Xiddiggii Naadiga Jeenyo , Caydiid Jeenyo oo booqasho ku yimid Minneapolis, Minnesota

Labadii toddobaad oo aynu ka soo gudubnay waxaa gobolka Minnesota(USA), booqasho gaaban ku joogay weeraryahankii kooxdii kubadda cagta ee naadigii wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta “LL.PP” waa Cabdulqaadir Xasan Faarax oo bulshada isboortiga jeceli ay ugu yeeraan “Caydiid Jeenyo”.
Caydiid ayaa muddadii gaabnayd ee uu joogay gobolka Minnesota waxaa uu ka qaybgalay kulamo isboorti oo kubadda cagta isaga oo dib inoo soo xusuusiyay waayo waayihii nabadda iyo xirfadahiisa aqooneed ee uu ka gaaray kubadda cagta.
Caydiid oo aad moodo inuu wali xirfaddiisa ciyaareed ee kubadda cagta uu wali wato, ayaa kala qayb galay dhallintii cuslaatay ee kubadda cagta cayaar kubadda cagta oo lagu soo dhawaynayay cayaaryahanka . taasoo ay isugu yimaadeen cayaartoydii cuslaatay sida: C/raxmaan Cawaale Guuleed “Aamaan”,Cabdulqaadir Nuune, Cabdullahi Afrika iyo cayaaryahanno faro badan oo aanan halkan magacyadooda ku soo wada koobi Karin. Sidoo kale waxaa uu cayaaryahan Caydiid booqashooyin ku tagay goobaha kubadda koleyga ee lagu tababaro cayaartooyda kubadda koleyga oo isugu jira yaryarka iyo waaweyn intaba.

Maalinimadii ay taariikhdu ahayd 06/10/2009 ayaa cayaaryahanka qado sharaf loo sameeyay, qado sharaftaasi waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin iyo qaar ka tirsanaa ciyaaryahannadii kubadda Cagta iyo Koleyga heerka 1aad ee naadiyadii dalkeena.
Qado sharaftaasi ayaa waxaa ka hadlay gabi ahaanba dhallinyaradii halkaasi isugu timid oo iyagu ciyaaryahan Caydiid ku soo dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana ay uga warbixiyeen horumarinta iyo dadaalka ay ugu jiraan isboortiga Soomaaliyeed guud ahaan iyo kan jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.
Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin oo isagu madashaasi ka hadlay ayaa si durugsan uga hadlay cayaaryahanka Caydiid, waxaana uu sheegay in Caydiid uu ahaa ciyaaryahan aad u dadaal badan oo misna anshax iyo asluub isku darsaday. Waxaa uu ka mid ahaa dhallinyaradii ay soo barbaarisay Naadiga Jeenyo oo aan oran karno barbaarintiisii waxaa ay horseeday inuu horumar ku tallaabsado ilaa uu gaaro heer qaran , sumcad iyo qadarin wayna uu ku yeesho bulshada isboortiga Soomaaliyeed dhexdooda.
Caydiid Jeenyo oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa ugu horrayntii waxaa uu ka mahadceliyay soo dhaweyntii diiranayd ee dhallinta Isboortiga ay ugu sameeyeen Minneapolis,MN . Waxaana uu si aad ah uga hadlay naadigiisii uu ku soo barbaaray ee jeenyo oo uu ku sifeeyay in naadiga cayaartooydii joogtay ay u kala baxeen 3 qaybood oo kala ahaa: ciyaartooy naadigu dhalay sida: Maxamuud Ciise, C/naasir Canaa, iyo qaar kaloo badan, Ciyaartooy naadigu keenay oo uu soo saaray sida: Cabdalla dheere, Cabdi Xalwo, C/qaadir Madaxey,aniga oo caydiid ah iyo ciyaartooy naadigu xanaaneeyay oo gadaal uga soo biiray oo uu ka xusay: Cabdullahi Cabdi iyo Garaad Ibraahim (Allaha u wada naxariistee).

