ATLANTA: Waxa magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka lagu qabtay Xaflad Baroordhiiq ah oo loo sameyey Wasiirkii Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga Marxuum Soleymaan Colaad Rooble,waxaana xafladaasi soo abaabulay Gudiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta,taa oo ay ka soo qayb galeen Bulshadda weynta reer Atlanta iyo marti sharaf kale ee ka kala socotay bulshooyinka kala duwan oo ay xiriirka hoose leeyihiin Guddiga Isboortiga.


Dr. Cali Cusmaan Cali oo ah Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka ayaa ugu horeyntii waxaa uu aad iyo aad uga mahadceliyey ka soo qeyb galayaashii sidii ay uga aqbaleen in ay qeybtooda ka qaataan Xafladaan loogu baroordhiiqaayo Marxuum Suleymaan Colaad Rooble oo ahaa wasiirkii Isboortiga ee dawladda Midnimo Qaran. Waxaana uu Gudoomiyaha Isboortiga Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali uu dhaweeye in ay erayo ka jeediso Kusimaha Wasiirka wasaaradda Isboortiga Marwo Khadiijo M. Dirie oo khadka Teleefoonka uga qeyb gashay Munaasabaddani baroordhiiqda.

 

Waxayna ugu horeyntii u Mahadcelisay Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Dr. Cali Cusmaan Cali iyo Xubnaha Guddigaasi oo fursadda uu siiyey in ay qeybteeda ka qaadato Xafladaan taariikhi ah.


"Waxaan Tacsi u diraya dhamaan Ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Suleymaan Colaad Rooble waa  wadani  uu  soo jeeday horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuu xogga  saaray in diiradda la saaro soo nooleynta Naadiyadii hore taa oo guul weyn uu ka gaaray, sidoo kale Marxuum Suleymaan Colaad waxa uu aad xooga u saaray in dhalinta soo koreysa lagu barbaariyo Isboortiga si looga weeciyo waxyaabaha wax u dhimi kara mustaqbalkooda, waxa kaloo uu Isboortiga u ahaa aalad lagu dhaliyo nabadda iyo is dhexgalka,himiladiisuna waxay aheyd in la casriyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed Noocyadiisa kala duwan si magaca Soomaaliyeed kor loogu qaado." Ayay tiri kusimaha Wasiirka Isboortiga Marwo Khadiijo iyadoo qiireysan ayey waxay Ilaah uga bariday in uu Janadiisii Fardawsa aheyd ka waraabiyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo waxaana xusi doona taarikhda waxii uu Ummadeyna u soo galay, waxayna ugu dambeyntii u mahadcelisay Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka.

Waxa kaloo isna khadka Teleefoonka uga qeyb galay isagoo jooga dalka Sweden Danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Dinaari) oo mar ahaa Wasiirka Ganacsiga, taarikh dheerna ku leh Isboortiga Soomaaliyeed isagoo ka mid ahaa Guddigii rajo soo celinta Isboortiga ee sanadkii 1993 burburkii ka dib, isagoo ku sheegay in uu Marxuum Suleymaan Colaad ahaa halyey taariikh wanagsan uga tegay Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Isboortiga ku abtirsata.

 

"Isboortiga Soomaaliyeed wuxuu la doonaayey in farsamo ahaan kor loo qaado  iyadoo uu diyaar u ahaa in uu garaaco albaab kasto oo uu Isboortiga u baahanyahay,waxaana lagu amaanaa sida ay daacadda uga aheyd waxqabadkiisa ku wajahan horumarinta noocyadda kala duwan ee isboortiga" sidaasna waxaa tibaaxay Danjire C/raxmaan Diinaari oo ku booriyay dadka Soomaaliyeed in lagu xushmeeyo qof kastaba waxa uu Ummadiisa u qabto isagoo ku soo gunaanaday warkiisii mahad ballaaran uu u jeediyey bulshaweynta reer Atlanta  guud ahaan gaar ahaan Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka.

 

Waxaa kaloo xaflaadas loogu baroordhiiqaayey Marxuum Suleymaan Colaad ka hadlay khabiiradda kala ah Ron Davis, Mike Spino, Dr. Maxamed Cali Nuur oo mar soo ahaa Wasiirka Caafimaadka Somalia, Inj. Cumar Sheekhey, Aweys Fuundi, Cali Mataan iyo Caydiid Jeenyo oo dhamaantood u tacsiyey Ummada Soomaaliyeed halkaana ka sheegay doorkii shariifka ahaa uu marxuum Suleymaan ka soo qaatay horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed iyo himiladda uu tiigsanaayey oo runtii aheyd mid in la xusuusta mudan.

 

Waxa ugu dambeyntii halkaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Gudoomiyaha Isboortiga iyo dhaqanka ahaana Xoghayahii Guddiga Olympigadda Soomaaliyeed .

 

"Aad ayaan ugu mahadcelinayaa hadaynu nahay Gudiga Isboortiga sida aad noo sharafteen oo aad nagala qeybqaadateen munaasabadan, waxaana uu si gaar ah Mahad ugu jeediyey Khubaradda Atlanta Plan oo kala ah Ron Davis iyo Mike Spino,waxa kaloo sidoo kale mahadcelin aan la koobi karin u jeediyey Kusimaha Wasiirka Isboortiga Marwo Khadiyo iyo Danjire Cabdiraxmaan Dinaari oo waqtigooda qaaliga ah noo huray".

 

"Qof kasto waxa uu galo taarikhda sheegi doonto,waxaana taarikhdaasi isu gudbin doono jiilba jiilka ka dambeeyo, waa taa midda maanta halkaan aanu isugu nimid oo ah in aan daalacano waxqabadkii Marxuum Soleymaan Colaad iyo asxaabtii kale ee la geeriyootay waxaana aan Ilaah uga baryeynaa in uu Janadiisii fardawsa aheyd ka waraabiyo Ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskiisaba uu samir iyo iimaan ka siiyo..Amiin" sidaasna waxaa khubadiisa ku soo gunaanaday Dr. Cali Cusmaan Cali.

 

Dhanka kale Dr. Cali Cusmaan Cali Gudoomiyaha Isboortiga isagoo ka fa'ideysanaayo fursadan qaaliga ah ayuu waxa uu mahad u celiyey Halyey Cabdi Xalwo oo ka tirsanaa Kooxda Kubadda Koleyga ee LLPP iyo Xulkii Qaranka Soomaaliyeed oo Dr. Cali Cusmaan oo uu u ahaa Tababaraha Xulka Qaranka Horaantii Sideetameyadii uuna soo halgamay daafacadda Ummadda Soomaaliyeed isagoo ka qeyb galay Ciyaaro Caalami ah oo aad u fara badan, waxa kaloo Dr. Cali Cusmaan u Mahadcelinayaa Garsoore Caalami Mudane Cadaay iyo Wiilkiisa Mr. Cabdisalaam Caday oo ka mid ah Ciyaartoyda Manchester City oo diyaar u ah in ay unkaan Suleyman Olad Foundation taa oo ah mid lagu farxo.

 

Waxayna munaasabadan  ku soo gabagabowday si aad u heer sareysa.


Cayaarahaswedan.com