|
Waxaan maanta boqaneynaa bogaga taarikheed ee mid ka mid ah halyeeyadda Isboortiga Soomaaliyeed soo maray,kaa oo ay umadda Soomaliyed qiimo u hayso isla markaana aysan waligii iloobi doonin doorkii shariifka ahaa oo uu ka soo qaatay horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed waana Tababare Maxamed Xaaxi Giftin.
Tababare Giftin waxa uu ku dhashay Magaaladda Dhagaxbuur sanadku markuu ahaa 1945,waxaana uu yaraantiisii aad iyo aad u jeclaa ka qayb galka noocyadda kala duwan ee Ciyaaraha,waxaana tababare Giftin uu Ciyaaraha aad iyo aad ugu bartay xaafadaha kala ahaa Iskuraran iyo Degmadda Bondheere.

Halyey Giftin waxa uu waxbarasho ka helay dalka Masar,isla markaana waxa uu aad iyo aad ugu fiicnaa Kubadda Cagta waxaana isla markiiba uu ka mid noqday Kooxda Kubadda cagta ee AL-AHLI qeybteeda Junyoorka ah halkaa oo uu ka muujiyey xirfad aad u sareysa taa oo keentay in loo doorto in uu ka mid noqdo qeybta Serie Ada ee AL-AHLI,iyado loo sameeyey qorsho lix bilood soconaayo oo jir loogu dhisaayo,laakiin arrintii nasiib daro ma noqonin in ay hirgasho madaama Tababare Giftin uu ku soonoqday dalkiisii hooyo ee Soomalia,waxaase nasiin wanag ah in intii uu joogay dalka Masar oo aqoon badan ka kororsaday noocyadda Ciyaaraha ee kala ah Kubadda Cagta,Koleyga,Qalamarogodka iyo Kubadda Miiska,waxa kaloo in la xuso u baahan in intii uu joogay dalka Masar sido kale uu ka qayb galay Tababaro ay bixinaayeen Khubaro Kubadda Cagta ah ee Barira Yurub,kuwa oo uu ka fa'ideystay kana bartay Kubadda gaagaaban oo la mid ah qaabka ay u Ciyaaraan Kooxaha Dalka Braziil taa oo anfaceysa Ciyaartoyda dhuudhuuban ee jirkooda aadka u yaryaha sida kuwa Soomalia.
Tababare Maxamed Xaaji Giftin markii uu ku soolaabtay dalkiisa hooyo ee Soomalia waxa uu muddo aan sidaa u dheereen u ciyaaray kooxaha kala ah Munishiibiyo,Gaadiidka iyo Jeenyo,waxaana muddo shan sano ku dhawaad ah uu joogay dalalka Yurub halka uu aad uga kororsaday xirfadaha kala duwan ee Kubadda Cagta.
Macalin Maxamed xaaji Giftin waxa uu mar labaad ku soo noqday Dalkiisii hooyo sanadku markuu ahaa 1971kii,waxaana uu ka mid noqday qorayaasha af carabiga ah ee Xiddigtii Oktoobar,waxa kaloo uu gacanta ku qabtay Kooxda Kubadda Cagta ee FIYAAT,waxaana uu kooxdaasi ka dhigay midda Soomaali oo idil loogu jecelyahay ,waxaana kooxda FIYAAT oo uu Macalin Giftin Tababaraha u ahaa xushmadda loo hayey ay korortay ka dib markii ay barbaro la galeen Koox ka socotay dalka BRAZIIL ee AB NATIONAL,Koox kaloo ka socotay Qranka Suudaan iyo Koox Jarmal ah,waxaana kooxdii BRAZIIL la yaab ku noqotay habka casriyeysan ay kooxda FIYAAT la soo shir tagtay iyagoo rumeysan waayey in Tababare Soomaaliyeed uu heerkaasi gaarsiin karo koox Kubadda Cagta,waxayna arrintaasi ka mid noqotay dhacdooyinka aan waligii lagu iloobi doonin Tababare Maxamed Xaaji Giftin isla markaana ay Ummadda Soomalia ku xushmeyso.
