Xiddigtii Hore ee Qaranka iyo Kooxda Waxool Faaduma Cali Nuur (Faynuusta ispoortiga) oo aan ka wareysanay taariikhdeedii iyo waayaheedii ay Cayaaraha ku soo dhexjirtay

                                        

               

.Ummad kasta oo dunida guudkeeda ku nool waxay leedahay xiddigo caan ku ah Isboortiga noocyadiisa kala duwan kuwaasi oo gaaray heer qaran iyo heer caalami intaba.
Xubinteena joogtada ah ee ku saabsan Xiddigaha waxaan ku soo qaadan doonaa taariikhaha Xiddigihii soo maray ummadda Soomaaliyeed kuwaasi oo goobo badan ku difaacay calanka iyo ciidda, sidoo kalena waxaan soo qaadan doonaa taariikhaha dhallinyarada soo koraysa oo iyagu mustaqbalka wanaagsan ku leh ciyaaraha.

Xubinteena maanta waxaan ku soo qaadan doonaa waraysi aan la yeeshay xiddigta ka mid aheed xiddigihii soomaaliyeed ee Kubbadda koleyga  C/Fudud waa Faaduma Cali Nuur oo loogu naanayso (Feynuustii ispoortiga).

Fay Nur wuxuu ku dhalatay gobolka Bay, Magaalada Baydhabo, waxaana ay ka mid aheed ciyaaryahanadii heerka 1aad ee naadiga Muqdisho Waxool iyo xulka qaranka. Fay Nur   waxaana ay ka mid ahayd ciyaaryahannadii faro ku tiriska ahaa ee ugu wanaagsaneed ee K/Kolayga  , Fay Nur waa Gabar bashaashad ah aadna u dabeecad wanaagsan waxaana haatan uu ku nooshahay dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Boosaaso , waraysigaasi oo aad u dheeraa Fay Nur(Faynuusta ispoortiga)  wuxuu kaga hadashay taariikh nololeedkeedii isboorti, sidan ayuuna u dhacay.

Faynuusta ispoortiga Fay Nur Waxaan ku dhashay magaalada Baydhabo, waxaan waxbarashadeydi hoose dhexe iyo qeeb ka mid ah dusiga sare ku soo qaatay magalada Baydhabo,kadibna dugsigi 15 May ee magalada  Muqdisho ku dhameesty ,kadib waxan wax barasho jamacadeed u u aaday dalaka Talyaniga oon ka soo qalin jebiyeey jamacada padova iyo jamacad camerino oon labadab ku soo kala  qaatay labo shado oo  Bachelor aha , kadibna aan ku sameyey takhasuka isla padova.kadib wax barashadeydi waxan ku soo labtay somalia anigon weli si fiican u degin ayu dagalki sokeye bilawaday , marason dalka dibadis ku maqna, kadib waxan ka mid noqdy somalidi u hajirtay North Amrica, halkii baan ka sii watay wixi aan barani karo , kadib waxan shaqo ka helay dalka Kuwait oon mudo 4 sano ah ka soo shaqeeyey , kadib waxan u soo wareegay dalka isutaga imaaradka carabta oon labo sano ka shaqeeyey, kadib waxan ku soo noqday Somalia oon mudo sanad ah ka shaqeeyey,lana shaqeeyey hayd samafal ah , kadib baan dib ugu labtay North America halkaas oon lix sano soo joogay, anigo dib ugu labtay waxbarashadeydi,shaqeynayeyna , intaas malina ma aan ka baqsanin ciyaraha hadan waayo meel lagu ciyarayo keigay baa ciyar sameysani jiray, intan kuwait jooganya waxan u ciyaari jiray koox u ispitalkan ka shqeynayey lahaa , kooxdaso u badneed phlipin iyo Hidi , oon keliga African iyo madowba ka , waxayn igu yeri jireen( Miss white) nagti cadeed , oo waxa la ii qarinaya nagti madoobed , ana waanba ku fani jiray in aan African ahay Somali ahay muslimadna ahay, runti ciyarah waa waxa ugu wanagsan oo qof bani admi ah uu ka helo farxad caafimaad iyo xiriir wanagsan, oo saad ogtahy manta saxiibada isu jecel waa kuwa isla ciyari jiray ama isku aha bahda sportig, waan jeclani laha in aan mar labaad dib u arko Somalia oo nabad ah oo jiilka yarya oo manta jira sideeni oo kaleeto u matala Somalia isuna jecel , waxan xasusteya ka goynin heesihi ay qaadi jireen reer Beled weyne iyo Reer Baydhabo , on markan xasustaba aan qiirooda  

