|
|
Bisha Febaraayo waxaa dalka Mareykanka looga dabaaldegaayo halgankii bulshadda madaw ee Mareynkanka ay u soo galeen in ay ka baxaan cadaalo daradii ka jirtay dalka Mareykanka taa oo ay u geeriyoodeen Shaqsiyaad maanta Taarikh ku leh addunyadda oo uu ugu horeeyo Dr. Martin Luther King iyo kuwa kale.

Waxa xaflado lagu wayneynaayo Bishaa qiimaha leh(Black History Month) lagu qabtay dhamaan goboladda kala duwan ee Mareykanka,waxaana xaflad aad loo soo agaasimay lagu qabtay AGNESS SCOTT COLLEGE taa oo lagu casumay Xoghayahii Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed ee Tartankii 1996 ahna Gudoomiyaha Isboortiga iyo dhaqanka Dr. Cali Cusmaan Cali,waxa kaloo joogay Xafladaasi Dr. Tommy Smith iyo Mel Pender oo hore ugu guuleystay Bilado dahab ah ee Olympigadda,Tababare Olimpigadda Ron Davis iyo dad aad iyo aad u badan oo ka tirsanaa Maamulka AGNESS SCOTT COLLEGE iyo ardayda wax ka barata Collegkaasi,waxaana halkaa Khudbad aad iyo aad u qiimo badan ka jeeday Dr. Tommy Smith oo illa 11 Biladood oo dahab ah hore ugu guuleystay,waxa uu ku dheeraaday taarikhda Bulshooyinka Madaw ay Isboortiga ku leeyihiin iyo sida ay uga soo qayb galeen halgankii lagu jiray in cadaaladu ay mar kastaba ay noqoto midda leh gacanta sare,waxa uu dadkii ka soo qeyb galay kaga khashuuciyey markii uu ka hadlaayey tartanlkii Olimpigadda ee 1968dii oo uu ku guuleystay Biladda Dahabka aheyd ee 200M,kaalinta sedaxaadna uu galay John Carlos oo isagana ahaa Ciyaaryahan Madaw,ayaa markii Biladihii qorta loo suray ayey waxa kor u taagen gacmahooda iyado ay ugu jirto gacan gashi(Glove) oo madaw taa oo ay ku muujinaayen halganka markaa jiray,waxayna taa ku kasbaday sacab aad iyo aad u xoog badnaa.

Dr. Cali Cusmaan Cali Xoghayahii Hore ee GOS oo ka mid ah khabiiriinta Isboortiga Soomaaliyeed taarikh dheerna ku leh Isboortiga ayaa waxa uu bilaabay in uu mid mid ula kulmo ka soo qeyb galayaashii isagoo aad iyo aad uga mahad celiyey fursadda ay u siiyeen in uu ka soo qeyb galo xafladaani oo Ciyaaryahan waaweyn ay joogeen,waxaana uu Dr. Cali Cusmaan uga sheegeeyey dadki uu la kulmay marxaladihii kala duwan uu ka soo maray Isboortiga Soomaaliyeed oo uu ka soo bilaabay halka ugu hooseyso illa uu ka gaaro halka ugu sareyso,waxaa kalo uu carabka ku dhuftay in uu ka mid yahay Aqonyahanadda Soomaaliyeed ee Cilmiga Dhaqaalaha.isagoo ka codsaday in Xiriirka Bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool Atlanta iyo Agness Scott College uu noqdo mid hanaqaada madaama aanu leenahay Ciyaaryahano Ciyaaraha kala duwan,tababarayaal aqoon durugsan u leh Isboortiga noocyadiisa kala duwan,Arday qeybaha kala duwan ka joogta waxbarashadda taa aanu dooneyno in aan wax la qeybsano dadyooga aanu la noolnahay,waxa kaloo Dr. Cali Cusmaan ayaa waxa uu u fidiyey casuumaad Hormuudka iyo Agaasimaha Isboortiga taa ay uga yeeleen si reyn reyn ah,waxaana xafladii ay ku dhamaatay si heer sare ah,waxaa halkaas Dr:Cali Xusmaan Cali Hambalyo iyo Bagaadin uga diraayo Tafaftiraha Wabsedka cayaaraha Swedan in uu dadaalkiisa halkaas ka sii wado ilaahna la garabgalo Aamiin. |
|