Sammer game 2010 oo lagu qabtay magalada Kopenhagen ee dalka Denmark

Marka ay aheyd tariikhda 24/06/2010 oo ku beegneed malinta khamiista oo uu soqaban qaabiyey urur weynaha København International Forening (KIF), tartanki la magac baxay Danmark sammer game 2010 oo lagu qabtay magalada Kopenhagen oo ah casimadda dalka Denmark, waxaa ka soo qeyb galay tartanka sammer game 6 kooxood o kala ah FC Wadani, Oly Amager, Rødovre, FC Dasac, Fiuk Odense iyo Århus.


Tartankaas ayaa ahaa mid ay kooxaha is wada arakaayeen dhamaan lixdii kooxood oo soo wada cayaarey malmaalmihii khamiista, Jimacaha iyo sabtidi, ayaa ugu dambeeyn finalkii wada yimid kooxaha Fiuk Odense oo la timid 11 dhibcood iyo FC Dasac oo ayagan soo shaqeeystey 12 dhibcood, oo markaas labadiii ugu dbibcaha badnaa
ayaa wada dheelay finalka, maanta oo axad ah ay bisha tahey 27. 06.2010, cayaartii qeybteeda kowaad waxey ku dhamaatey 2 iyo 0 oo ay laheed FC Dasac, qeybtii labaad markii lasoo galey ayeey la soo baxeen farsamo cusub oo ay jexlleesteen dadweynihii daawashada u yimid cayaartii ku dhamaatey 4 ay leedahey FC Dasac, 2 gool ay la yimaadeen FIUK Odense sas ayey guusha ku raacdey kooxdii la yiraahdo FC Dasac.


Gudiga qabanqaabada sammer game waxey kala ahaayeen sidaan Said A. Hussein, Hassan M. Ali, Mr Devid iyo Yunis Nuuh
Guddigii farsamada Ahmed Dinaash, Mohamed shukri, Abdiwahab Hassan, Abdikarim Muse Jamal Abdullahi iyo Ciid Chealse.



Waxaa kaloo lagu casumay marti sharaf kakala yimid dalalka kala ah UK, Holland, Germany oo ka koobnaa fanaanita qaranka somaliyeed mr Macallow oo ka yimid Uk, Murjani o ka yimid Holland iyo garsoore Ahmed Dinash unna qaabil sanaa farsamadda oo ka yimid Germany.
waxaa kaloo xusid mudan oo ka soo qeyb galay cayartoyga caanka ka ahaa dalka somalia heer qaran Nur gaab, Abukar, Assad iyo Mahamed Ali Gududow iyo fanaanka weyn ee Kobenhagen Mr Xeef oo dhamaantod degan Denmark.