DR. CALI CUSMAAN:ATLANTA PLAN WAA BARNAAMIJ HORUMARINEED EE ARRIMAHA BULSHADDA EE AFRIKAž

                                                      

               

 
Waxa dhawaan lagu qabtay xaruunta Jaamacadda Clark Universaty shir ballaaran oo looga hadlaayey horumarinta barnaamijka Atlanta Plan oo ay ka soo qayb haleen Kuxigeenta Madaxwaynaha Jaamacadda Clark Universaty Dr.Jones Tamica,Ron Davis, Mike Spino,Inj. Cumar Shekhey oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta,Dr. Cali Cusmaan Cali iyo Halyey Cabdi warsame Isaaq.
 
 
Waxaana ugu horeyntii halkaa ka hadashay Madaxwayne Kuxigeenka Atlanta Clark Universaty oo ka mahad celisay ka soo qayb galka shirkaan muhimka ah oo lagu sii ambaqaadaayo horumarinta Barnaamijka Atlanta Plan oo maanta maraayo meel heer sare ah,waxa kaloo carabka ay ku dhufatay in uu maanta gelinka hore uu nagu booqday Jaamacadda Amb. Andrew Young oo aad iyo aad u garab istaagay taabagelinta Barnaamijkaa isaga ah,waxaan Mr. Young oo si raaciyey in uu waxtar badan u leeyahay dawladaha soo koraayo,waxaana uu ugu dambeyntii sheegay in Atlanta Plan iyo barnaamijyadiisa Isboorti iyo waxbarasho guul laga gaari doono,waxaana uu xariga ka jaray qayb cusub ee Jaamacadda ah oo lagu baran doono maadada la yiraahdo Maamulak Isboortiga(Sport Managment),waxaana ugu dambeyntii Dr. Jones Tamica oo ah Madaxwayne Kuxigeenka Atlanta Clark Universaty ay aad iyo aad ugu Mahadcelisay Wafdiga ka socday Dalka Soomalia oo uu Hogaaminaayey Dr.Cali Cusmaan Cali oo naga yeelay in bartamaha sanadkaan 2010 Jaamacadda lagu qabto Tartan Kubadda Cagta ah oo ay ka soo qayb galaan illa 6 Gobol taa oo saldhig u noqon doonto hirgelinta Atlanta Plan,waxayn Dr. Jones  Kuxigeenka Gudoomiyaha  sheegtay in aan arrinta ku saabsan in Tartmo lagu qabto Jaamacadda ay timid markii Dr.Cali Cusmaan Cali Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka uu noo soo gudbiyey sawiro tartamo lagu kala qabtay Nashville iyo Atlanta taa oo aheyd arrin aad iyo aad u sareysay.
 
 
 
WAxa kaloo shirkaasi ka hadlay Ron Davis oo ah khabiirka loo tiriyo in uu unkay Barnaamijkaan Atlanta Plan,waxaana uu sheegay in illa hadda ay diyaar u yihiin illa 12 Dawladood ee Afrikaan ah oo oo kaga qayb galaayo arrimaha Isboortiga iyo waxbarashadda taa oo runtii noqon doonta mid taarikhda gashay,waxaana uu si gaar ah ugu mahad celiyey Dr, Cali Cusmaan Cali oo safka hore kaga jira hirgelinta Barnaamijkaan.taa waxa u sahlaayo in uu yahay qof Isboortiga waayo badan ku soo jiray isla markaana ah aqoonyahan,waxaana wax lagu farxo ah in shaqsikaas oo kale oo maanta ka mid yahay aasaasayaasha Atlanta Plan.
 
 
        v     
 
Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta Cumar Shekhey ayaa isna halkaa khudbad ka jeediyey waxaana uu sheegay in Jaaliyadda Atlanta ay Xurmad u hayso Dr.Cali Cusmaan,waxaana aanu ballaqaadeynaa in aanu garab istaagi doono barnaamij kasto oo lagu hormarinaayo Isboortiga iyo waxbarashada taa oo saameyn fiican ku yeelan doonto Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku nool Gudaha iyo Dibaddaba.
Ugu dambeyntii waxa halkaa khudbad dheer ka jeediyey Dr.Cali Cusmaan Cali oo hore u soo noqdya Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga iyo Xoghayaha GOS,waxaana uu marka hore u mahadceliyey Madaxwayne kuxigeenka Jaamacadda Atlanta Clark Universaty sida xushmad leh oo ay noogu soo dhaweysay,waxaana uu Dr. Cali sheegay in uu garasho mug leh u leeyahay Isboortiga iyo waxtarka uu bulshada u leeyahay,sidoo kale waxa uu sheegay in aqoon la'aan aysan waxba socon karin,waa kuwa kuwa nagu khasbay in ummadda Soomaaliyeed laga qayb geliyo barnaamijka Atlanta Plan,waxaana ay ummadda Soomaaliyeed ka ballanqaadeynaa in aanan ka harin barmaanijkaan si aanu uga fa'aideyni dhalinta soo koreysa.waxa kaloo uu uga mahadceliyey aqbalaada ay naga aqbashay in Halyey Cabdi warsame uu ka mid noqdo Tababarayaasha Jaamacadda Atlanta Clark Universaty dhanka Ciyaaraha Fudud,madaama uu yahay Tababare haysto shahaado heer sare guula badanna uu so hoyiyey Dugsiyo sare ee uu tababare u soo noqday,arrintaa oo ah guulo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ummadda Isboortiga,waxaana uu shirkii ku soo dhamaaday si sharaf leh,