Cayaarahaswedan: Goormad ayaad bilowday Ciyaaraha?yaase kugu dhiirigaliyay?
Fay Nur: waxaan bilaabay ciyaaraha 1972 tii , waxaana igu dhiirigaliyay oo aan halkan uga mahadcelinayaa C/Risaaq Xuseen Geedi (C/Risaaq Shuluq) oo gacan aad u weyn i siiyay.

Cayaarahaswedan: Heer Noocee ah ayaad ku billowday Ciyaaraha?
Fay Nur : Waxaan ku bilaabay C/Fudud oo ahayd Boodada Sare, aniga oo markii ugu horraysay u saftay Gobolka Banaadir  Dugsigii aan dhiganaayay Fasalka 6aad 1976,anigoo aad uga xun in aan u Ciyaaro meel aan baydhabo aheen,waxaan ka loo ordaayay orodka 800m,isla sanadkaas waxaan ku biiray Kooxdii K/Kolayga ee gobolka Bay.

Cayaarahaswedan: Ma ka qayb gashay tartamadii ciyaaraha gobollada ?
Fay Nur : Haa waan ka qayb-galay,Waxaan u saftay gobolka Banaadfir iyo Gobolka Bay Baydhabo , isreebreebkii oo lagu qabtay Bay waxaan ku soo baxnay kaalinta 1aad,markii aan u soo gudubnay Xamar waxaan ku harnay semi finalkii oo ay na reebeen kooxdii Jowhar Gabdhaha .K/kolayga  iyo Laliska .

Cayaarahaswedan : Wax ma iiga sheegi kartaa waxyaabihii kuugu waaweynaa ee xusuusta gaarka ah kuugu reebay intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha?
Fay Nur : markii aan aadnay libiya oo aan u Ciyaaraayay Xulka Qaranka oo si dirqi ah nalooga badiyay,habeenkaas oo aan si fiican u ciyaaray Guushana aan isisiiyay.


Cayaarahaswedan: Kooxdee kuugu horreysay oo aad u ciyaartay heerka 1aad ?
Fay Nur : Waxaa iigu horreysay naadiga Woxool oo aan ku biiray 1976tii.

Cayaarahaswedan: Muddadii aad u safnayd kooxda Waxool  wax guulo ah ma gaarteen?
Fay Nur : guulo badan ayaan gaarnay oo ay ka mid ahaayeen 1 mar oo aan ku guulaysanay koobkii jeneraal daa`uud K/Laliska 1 jeer oo aan ku guulaysanay horyaalkii dalka K/laliska iyo hal mar oo aan ku guulaysanay munaasabaddii koobka ramadaanka.

Cayaarahaswedan: Goorma ayaad ku biirtay Xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda koleyga? wax ciyaaro caalami ahse ma ka qayb-gashay?
Fay Nur : xulka qaranka waxaan ku biiray 1976tiii, -1982

Cayaarahswedan: Kooxihii aad la ciyaartay wax ma ka xusi kartaa?
Fay Nur : waxaa ka mid ahaaKooxaha K/Laliska Qaranka, Kenya, Tanzaniya, Masar,  Najeeriya, , Baxrayn, Siiriya, , Iyo Kuwait,.Midowga sofyetiga,Shiinaha. 