Isla Sanadkii 1971kii dabayaaqadiisii waxa dalka Yimid Tababare KARAMER uu u dhashay dalka Jarmalka isla markaana tabababre u ahaa kooxda Kubadda Cagta ee Bayern Munich oo uu labo sano Koobka Yurub u qaaday,waxaana uu maalin maalmaha ka mid ah fiirsaday Ciyaar ay Ciyaaraayeen kooxda FIYAAT,waxaana uu la yaabay qaabka isu dhiibka gaaban oo ay xirfadda ku dheehantahay,waxaana uu qiray in ay kooxda FIYAAT tahay midda ugu wanagsan dalka Soomaaliya,isla markaana ay yihiin koox aad iyo aad u dhalinyar oo la sixi karo,waxaana uu halkaa ku amaanay Tababare Giftin una qiray in uu yahay Tababare ay Soomalida ku faani karto.
Sanadka markuu ahaa 1973 Tababare Giftin waxa uu dhisay kooxdii wasaaradda warfaafinta oo muddo yar ka dib qaadatay magacii Wakaaladda Madbacadda Qaranka waxayna muddo gaaban ku noqotay kooxdii ugu fiicneyd dalka ka dib markii ay soo bandhigtay hab Cityaareed la mid ah kii Fiyaat oo isla markaana meelaha qaar kaga hormarsanaa Kooxdii Fiyaat.Sanadku markuu ahaa 1981 ayuu waxa uu Tababare u noqday Kooxda Kubadda cagta ee Naadiga Munishiibiyo,waxaana uu muddo sagaal Bilood ah ku soo saaray Ciyaartoy aad iyo aad dhalinyaro aheyd,laakiin nasiib daro waxaan dhameystirkii hawsha ay isku fahmi waayeen maamulkii markaa Naadiga Munishiipio hogaaminaayey,waxaana hawshii uu Tababare Giftin bilaabay dhameystiray tababare Charleys Kumi oo u dhashay Dalka Ghana,waxaana kooxdii Dawladda Hoose ay gaareen guulo aad iyo aad u sareeya wallow dad badani ay moogaayeen in uu guushaasi uu lahaa Tababare Giftin oo dhaliyaradaan soo barbaariyey.
Tababare Maxamed Xaaji Giftin waxa uu ku noolyahay Cariga mareykanka gaar ahaan magaaladda Atlanta,waxaana uu weli ku dhexjiraa hawshiisii Isboortiga,isagoo hadda Tababara Ciyaartoy da'dooda u dhexeyso 13 illa 21,waxaana uu ku amaananyahay in Ciyaartoy badan uu tababare u ahaa in ay Xirfadooda Kubadda Cagta oo ay ka fa'ideysteen tababare Giftin ay ku heleen Deeq waxbarsho iyago ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadaha kala duwan ee Mareykanka taa oo ah wax wayn oo uu u qabtay dhalinyaro Soomaaliyeed,waxaana abaalka u haya Bulsha waynta ku nool Atlanta,
Tababare Giftin oo khibrad badan u leh nolosha isla markaana aqoon durugsan u leh nolosha ayaa dardaarankaan u jeediyey Ummadda Soomaaliyeed isagoo ka codsaday in la joojiyo colaada 20 sano jirsatay lagana shaqeeyo in nabadda dalka lagu soo celiyo.
Anigoo ah Maxamed Mukhtaar Sheekh Tafatiraha Ciyaarahsweden waxaan halkaa hambalyo iyo boogaadin uga jeedinayaa Tababare Maxamed Xaaji Giftin dadaalkii dheere oo horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed u soo galay,anagoo ku boorineyno in uu halkaa ka sii wado ku barbaarinta dhalinyaradda Isboortiga taa oo wax ka tareyso Mustaqbalkooda isla markaana ka hor istaageyso waxyaabaha xun xunka ah.
WAXAA DIYAARIYAY MAXAMED MUKHTAAR SHEIKH |