Caydiid waxaa uu aad ammaanay guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota oo uu ku sifeeyay in uu wax wayn ku lahaa shakhsiyan horumarkiisa isboortiga ee naadiga Jeenyo, wuxuuna qiray in isboortiga naadiga jeenyo uu horumar wayn ku tallaabsaday muddadii gaabnayd ee uu Cabdi Cali ka ahaa agaasimaha wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta isaga oo markaasi hawlo baaxad leh ka qabtay: dhinacyada garoomada, soo ururinta cayaartooy tayo leh oo uu naadigu yeesho, xanaanaynta iyo taakulaynta ciyaartooyda intuba.
Caydiid waxaa kale oo uu aad ula dhacay kaalinta dhallinta cuslaatay ee Minnesota ay uga jiraan taakulaynta iyo barbaarinta dhallinta cusub ee ku soo biiraysa saaxadda Isboortiga.Ugu dambayntiintiina waxaa uu kula dardaarmay inay hore u wadaan dadaalada ku aadan horumarinta isboortiga.

Bal aan dib kuu xusuusino ciyaaryahan Caydiid taariikhdiisa oo kooban:
C/qaadir Xasan Faarax(Caydiid Jeenyo),Waxaa uu ku dhashay degmada Jariiban ee gobolka Mudug , sannadku markuu ahaa 1965kii.Dahalashadiisa ka dib waxaa loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kaga dhammaystay waxbarashadiisa dugsiga quraanka iyo midda maadiga ah intaba. Dugsigii hoose waxaa uu ku dhammaystay dugsiga Hoose ee Xamarweyne, dugsigii dhexe waxaa uu ku dhammaystay iskuulkii la oran jiray Maxamuud Mire, dugsiga sarena waxaa uu ku dhammaystay dugsigii sare ee beeraha Afgooye.
Caydiid waxaa uu isboortiga bilaabay isaga oo aad u yar oo markaasi ay ka bilaabanaysay markuu dhiganayay dugsigii dhexe Maxamuud Mire oo ardaydii dugsiga uu kala qayb qaadanayay tartamadii kubadda cagta ee dugsiyada. Dabadeedna markii uu dhammaystay dugsigii dhexe waxaa uu wareegay dugsigii beeraha ee Afgooye, halkaasi oo uu ka tirsanaa ciyaaryahannadii K/cagta iyo Koleyga ee dugsiga beeraha.
Yaraantiisa waxaa isboortiga si aad ah ugu dhiirrigaliyay oo uu jeclahay inuu halkan ka xuso nin dhalinyaro ah oo ay saaxiib ahaayeen oo la yiraahdo Cismaan Warsame Dari oo ku magac dheeraa”Yooye” oo deganaa degmada waabari.....waxaa kale oo I soo gacan qabtay aadna ii tixgalin jiray Camey Maadow oo u ciyaari jiray naadiga badda...In kastoo uu aad iigu dadaalay uma suurogalin inuu naadiga Badda igu xiro oo uu ila jeclaa inaan ka mid noqdo ciyaartooydiisa.
Cayaaryahanku waxaa uu ka tirsanaa kooxdii kubadda cagta ee “ ALYAMDA” oo sida aadka loogu yaqaanay garoonkii SYL ee ku yiilay suuqii Ceelgaabta oo uu Ka dhici jiray tartankii koobka SYL oo ahaa mid aad u xiiso badnaa, kaasoo kooxdiisa ay ku guulaysatay 3 koob, waxaana kooxdaasi ay ka mid ahayd kooxaha loogu jecel yahay ee ka cayaari jiray fagaarahaasi SYL.
Horraantii 1983kii ayuu nasiib u yeeshay ciyaaryahanku in uu ka qaybgalo cayaarihii juunyeerada kubadda cagta ee naadiyada dalka isaga oo markaasi u ciyaarayay degmada Afgooye oo qiyaastii 30 kiilomitir u jirtay Muqdisho.
Isla sannadkaasi 1983 kii ayuu ciyaartooygu ka qayb-galay tartankii ciyaaraha gobolada dalka oo isagu ka mid ahaa tartamadii ugu qiimaha badnaa ee ka dhaca dalka Soomaaliya , waxaana uu u safnaa gobolka shabeelaha Hoose”Marka”, waxaana Caydiid uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii sannadkaasi guusha u soo hooyay kooxda gobolka Shabeelaha Hoose oo ciyaartii kama dambaysta ay 3 iyo 1 uga adkaadeen gobolka Bay, taasoo ciyaaryahanka Caydiid uu isagu goolkii labaad kooxdiisa ugu dhaliyay Madaxa
1984 kii ayuu mar 2aad u saftay gobolka Shabeelaha Hoose, hase yeeshee wareeggii labaad ee Xamar lagu qabanayay ayaa kooxda lagu reebay ciyaarihii semifinaalka.
1984kii ayuu C/qaadir Xasan Faarax ”Caydiid Jeenyo” ku soo biiray naadigii Jeenyo oo uu ka tirsanaa ilaa 1989kii,Waxaana imaanshihiisa kooxda Jeenyo sabab u ahaa labadaii ciyaaryahan ee kala ahaa Axmadey Hilowle iyo C/qaadir Akookoow oo iyagu warbixino dheeraad ah ka gudbiyay cayaaryahankaasi markii ay arkeen awooddiisa ciyaareed tartankkii cayaaraha ee ka dhacayay degmada Boondheere.

