Warbixin guud cayaarahii jaaliyadaha degmooyinka
Stockholm wadanka Sweden
Tartan ay kasoo qeyb galeen jaaliyadaha soomaaliyeed ee ka dhisan magaalada Stockholm iyo gobolada u dhow ayaa markii ugu horeysay lagu qabtay xaafada Soomaalida sida aadka u degan tahay ee Rinkeby kana dhisan magaalada Stockholm wadanka Sweden, tartankaan oo ay soo abaabuleen labada urur ee kala ah Benadir FC iyo Jenyo FC ayaa waxa uu dhacay xiligii kuleelaha 26 june 2009 - 7 july 2009.




Tartankaan oo ahaa tartan tijaabo ah ayaa waxaa fikrada lahaa sida kor ku xusan labada urur ee Benadir iyo Jenyo, gudiyada labada urur ayaa isla arkay in ay jirto maalmo aad u badan oo wax barnaamij isborti aan jirin una dhaxeeya marka iskuulada iyo jaamcadaha fasax galaan oo ah 20 june iyo inta laga gaarayo cayaaraha xagaaga ee sanad walba ka dhaca Stockholm oo ah 15 july. Labada guddi waxa ay isla garteen in la qabto tartankaan isla markaana aan loo arag in uu yahay mid lagu duminayo ama lagu carqaladeynayo tartanka uu ururka Seuki qabto xiliga kuleelaha. Labada guddi ayaa si taxadar leh ula kulmay madaxda maamulka Seuki iyagoo hor dhigay qorshaha tartankan. Maamulka Seuki oo uu horkacayey gudoomiyahooda Shuute ayaa u riyaaqay fikrada isla markaana ka mahad celiyey wada tashiga lala sameeyey, kuna taageeray fikrada.


Ujeedada tartanka ayaa ahaa:
Tartankan oo tijaaba ahaa ayey labada urur isla garteen in loo magacaabo gudi farsamo, oo ku shaqeeya rabitaanka kooxaha, sidoo kale waxa ay goáansadeen in garsoorayaal Soomaali ah ay cayaaraha garsooraan maadaamo ay joogaan dhalinyaro ka qabta heerarka kala duwan ee horyaalka kubada cagta magaalada Stockholm lagana gudbo kalsooni darada mudada badan ka dhex jirtay kubada cagta Stockholm kaasoo ay inta badan massuliyiinta kooxaha ay aaminsan yihiin in garsooraha Soomaaliga ah uusan dhexdhexaad noqon karin.


Waxaa ilaah mahadii ah in fikirkaas uu meesha ka baxay ka dib markii afar garsoore Soomaaliyeed ay cayaaraha qabteen, garsoorayaashaas oo kala ahaa Mohamed Abdulahi (Kuse), Sacid Ali (saciid dheere), Caydaruus Cali Jamac iyo Shaafici., garsoorayaashaan ayaa muujiyey karti iyo cadaalad taas oo iyaguna ku kasbadeen in ixtiraam ka helaan cayaartooyda iyo massuliyiinta kooxaha.
Halkan riix si aad u daawato sawirada tartanka:
http://picasaweb.google.se/benadir/CayaarahaJaaliyadahaStockholm2009?feat=directlink
Cayaartooyda ajnabiga ayaa kooxaha qarkiis ku badnaaa taas oo guddiga farsamada indhaha ka qarsaday sabab ay ku macneeyeen in ay jiraan dhalinyaro fara badan oo ajnabi oo saaxiib la ah dhalinyaradeena Soomaaliyeed oo aad u jecel in ay la cayaaraan saaxibadood Soomaaliyeed qaarkoodna ay aad u jecel yihiin dhaqankeena soomaaliyeed, massuliyiinta kooxaha ayaa u arkin wax dhib ah in dhalinyaro aan Soomaali ahayn ay cayaaraan tartankaan taa badelkeed waxaa ay u arkayeen horumar iyo in laga faaideysto farsamada cayaartooy ka mid ah oo heerar sare ka cayaara horyaalka wadanka Sweden.


