Cayaarihii Xagaaga Heerka 1aad  ee Stockholm Sweden oo Maanta    Furmay 2008

 

Waxaa maanta oo jimco  19/7/08 ah ka Furmay Garoonka Weyn ee Kuntby oo ku yaalo Xaafada ay soomaalidu aad u degentahay ee Stockholm sweden Cayaaraha Heerka 1aad oo Sanadkiiba mar la qabto waxaa soo qaban qaabiyo Gudiga Cayaaraha iyo Dhaqanka ee sweden.

Sanadkaan ayaa ka duwanaa Sanadihii hore waa Toban Jirsaday Cayaarahaas Xagaaga ,waxaa si Wadajir ah u soo qabanqaabiyay Tartankaas Labada Urur oo Magac weyn ku leh Stockholm sweden oo kala ah Soomaliska Kultur o idrotts Förening iyo ururka SSUF.

Waxaa ugu Horeyntii halkaas ka hadlay Furitaankii Xoghayaha Cayaaraha Xagaaga Maxamed Muuse (jabsos) ka dib wuxuu ku soo dhaweyay Gudoomiyaha Cayaaraha Xamdi Sheikh Axmed asagoo khudbad aad loo jecleysatay halkaas ka soo jeediyay, wuxuu halkaas ku soo dhaweeyay dhamaan marti sharafta leheed oo ka soo qeyb gashay tartankaas wuxuu amaan iyo bogadin u soo jeediyay baheynta ispoortiga ee ka soo qyb gashay cayaarahaas sidoo kale wuxuu amaan iyo mahadcelin u soo jeediyay Cayaartoyda iyo Madaxda hogaamineyso  oo ka soo qeybgaleen Tartankaas, wuxuu cod baahiyaha ku soo dhaweyay Ruug Cadaaga weyn oo ah Cayaartoydii hore LLPP Axmed Nuur(seyga Ruushka) oo si fiican u hadlay ka dibna uu ku soo dhaweeyay Xiddigii Hore ee Xulka Qaranka K/Kolayga soomaaliyeed Shiikha oo halkaas ka soo jeediyay hkudbad qiimo leh,waxaa ka dib hadlay Masuulka sare ee ururka SSUF Axmed Xasan ,Ruug Cadaaga Weyn ee ispoortiga A/qaadir (isoomarey) Masuuk sare Shaashtiin oo ah Swedhish kana tirsan Madaxda sare ee Xaafada Rinkeby,ka dib eaxaa hadlay Gudoomiyihii ugu horeeyay ee Cayaaraha Xagaaga ee Stockholm.

Furitaankii Caaraha Waxaa kubadii laaday Xidigii Weynaa ee Qranka Soomaaliyeed Dr: Yuusuf Shaqaaq oo halkaas aad ugu amaanay Wax qabadkii a bahada ispoortiga  ee yurub Gaar ahaan hooyada Cayaaraha yurub qabanqaabiyo Cayaaraha Xagaaga ee sweden.

Furitaankii Cayaaraha Waxaa si joogta ah dadweynaha Bilaaw ilaa Dhamaad u maaweylinaayeen Fanaaniinta waaweyn ee hobalada laga daba dhacay waa XASAN AADAN SAMATAR IYO RAXMO RUUXI oo Halkaas ka qaaday heeso aad loo jecleystay,

Tartanka Cayaartii ugu horeysay waxaa lagu furay labada Kooxood oo kala ah Denmark VS W12 Labada kooxood waxay soo bandhigeen Cayaar aad loo jecleystay oo dadkii ka soo qeyb galay u bogeen Cayaartaas Waxaa ku guuleytay Kooxda hada horyaalka heysata Denmark 3 VS W12 1 ayay ky dhamaatay Cayaartii koowaad tii labaad waxaa wada cayaaray labada kooxood oo kala ah Nabadda VS Götenberg Cayaartaa waxay ku dhamaatay Götenberg 1VS Nabadda 0 Dhamaan Cayaarihii Eaxay ku dhamaadeen Jawi aad u Wanaagsan.

 

 

 

 

Waxaa Qoray Maxamed Mukhtaar Sheikh