Garsoore Maxamed Faarax (Dabdamis) Isboortiga Minnesota  ku dayasho ayuu mudan yahay

 

                                          

Garsoorihii caalamiga ahaa ee Soomaaliyeed Maxamed Faarax oo bulshada isboortiga ay ugu yeeraan (Dabdamis) ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis, isaga oo booqasho gaaban halkaasi ku soo gaaray, kana yimid gobolka Virginia, waxaana casho sharaf  loogu sameeyay makhaayadda weyn ee lagu magacaabo Curuuba  ee uu leeyahay Milkiilaha liban Jamac oo loo yaqaano "liban Futey".

 

Halgamaaga isboortiga Maxamed Faarax oo iyadu aysan ahayn markii ugu horraysay ee uu yimaado Minneapolis, ayaa halkaasi waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta isboortiga iyo rag magac iyo sumcad fog ku leh isboortiga Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen:

Cabdi Cali Macallin guddoomiyaha isboortiga ee G.Minnesota

Garsoore caalami  Maxamed Xasan Qolof

Macallin Qariidi tababarihii caanka ahaa ee K/cagta   gobolka  J/hoose

Waxaa iyaguna halkaasi joogay ciyaaryahannadii K/cagta iyo Koleyga naadiyadii heerka 1aad iyo xulka qaranka dalkeena Soomaaliya sida: C/raxmaan Aamaan,C/risaaq Marshaale,C/llahi  Moorgan,Axmed Daahir,C/qaadir Shiikha,C/qaadir Madaxey,Maxamoud Ciise, C/qaadir Daahir iyo Jabriil.

Cashadii ka dib, waxaa halkaasi erayo soo dhaweyn ah ka soo jeediyay C/raxmaan Aamaan, C/qaadir Shiikha,garsoore qolof iyo macallin Qariindi.

 

Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota,Cabdi Cali Macallin oo isagu madashaasi ka hadlay ayaa ugu horreyntii  sheegay in Maxamed Faarax ‘Dabdamis’ uusan u baahnayn in faalo laga bixiyo, kana mid yahay halgamayaasha isboortiga Soomaaliyeed marka laga soo bilaabo xilligii uu ciyaartooyga ahaa ilaa uu gaaray darajada ugu sarreysa ee garsoorka caalamiga ah ee kubadda cagta ”FIFA"waxaana uu ku ammaanay inuu wali yahay shakhsi firfircoon oo mar walba u heelan horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan.

                                      

Maxamed Faarax (Dabdamis),oo isagu goobta lagu soo dhaweeyay ayaa si aad ah ugu mahad naqay dhammaanba dadkii soo abaabulay cashadaasi qiimaha lahayd iyo intii ka soo qaybgashay, waxaana uu si aad ah ugu ammaanay bulshada isboortiga ee gobolka Minnesota sida ay ugu heellan yihiin inay wax u qabtaan caruurta Soomaaliyeed taasi oo ah arrin ku dayasho mudan oo ay kaga duwan yihiin in badan oo isboortiga ku dhex jirta haddana waxqabadkooda uusan muuqan, waxaana uu kula dardaarmay inay halkooda ka sii wadaan dadaalkooda si loo badbaadiyo  mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed ee iyagu ku barbaaraya dalalkan aynu joogno .

Maxamed Faarax ayaa isagu dhinaca kale taabtay dadaalka ay wadaan dhallinta isboortiga ee Toronto oo iyagu ku dhiiraday inay soo saaraan jiil cusub oo aan horay uga mid ahayn isboortiga,waxaana uu halkaasi ka sheegay in isboortigu maanta uu yahay waxa kaliya ee aynu ku badbaadin karno ubadkeena haddii  loo guntado oo si wadajir ah looga shaqeeyo.

 

Munaasabaddaasi ayaa ku soo idlaatay si  aad u qurux badan.  

 

 

                                                       Diyaariye: shiikha