Guddigii farsamada oo tartanka maamulayey ayaa ahaa mid irdaha ugu furnaa dhamaan dadweynaha xiiseynayey in ay gacan ka geysan karaan tartaanka, dadkii aan ka xusi karo ayaa ka mid ahaayeen Ciid Arsenal oo ahaa nin garoonka ka muuqday maalin walba marka ay cayaarta bilaabata ilaa ay ka dhamaato, sidoo kale Bashiir Jenyo,Maxamed Muse, Hamdi Shiikh, Mukhtar Shuute,Abdiqani Calim, Cayadaruus,Daamey, Dhabarey,Jeylani iyo Ali Yare.
Tartanka oo jawi aad ay u jecleysteen dadweynihii usoo daawasha tagayey galab walba ayaa u riyaaqay cayaaraha farsamada qurxoon iyo akhlaaqda ay muujinayeen cayaartoyda iyo massuliyiintuba, waxa ay ka codsadeen guddiga maamuulayey in sanad walba qabtaan hadii alla idmo.
Tartankaan oo lagu bilaabay 8 kooxood ayaa kala ahaa.
1-Hässelby 2- Jakobsberg 3- Husby 4-Rinkeby Star
5-Qaran 6-Alla magan 7-Katrinholm 8- Tensta
waxa loo qeybiyey laba group waxaana isugu soo haray cayaarta semifinalka afarta kooxood kala ah. Qaran Vs Husby iyo Rinkeby Star Vs Alla magan. Waxaa usoo gudbay cayaartii finalka labada kooxood ee kala ah Husby iyo Alla Magan, 7 dii july ayaa cayaarta kama dambeysta ka dhacday garoonka knutby ay maamulaan ururka Benadir FC waxaana cayaarti kusoo idlaatay 2-2 waxaana rigoore ku qaaday tartankii loogu magac daray tartanka jaaliyadaha Stockholm iyo magaalooyinka u dhow dhow kooxda Alla Magan.
Kooxaha muujiyey maamul wanaag iyo farsamo tayo leh ayaa ka mid ahaayeen kooxda Hässelby, gudoomiyahooda isla markaana ahaa macalinka kooxda Maxamed Xuseen ayaa noqday nin kusoo biiray sawirka isbortiga Stockholm sidoo kale Hashim oo ahaa gudoomiyaha kooxda Alla Magan iyo Jiinow oo ahaa gudoomiyaha kooxda Katrinholm ayaa noqday wajiyada kusoo kordhay isbortiga Sweden waxa ay muujiyeen maamul wanaagsan iyo in ay jiraan cayaartooy farabadan oo ku sugan wadanka oo u baahnaa in ay helaan meel ay kusoo bandhigaan farsamadooda taas oo noqotay tartankan.
Koobabka iyo biladaha tartanka ayaa lagu bixin garoonka, gudiga ayaa jecleystay in lagu bixiyo xaflad qaas ah iyadoo taas u qaateen in kooxaha ay ka munaaqishoodaan sida tartankan laga yeelayo mustaqbalka in loo baahan in la dhigo sanad walba iyo waxa la rabo in lagu kordhiyo ama laga dhimo, xafladii gabagabada ayaa ka dhacday lokaalka ururka SSUF oo ku yaala xaafada Rinkeby taariiqdu marka ay ahayd 14 july 2009.
Dadweyne iyo masuuliyiinta kooxaha ayaa kasoo qeyb galay sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay bahda isbortiga stockholm oo ugu horeeya xogahaya gudiga olombikada Qaranka Soomaaliyeed mudane Abdulahi Tarabi iyo massuluyiin farabadan oo ay ka mid yihiin-
Kulankaan oo xiriirye ka ahaa xoghayaha ururka Benadir FC Ibrahim Galbeyte ayaa qodobada looga hadlay dhamaan la isku afgartay kuwaasoo aan ka xusi karo, in kooxaha isku raaceen in tartanka muhiim ahaa loona baahan yahay in la qabto sanadka xiga hadii alla idmo, sidoo kale waxa ay kooxaha isku afgarteen in loo sameeyo sharciyo bilawga sanadka 2010 kaasoo kooxaha ay ku balansan yihiin hadii alla idmo, waxa ay sidoo kale isku afgarteen in loo baahan yahay in tartamo la qabto xiliga qaboobaha laguna qabto garoomada dadan.
Gabagabadii kulanka ayaa waxaa qudbad dheer ka jeediyey mudane Tarabi, Tarabi waxa uu ka hadlay faaidada Isbortiga u leedahay bulshada isku xirkeeda waxaa kaloo uu ka hadlay qorshaha GOS iyo sida ay u daneyneyso wada shaqeynta Soomalida qurba joogta ah, intaa ka dib ayaa la gaaray waqtigii la qeybin lahaa koobabkii iyo abaalmarinadii loogu tala galay kooxaha iyo garsoorayaasha, hadiyadaha iyo koobabka ayaa bixiyeen dhamaan dadka aan kor ku xusnay waxaana koobkii kaalinta koowaad oo ahaa abaalmarinadii ugu dambeeyey gudoonsiiyey kooxda Alla Magan xoghayaha GOS mudane Abdulahi Tarabi.
Guddigii qabanqaabiyey taranka oo hormuud u ahaa Bashir Jenyo ayaa ka mahad celiyey dhamaan dadkii iyo ururadii gacanta ka geystay tartankaan kaas oo ay si gaar ah uga xusay ururka Daryeel asociation iyo gudoomiyahooda Abdulahi Shikh Ali Salad. Sidoo kale ururka Somali youth iyo gudoomiyahooda Ali Yare Ali Dj.
Waxaa diyaariyey
Ibrahim Galbeyte
Ibrahimw@hotmail.com