1987/1988 ayuu kooxdiisa la qaybsaday farxaddii guusha ee koobkii koobabka ee Jeneraal Daa’uud. Waxaana uu aad u ammaanay raggii ay muddada soo wada cayaarayeen ee naadiga ay isku soo gaareen oo kala ahaa: Maxamed Xaaji, Yuusuf Shaqaaq, Shariif Xamsa (AHUN), Maxamuud Cali”Turumbo” oo ahaa kabtankii kooxda iyo dhallinyaro kale oo yaryar oo aan ka xusi karo: Coof, Daa’uud. Maxamed Cadowle”Xayeesi”,Cumar Dhooqeeye, Mascuud, Baadhe, Xaaji Ereg iyo kuwa kaloo badan.
Weeraryahanka kooxda Jeenyo C/qaadir Xasan Faarax(Caydiid) ayaa lagu xasuustaa farsamo ciyaareed aad u heer sarreysay isaga oo si aad ah u luli jiray difaacyadii birta ahaa ee naadiyada, waxaana uu ka ciyaari jiray numbarka 7aad, mararka qaarkoodna waxaa uu buuxin jiray numbarka 9aad iyo numbarka 11aad, waxaana xusid mudan in cayaaryahan Caydiid uu dhanka goolal dhalinta ku guulaystay kaalinta 2aad oo uu dhaliyay 9 gool, halka cayaaryahankii kaalinta 1aad galay waa Cumar Calasow oo ka tirsanaa naadigii Muqdisho uu dhaliyay10 gool.
Isla sannadkaasi ayaa ciyaaryahanka loo magacaabay xulkii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo cayaaro saaxiibtinimo la cayaaray koox ka socotay dalka Jarmalka. Waxaa kale oo uu cayaaryahanku ka mid ahaa ciyaartooydii loo xulay inuu ka qaybgalo cayaarihii wadaamada carabta oo lagu qabtay Kuwait taasoo xulkeena kubadda cagta uu ka baaqsaday inuu ka qayb-galo tartankaasi.
Ugu dambayntii ciyaaryahanku isaga oo ka faaiidaysanaya fursaddan waxaa uu u mahadceliyay macallimiintiisa guud ahaaneed oo uu wax wayn ka faaiidaystay sida : macallin Cabdullahi Saalax “Tuke”, Macallin Ayuub iyo Macallin Axmed Neegaro(Allaha u wada naxariisto). Sidoo kale waxaa uu u duceeyay Aabihii Isboortiga Guddoomiyihii naadiga Jeenyo Allaha u naxariistee Nuur Xuseen Cabdi oo aanan marnaba illoowi kari kaalintiisii horumarineed iyo dhiirrigalineed uu ku lahaa isboortiga Soomaaliyeed dhexdiisa guud ahaanba iyo kayga shakhsiga ah intaba. Waxaana intii geeriyootay Allah uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo. AAMIIN
Waxaa soo diyaariyay C/qaadir Xaaji Daahir Sheikha oo soo diray