Cayaarahaswedan:
Maxaa ka mid ahaa Guuldarooyinkii kuugu xumaa intaad ku dhex jirtay ciyaarha heerka 1aad iyo xulka qarankaba ?
Fay Nur : Waxaa iigu xumayd ciyaar ku tirsanayd horyaalka kubbadda koleyga ee Somaliya oo kooxda Horseed ay nooga adkaatay 70-69 iyo ciyaar ku tirsanayd horyaalada Carabta oo ay naga adkatay kooxda Masar ee K/Laliska.

Cayaarahaswedan: Ciyaaryahannadee ayaad u jeclayd inay buuxiyaan garbahaaga markaad u ciyaaraysay kooxdaada iyo xulka qarankaba K/Laliska
Fay Nur : Waxaan aad u jeclaa inay garbahayga buuxiyaan markaan u ciyaareyno Xulka Qaranka K/Kolayga , K/Laliska Saaxiibaday Miski Cumar Cusmaan,Samsam,Sahara Gurey,Safiyo Neero,dhool Falaago,Shariifo Cabdulle Sabreye(Sharefeeto),Luul Cusmaan Sokor,Sahra aadan gaas,Caasha yuusuf /Casho Khadar),Hodan muuse Galaal,Faaduma C/qaadir (afay),Saciido Nuur Abuukar (Wariiri),

Faynuusta Ispoortiga Fay Nur Haatan waxay ka mid tahay Gudiga Olompikada Soomaaliyeed,waxay ku jirtaa Gudiga hurumarinta ispoortiga iyo Gudiga Haweenka GOS

Cayaarahaswedan: Ugu dambayntii maxaad talo ahaan ugu soo jeedin lahayd ciyaaryahannada Soomaaliyeed ee soo kacaysa ee ku nool dalka gudahiisa & dibaddiisaba oo doonaya inay horumar ka gaaraan ciyaarta kubbadda Koleyga,Laliska,K/Cagta,C/Fudud.
Fay Nur ( Faynuusta ispoortiga ): Ugu horreyntii aad baan ugu faraxsanahay dhaqdhaqaaqyada isboorti ee K/koleyga K/Laliska K/Cagta C/Fudud ee ka jira dalka Soomaliya gudahiisa waana u hambalyaynayaa dadka gacanta ku haya sida ay heeganka ugu yihiin sare u qaadida isboortiga soomaaliyeed.Tan kale dhallinyarada dibadda joogta gaar ahaan Maraykanka iyo Yurub waxaan oran lahaa waxaad joogtaan dhul aad looga tix-galiyo kubbadda koleyga K/Laliska K/Cagta iyo C/Fudud Wxay Tiri Faynuusta ispoortiga  waxaadna haysataan fursad aanan horey annagu u haysan , kuwa haatan dalka gudahiisa joogana aysan haysan waana fursad aad ku gaari kartaan heerka ugu sarreeya ( NBA,FIFA,CAF) ee ka faa'idaysta. Waxaa iyaduna muhiim ah in ciyaartooy kastaaba uusan illoobin macnaha weyn ee isboortiga uu xambaarsan yahay waana in ciyaartooy kastaa uu niyadda galiyaa inuu noqon karo ninka ama gabadha  ugu wanaagsan dunida hadduu dadaalo isaga ama ayadoo  aan ka tagin waxbarashadiisii gaarka u ahayd. Ugu dambayntiina Fay Nur(Faynuusta ispoortiga) Waxay Tiri waa in aad ogaataan in aad tihiin jiilka cusub oo ay Soomaaliya dhinac kasta ugu xisaabtamayso. Waxaan kaloo halkan mahad uga soo jeedinayaa dadka isku howlay inay wax ka qoraan Sida Wabsedka Cayaarahaswedan.com  ama ururiyaan ciyaartooydii Soomaaliya ka ciyaari jirtay waxaana u arkaa inay dhiiri-galin u noqonayso ciyaartooyda mustaqbalka.Soomaaliyeed.

 

                                                  Waxaa Diyaariyay ama ka Qoray: Maxamed Mukhtaar Sheikh