabarucay tartankan iyo guud ahaanba ciyaaraha ka dhaca gobolkan Minnesota.
Waxaa iyaduna xusid mudan in munaasabaddii xiritaanka uu halkaasi wacdi diini ah ka soo jeediyay Shiikh Yuusuf oo isagu ku baraarujiyay dhallinyarada inay ku xisaabtamaan noloshooda oo aysan ciyaar kaliya ku dhumin, markastaana ay ku dadaalaan inay hagaajiyaan camalkooda iyo cibaadadooda.
Abdulkadir Shiikha & Abdirashid Muqtar
Minneapolis
USA