CABDI WARSAME :HALYEY ISBOORTIGA SOOMAALIYEED XUSHMAD KU LEHþ IYO CAYAARAHA   FUDUD 

 

            

                       )CABDI WARSAME IYO XUBIN KA TIRSAN BARLAMANKA NYJEERIA

 

Waxaan Sanadkii tegay ka ballanqaadanay dadka sida gaarka ah u xiiseeya Bogaan in aan soo gudbin doono Taarikhda Xiddigihii hore ee Isboortiga Soomaaliyeed,waxaana maanta aanu ku soo qaadaneynaa Halyey Cabdi warsame Isaq oo ay xurmad u hayaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka xiseeya Isboortiga.
tababare Cabdi Warsame Isaaq waxa uu ku dhashay Drmadda Manaas ee ka tirsan Gobolka Bay sanadku markuu ahaa 1966dii,waxaana uu yaraantiisii aad iyo aad u jeclaa ka qayb galka Ciyaaraha isagoo aad u xiiseyn jiray Ciyaarha Fudud.
Halyey Cabdi Warsame Isaaq waxa uu ka mid ahaa dhaliyaradii ka qayb gashay carbiskii Xaruntii Ceel-Jaale sanadku markuu ahaa 1983dii,waxaana Mr. Cabdi uu ka qayb galay tartan markaa loo abaabulay ardayda ku jirtay Ceel-jaale oo ahaa Ciyaaraha Fudud,waxaana uu orday 800M iyo 1500m taa oo dadkii fiirsanaayey ay saadaaliyeen in Cabdi Warsame mustaqbalka uu noqon doono Ciyaaryahan qayb wayn ka qaata tartamadda Ciyaarha Fudud,waxaana dadkii ku dhiirigeliyey in uusan Ciyaaraha ka harin ka mid ahaa Mudane Cabdulaahi Xasan Kuusow oo ka mid ahaa madaxda Xiriiradda kala duwan ee Soomaaliya khibrad badanna u lahaa qaybaha kala duwan ee Isboortiga.
Sanadku markuu ahaa 1984 Halyey Cabdi warsame waxa uu u saftay Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali tartankii Dugsiyadda sare ee Xamar,waxaana uu halkaa ka muujiyey wacdaro isagoo ku guuleystay 800M,1500M iyo 3000M.
Halyey Cabdi Warsame waxa dabayaaqadii Sanadkii 1984tii uu u saftay Degmadda Shibis tartankii Degmooyinka Gobolka Benaadir isagoo mar kale muujiyey karti aad u sareysa isagoo ku guuleystay  800M,1500M iyo 5000M,waxaana abaalmarin aan la iloobeynin halkaa igu Gudoonsiiyey Xoghayahii Gobolka Benaadir Mudane Xasan Abshir Faarax,Gudoomiyaha Dhalinyaradda Gobolka Benaadir Mudane Cabdulaahi Maxamed Faarax(RITOOS) iyo Xoghayaha Isboortiga ee Gobolka Benaadir Dr. Cali Cusmaan Cali.
Ciyaaryahan Cabdi Warsame Isaaq waxa sanadkii 1985 loo qaatay Tartankii Goboladda  isagoo u saftay Gobolka Benaadir,isagoo ku guuleystay 1500M Kaalinta labaad iyo 5000 kaalinta kowaad,waxaana 1500m ka qaaday Ciyaaryahan Cumar Xasan Culusow.
 
 
CABDI WARSAME IYO TABABARE RON DAVIS, CABDI WARSAME IYO GUDDIGA ATLANTA PLAN
 
Halyey Cabdi Warsame markii uu muujiyey karti dheeraad ah ayaa waxa loo qaatay Naadiyadda heerka Kowaad isagoo ka mid noqday Naadigii Wakaaladda Ganacsiga Ummada dabayaaqadii 1985tii,isagoo u ordaayey 1500m,5000m iyo 10000m,waxaana uu mar kale soo jiitay indhaha dadka ka faalooda Ciyaaraha,taa waxay keentay in sandkii 1986kii loo magacaabo in uu ka mid noqdo Xulkii qaranka Soomaaliyeed,waxaana isagoo Huwan calanka Soomaaliyeed uu markiisii ugu horeeysay ka qayb galay tartankii PAN AFRICAN CROSS COUNTRY  ee lagu qabtay Kenya sanadku markuu ahaa 1987kii,isla sanadkaasi waxaa uu ka qayb galay tartankii Jaamcadaha Addunka ee lagu qabtay Dalka Talyaaniga magaaladda lagu magacaabo BOLONYA kaa oo ahaa Cross Country.
Halyey Cabdi warsame ayaa loo doortay in uu ka mid noqdo Ciyaartoydii Soomaaliyeed ee ka qayb gashay Tartankii LOS ANGELES MARATHON .
 
            
CABDI WARSAME IYO MAL PANDER OO BILAD DAHAB OLIMPIG KU GUULEYSTAY
 
Halyey Cabdi Warsame waxa uu u hayaamay Gobolkii uu ka soo jeeday markii uu bilawday dagaalkii sokeeyey,waxaana uu Xamar dir ugu soo noqday sanadku markuu ahaa 1995 si uu uga qayb galo is xoreentii lagu soo aaday Tartankii Olimpigadda ee lagu qabtay Atlanta 1996,waxaana uu mar kale uu matalay dalka Soomaaliyeed isagoo huwan Calanka Soomaaliyeed,intii uu ku noolaa Magaaladda Atlanta waxa uu ka qayb galay tartamo kala duwan ee dhanka orodka ah,waxaana ugu dambeyntii aan ka qayb galay tababar Tababarnimo isagoo noqday Tababare (CERTIFIED COACH) waxaana uu isla markii ka bilaabay hawlo tababarnimo Dugsiga Sare LAKESIDE HIGH SCHOOL,isagoo awooday in kooxdiisa ay kaalinta labaad ka galaan Tartankii Dugsiyadda sare ee GEORGIA taa uu ku helay Sumcad iyo qadarin.
Waxaana ugu dambeyntii waydiinay waxa uu hadda qabto?.
Waxaana uu Cabdi noo sheegay in markii uu muujiyey xirfad aad u sareysa gacanna uu ka helay Dr. Cali Cusmaan Cali iyo Ron Davis in uu haatan ka mid yahay Tababarayaasha wax ka tababara Jaamacadda ATLANTA CLARK UNIVERSATY dhinaca Ciyaaraha Fudud,waxaana uu raaciyey in uu ka mid yahay kuwa ugu horeeyo ee Soomaaliyeed ee heerka gaara,waxaana uu ugu dambeyntii isagoo ay qiiro ka muuqata sheegay in uu ku dadaali doono in uu mar kastaba in uu sii hormariyo.
Anigoo ah Tafatiraha CayaarahaSweden.Com waxaan u dirayaa Halyey Cabdi Warsame Hambalyo iyo boqaadin  uu ku kasbaday dadaakii dheeraa uu u soo galay daafacaada Ummadda Soomaaliyeed,waxaana ku boorinayaa in uu halkaa ka sii wado dadaalkaasi,Cayaartoyda Cayaaraha Fududna ay ku daysadaan Halyeygaas.
 
 
 
                                                 Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh