|

Xiddigii Hore ee Kooxda Muqdisho Abdirashiid A/Raxmaan Xaaji Muumin(Rashiid Doob) oo si Fiican Loogu Soo dhaweyay Magaalada Stockholm.
Ummad kasta oo dunida guudkeeda ku nool waxay leedahay xiddigo caan ku ah Isboortiga noocyadiisa kala duwan kuwaasi oo gaaray heer qaran iyo heer caalami intaba. Xubinteena joogtada ah ee ku saabsan Xiddigaha waxaan ku soo qaadan doonaa taariikhaha Xiddigihii soo maray ummadda Soomaaliyeed kuwaasi oo goobo badan ku difaacay calanka iyo ciidda, sidoo kalena waxaan soo qaadan doonaa taariikhaha dhallinyarada soo koraysa oo iyagu mustaqbalka wanaagsan ku leh ciyaaraha.
Xubinteena maanta waxaan ku soo qaadan doonaa waraysi aan la yeeshay xiddig ka mid ahaa xiddigihii soomaaliyeed ee Kubbadda koleyga K/Laliska K/Cagta C/Fudud waa Abdirashiid A/raxmaan Xaaji Muumin oo loogu naanayso (RASHIID DOOB).
Rashiid Doob wuxuu ku dhashay gobolka Banaadir, Magaalada Muqdisho1955dii, waxaana uu ka mid ahaa ciyaaryahanadii heerka 1aad ee naadiga Muqdisho iyo xulka qaranka. Rasiid Doob wuxuuna ka ciyaari jiray dhexda (center), waxaana uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii faro ku tiriska ahaa ee ugu wanaagsanaa ee ka ciyaara jiray dhexda , .IRashiid doob waa nin bashaash ah aadna u dabeecad wanaagsan waxaana haatan uu ku nool yahay dalka Maraykanka gaar ahaan Washington , waraysigaasi oo aad u dheeraa Rashiid Doob wuxuu kaga hadlayay taariikh nololeedkiisii isboorti, sidan ayuuna u dhacay.
Cayaarahaswedan: Goormad ayaad bilowday Ciyaaraha?yaase kugu dhiirigaliyay? Rasiid doob: waxaan bilaabay ciyaaraha 1973 tii , waxaana igu dhiirigaliyay oo aan halkan uga mahadcelinayaa Maxamed Aadan Muumin (Geela) oo gacan aad u weyn i siiyay.
Cayaarahaswedan: Heer Noocee ah ayaad ku billowday Ciyaaraha? Rasiid Doob: Waxaan ku bilaabay kubbadda koleyga ,Laliska,K/Cagta oo ahayd heer xaafadeed , aniga oo markii ugu horraysay u saftay xaafaddii loo yiqiinay Hodan.iyo Dugsigii aan dhiganaayay.
Cayaarahaswedan: Ma ka qayb gashay tartamadii ciyaaraha gobollada ? Rashiid Doob: Haa waan ka qayb-galay,Waxaan u saftay gobolka Kismaanyo iyo Shabalada Dhexe ee Jowhar , isreebreebkii oo lagu qabtay kismaayo waxaan ku soo baxnay kaalinta 1aad,markii aan u soo gudubnay Xamar waxaan ku harnay semi finalkii oo ay na reebeen kooxdii Banaadir.K/kolayga iyo Laliskaba.
Cayaarahaswedan : Wax ma iiga sheegi kartaa waxyaabihii kuugu waaweynaa ee xusuusta gaarka ah kuugu reebay intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha? Rashiid Doob: markii aan qaadnay Horyaalka K/laliska oo leyga dhigay Kabtanka Kooxda Qaranka ee Laliska.
Cayaarahaswedan: Kooxdee kuugu horreysay oo aad u ciyaartay heerka 1aad ? Rashiid Doob: Waxaa iigu horreysay naadiga Woxool oo aan ku biiray 1973tii.
Cayaarahaswedan: Muddadii aad u safnayd kooxda Muqdisho wax guulo ah ma gaarteen? Rashiid Doob: guulo badan ayaan gaarnay oo ay ka mid ahaayeen 2 mar oo aan ku guulaysanay koobkii jeneraal daa`uud K/Laliska 2 jeer oo aan ku guulaysanay horyaalkii dalka K/laliska iyo hal mar oo aan ku guulaysanay munaasabaddii koobka ramadaanka.
Cayaarahaswedan: Goorma ayaad ku biirtay Xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda koleyga? wax ciyaaro caalami ahse ma ka qayb-gashay? Rashiid Doob: xulka qaranka waxaan ku biiray 1975tiii, -1978
Cayaarahswedan: Kooxihii aad la ciyaartay wax ma ka xusi kartaa? Rashiid Doob: waxaa ka mid ahaaKooxaha K/Laliska Qaranka, Kenya, Tanzaniya, Masar, Nayjeeriya, , Baxrayn, Siiriya, Indoniisiya, Iyo Kuwait.Midowga sofyetiga,Shiinaha.
Cayaarahaswedan: Maxaa ka mid ahaa Guuldarooyinkii kuugu xumaa intaad ku dhex jirtay ciyaarha heerka 1aad iyo xulka qarankaba ? Rashiid Doob: Waxaa iigu xumayd ciyaar ku tirsanayd horyaalka kubbadda koleyga ee Somaliya oo kooxda Horseed ay nooga adkaatay 69-68 iyo ciyaar ku tirsanayd horyaalada Carabta oo ay naga adkatay kooxda Masar ee K/Laliska.
Cayaarahaswedan: Ciyaaryahannadee ayaad u jeclayd inay buuxiyaan garbahaaga markaad u ciyaaraysay kooxdaada iyo xulka qarankaba K/Laliska Rashiid Doob: Waxaan aad u jeclaa inay garbahayga buuxiyaan markaan u ciyaareyno Xulka Qaranka K/Laliska Saaxiibkey Joon.
Cayaarahaswedan: Ma jiraan guulo gaar ahaaneed oo aad ka gaartay ciyaaraha?
Rashiid Doob: labo sano oo isku xigta ayaan ku guulaystay tartanka Horyaalka K/Laliska iyoK/Kolayga iyadoo la ii aqoonsaday ciyaartooygii ugu wanaagsanaa ee ka ciyaara dhexda (Post).iyo Weerarka K/Laliska (Shuter)
Cayaarahaswedan: Ugu dambayntii maxaad talo ahaan ugu soo jeedin lahayd ciyaaryahannada Soomaaliyeed ee soo kacaysa ee ku nool dalka gudahiisa & dibaddiisaba oo doonaya inay horumar ka gaaraan ciyaarta kubbadda Koleyga,Laliska,K/Cagta,C/Fudud. Rashiid Doob: Ugu horreyntii aad baan ugu faraxsanahay dhaqdhaqaaqyada isboorti ee K/koleyga K/Laliska K/Cagta C/Fudud ee ka jira dalka Soomaliya gudahiisa waana u hambalyaynayaa dadka gacanta ku haya sida ay heeganka ugu yihiin sare u qaadida isboortiga soomaaliyeed.Tan kale dhallinyarada dibadda joogta gaar ahaan Maraykanka iyo Yurub waxaan oran lahaa waxaad joogtaan dhul aad looga tix-galiyo kubbadda koleyga K/Laliska K/Cagta iyo C/Fudud waxaadna haysataan fursad aanan horey annagu u haysan , kuwa haatan dalka gudahiisa joogana aysan haysan waana fursad aad ku gaari kartaan heerka ugu sarreeya ( NBA,FIFA,CAF) ee ka faa'idaysta. Waxaa iyaduna muhiim ah in ciyaartooy kastaaba uusan illoobin macnaha weyn ee isboortiga uu xambaarsan yahay waana in ciyaartooy kastaa uu niyadda galiyaa inuu noqon karo ninka ugu wanaagsan dunida hadduu dadaalo isaga oo aan ka tagin waxbarashadiisii gaarka u ahayd. Ugu dambayntiina waa in aad ogaataan in aad tihiin jiilka cusub oo ay Soomaaliya dhinac kasta ugu xisaabtamayso. Waxaan kaloo halkan mahad uga soo jeedinayaa dadka isku howlay inay wax ka qoraan ama ururiyaan ciyaartooydii Soomaaliya ka ciyaari jirtay waxaana u arkaa inay dhiiri-galin u noqonayso ciyaartooyda mustaqbalka.Soomaaliyeed.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
|