DR. CALI CUSMAAN CALI OO YIRI HORUMARIN KASTO EE ISBOORT WAANU GARAB ISTAAGI

|
Waxaa Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka lagu qabtay qado sharaf aad iyo aad u heer sareysay taa oo lagu Macsuumay Wafdi reer Minesota ah oo u safraayo Magaala Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland ee Bosaaso,halkaa ay uga qayb geli doonaan Tartamo Isboorti ee halkaa ka socdo iyo qorshayaal lagu hormarinaayo noocyadda Isboorti ee ka jira halkaa,waxaana gudigaasi hogaaminaayey Mudane Axmed Daahir Axmed oo ka tirsaa Kooxdii Kubadda Koleyga ee Horseed iyo Xulka Qaranka Kubadda Koeyga Soomaaliyeed,waxaa kaloo ka mid Mudane Cabdifataax Maxamuud ee ka socday Ha'ayadaha waxbarashadda ee Minesota,waxaana xafladaasi ka soo qayb galay shaqsiyaad xurmad ku leh Isboortiga Soomaaliyeed oo kala ahaa
1)Dr.Cali Cusmaan Cali
2)Aweys Muse Arbow(Aweys Fuundi)
3)Cabdi Warsame Isaaq
4)Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo)
5)Tababaraha Kubadda Koleyga ee Atlanta Mr. Cali Bay
6)Mudane Abukar M.Mursal(U Qeybsanaha arrimaha Farsamadda)
![]() ![]() Waxaana ugu horeentii halkaa ka hadlay Mudane Axmed Dahir Axmed oo hogaaminaayey wafdigaasi iyo Cabdifataax Maxamud oo labaduba aad iyo aad u amaaneyn sida Gudiyadda Isboortiga ee Atlanta iskuugu xiranyihiin,waxayna sheegeen in aarintaasi ay mudantahay ku dawasho,waxay kaloo carabka ku dhufteen ahmiyadda ay leedahay safarkooda oo ah in horumarin la taaban karo la gaarsiiyo Goboladda ay ka kooban yihiin Puntland taa oo horseed u noqon karta in laga fogeeyo dhalinta soo koreysa waxyaabaha wax u dhimi kara mustaqbalkooda,waxay kaloo ay sheegeen in ha'aydda Isboortiga ay tahay midda keli ah oo ka fiyoow waxyaabaha maanta halaaga baday Ummadda Soomaaliyeed iyago sheegay isku duubnidda bahda isboortiga ay mustaqbalka wax wayn ka tari kara dib u soo celintii sharafkii uu qaranka Soomaliyeed lahaa.
Waxa kaloo xafladii ka hadlay Halyeeyadda Isboorti ee kala ah Aweys Fundi,Cadi warsame iyo Caydiid Jeenyo oo dhamaantood sheegay in ay garab istaagayaan dhadhaqaaqa Isboorti ee ka socdo Goboladda Puntland,iyagoo raaciyey in ay arrintaasi tahay mid jidka u xaareysa is dhexgalka bulshooyinka kala duwan,waxayna akhritaankii ugu hambalyeeyeen dadkii isku hawlay fulinta Barnaamijkaasi,
![]() ![]() Waxa kaloo hadalo qiimo leh halkaa ka jeediyey Tababarha Kubadda Koleyga ee Atlanta Mudane Cali Bay iyo u qeybsanaha arrimaha Farsamadda ee Guddiga Isboortiga ee Atlanta Mudane Abukar Maxamed Mursal oo labadooduba sheegeen in ay tahay wax lagu farxo barnaamijka lagu hormarinaayo Isboortiga Puntland oo u baahan in si buuxda loo garab istaago,waayo waxay bilaw fiican u tahay isdhexgal Bulshadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxa halkaa khudbad qiimo leh ka jeediyey Dr.Cali Cusmaan Cali oo mar ahaa Xoghayaha Guddiga Olympigadda Soomaaliyeed,waxaan ugu horeentii amaan aan la koobi karin u jeediyey Axmed Dahir iyo Cabdifataax dadaalka ay ugu jiraan horumarinta Isboortiga Puntland,waxa kaloo Dr. Cali uu sheegay Puntland waa dhul
![]() Soomaaliyeed,dadka degan waa dad Soomaaliyeed,Isboortiga laga Hormarinaayo waa mid Soomaaliyeed,aqoonyahanadda ku mashquulsan Horumarintaa waa Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed oo magac iyo Maamusba ku leh,sida awgeed waxay mudanyihiin in la garab istaago,marka lagu guuleystana horumarintiisa Isboortiga in loo gudbo Gobol kale oo leh tashiilaadka uu Isboortiga u baahanyahay,taa waxay saameyn ku yeelan doon mustaqbalka Isboorti waynaha Soomaaliyeed,waxa kaloo Dr. Cali Cusmaan Cali uu halkaa ka sheegay in Jaamacadda Clark ay waayahaan isla wadaan Barnaamij loogu magac daray Atlanta Plan oo ka kooban qeybo kala duwan sida arrimaha Bulshada ,Siyaasadda iyo arrimaha khuseeya Dhaqaalaha kuwaaso loogu tala galay dawladaha soo kooraayo siiba Dawladaha Afrikaanka ah oo aan Soomalia ka mid tahay,waxaana aanu rajeyneynaa in bisha July 2010 aanu halkaa ku qabano Tartan Kubadda Cagta ah oo loogu magac daray (Usbuucii Soomaalidda),waxaana xafldaasi ay ku soo dhamaatay si heer sare ah.
Waxaa Diyaariyay Dr:Cali Cusmaan Cali
|