Guddoomiyaha Olombikada Aaadan Xaaji Yabaroow Wiish oo dalka dib ugu soo laabtay.
Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo dhawaanahan isaga iyo wafdi isboorti oo uu hogaaminayo ay safarro shaqo oo dalka dibadiisa ah ku maqnayeen ayaa maanta dalka dib ugu soolaabtay.

Wafdiga guddoomiye wiish ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade si weyn ugusoo dhaweeyay masuuliyiin ka kala socotay xiriirada iyo ururada isboorti ee dalka ka dhisan oo uu horkaayay guddoomiye kuxigeenka GOS Mudane Xasan Axmed Cabdi (Elman), madaxda naadiyada, cayaartoy iyo dadweyne kale oo farabadan oo luxayay caleemo qoyan, islamarkaana watay calanka Soomaaliyeed iyo kan guddiga Olombikada Soomaaliyeed.
Tan iyo saaka waabarigii ayaa wadada isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo hoyga guddoomiyaha waxaa si safa dhaadheer ah u tubnaa taageerayaal isboorti oo farabadan si ay guddoomiyaha iyo wafdigiisa usoo salaamaan marka uu wadada soo marayo.

Guyddoomiyaha ayaa markii uu soo gaaray magaalda Mqudishowaxaa uu si toos ah u abaaray qabriga marxuum macalin Nuur Maxamed Siyaad oo ahaa wadaad diimeed si weyn looga qadariyo dalka Soomaaliya oo tobaadkii hore dalka Kenya ku geeriyooday.
Wafdiga isboorti ee guddoomiye wiish uu hogaaminayay ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ay socdaalo ku marayeen dalal dhowr ah oo ku yaala qaarda Yurub halkaas oo ay kulamo kala duwan kulasoo qaateen jaaliyadaha isboortiga Soomaaliyeed ee dalalkaa ku sugan oo ay ka wada hadleen arrimo horumarinta isboortiga dalka la xariira.

Safarkan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa fulinta qodobadii kazoo baxay shirweynihii doorashada Olombikada Soomaaliyeed ee bishii maarso ka dhacay dalka Jabuuti kuwaas oo sheegayay in wafdi uu guddoomiyuhu hogaaminayo ay soo booqdaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee yurub ku nool oo wax badan gacan ka geystay horumarinta isboortiga dalka Soomaaliya tan iyo 1991-kii oo dalka Soomaaliya uu dowlad la?aan ahaa.
Sida aanu kasoo xiganay xafiiska warfaafinta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed maalmaha inasoo aadan ayaa lagu wadaa in guddoomiyuhu uu saxaafada kaga warbixiyo waxyaabihii uga qabsoomay safarkiisii dheeraa ee uu yurub iyo Afrika dalal ah uu kusoo maray.
Inakstoo Isboortiga Soomaaliya uu kusoo dhex shaqeeyay marxalad adag tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii hore ee Soomaaliya ayaa hadaa waxaa la oran karaa maanta waxaa uu isboortiga Soomaaliyeed marayaa xaaladii ugu adkeyd ee abid soo wajahda marka loo eego dhibaatooyinka dalka ka jira,waxaana jajeyneynaa in ilaah dhibaatadaas uu naga saaro.
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh