|
Tartanka kubada cagta ee Somali Cup Helsinki 2010 Somali Culture and Sports(Socus ry)

Ciyaarahan waxaa ka qayb galaya 12 kooxood oo ka kala Socda Gobolada dalkan Finland waxaana lagu qabanaayaa magaalada Helsinki xaafada myllypuro waana sanadkii lix iyo tobanaad waxayna soconaayaan 28.05...13.06.2010 waxaana loogu tala galay dhalinyarada soo koreysa madaama iskooladii loo xiray waana week soomaalida, waana idiin soo gudbin doonaa furitaanka iyo natiijooyinkooda insha alah. Ciyaaraha Somali Cup 2010 Helsinki Finland (Socus ry) A B C D Myrmäki Espoo Vaasa Kanus Al-huda Turku Vuosaari Fc somali Solay Semo R3 Qaran Goolka.com mohamoudimad@hotmail.com
TARTANKIII KUBADA CAGTA EE SOMALI CUP HELSINKI OO SHALAY KA FURMAY MAGAALADA HELSINKI WAXAANA SOO QABAN QAABIYEY URURKA DHAQANKA IYO SPORTIGA EE FINLAND (SOCUS) Waxaa shalay oo ay taariiqdu ahayd 28.5.2010 laga furay magaalada helsinki tartankii sanad laha ahaa ee kubada cagta Somali cup oo aalaaba soo qaban qaabiyo Ururka somali culture and Sports (Socus ry), sanadkan waxaa tarankan ka soo qayb galay 12 kooxood oo ka kala yimid dalkan finland goboladiisa waxaana halkaas isugu yimid dad weyne aad u fara badan oo ka soo qayb galay daawashada ciyaarihii furitaanka. waxaana halkaa lagu martiqaaday marti sharaf ka kala socday odayaal isboorti Xubin gos iyo jaaliyada ugu weyn ee ay soomaalida ku mideysan tahay iyo gudoomiyaha macalimiinta soomaaliyeed iyo mas,uulka Univezal tv. Waxaana halkaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha ururka dhaqanka iyo sportiga ee dalka finland Gud-Ahmed Abdullahi (Imad) oo halkaa ku soo dhaweeyey marti sharaftii iyo ciyaartiydii kulana dardaarmay in ay anshaxa iyo asluubta aad u ilaaliyaan kubad wanaagsana ay ciyaaraan isna ixtiraamaan, waxaa kaloo halkaa ka hadlay. Gudoomiyaha golaha midnimada soomaaliyeed mudene Cabdi rashhid oo halkaa amaan ugu soo jeediyey ururka Socus shaqada wanaagsan ay bulshada soomaaliyeed qaasatan dhalin yarada u hayaan una qaban qaabiyaan tartamadan isboorti,wuxuu kaloo la dardaarmay dhalinyaradii ciyaareysay. Macalin bashiir oo ah odeyga sportiga ee dalkan finland oo isagana halkaa ka soo jeediyey ereyo guubaabo ah uuna amaan u soo jeediyey ururka Socus oo soo qabanqaabiyey ciyaarahan somali cup dhalinyaradana ku booriyey isboortigu inuu yahay hay,ada isku xirta bulshada kana fog waxyaalaha xun xun.
Gud-ku xigeen golaha midnimada soomaaliyeed ahna xubin Gos C/asiis godax oo halkaa ka soo jeediyey isboortiga waxa uu yahay dhalinyaradana looga baahan yahay in ay horumar ka sameeyaan isboortiga ayna ixtiraamaan garsoorka iyo gudiga qabanqaabada c/siis oo aalaaba ka soo qayb gala ciyaarahan somali cup ayaa kula dardaarmay in la ilaaliyo nidaamka iyo sharciyada. Gud-macalimiinta xasan carus oo isagana halkaa ka hadlay dhalinyaradiina kula dardaarmay in ay waxbarashada iyo isboortiguba muhiim yihiin lagan rabo dhalinyarada in ay ku dadaalaan sidey horumarwaara uga sameyn lahaayeen. Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Xogayaha xiirka kubada laliska maxamed cali (Yaanyo) oo halkaa ka soo jeediyey ereyo isboorti oo qiiro lahaa dhalinyaradana u sheegay in ay u talaabsadaan kooxaha ka jira yurub ayna ka dhex muuqdaan isagoo kaftamaaya ayuu ciyaartoy ka mid aheyd ciyaartoy uu tababari jirey uu yiri ahmed waakaa aad buu u ciyaari jirey xirfad wanaagsana wuu lahaa lakiin hada aawaey yaanyo oo hadalkii sii wata waxa uu yiri yaan la quusan ee horey ha loo socdo. Ciyaartii ugu horeysey waxay dhaxmartey kooxaha Myrmäki iyo Solay 0 - 2 waxayna guushii raacday kooxdii ku cayaareysay magacva solay, ciyaartii labaad oo aad u xiiso badneyd ayaa waxay dhaxmartey laba kooxood ee kala ah Espoo iyo Semo 0 - 1 waxayna guushii raacday kooxdii semo oo goolkeedii guusha ay ku raacday dhalisey ciyaarta oo ka dhiman 8 daqiiqo ciyaaryahanka u sitey labarka 8 qadar Ahmed Imad Mahadsanid |