|
Somalia Oo Ka Qeybgashay Shirkii Olambikada Afrika
Darussalam: Muddadii u dhaxeysay 3-4ta May waxaa magaalada Darussalam ee dalka Tanzania ka socday shir ay ku kulmayeen dhammaanba madaxda Olimbikada Afrika qeybta ku hadasha afka Ingiriisiga.
Waxaana shirkaasi dhinaca Soomaaliya uga qeybgalay xoghayaha guud ee guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Mudane C/llahi Axmed Tarabi iyo Mudane Maxamed Muuse Jabroos oo isaguna xubin ka ah guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.
Shirkan oo ahaa mid ahmiyad gaar ah ugu fadhiya dalalka Afrika ayaa waxaa looga hadlayay qodobada ay ka mid ahaayeen Maamulka, Maamul wanaag, sida wax loo dhexdhexaadiyo iyo isku filnaanshaha [Autonomy, Good governance,Arbitrationa & Mediation], Waxaana halkaasi casharada ka soo jeediyay Khubaro ka socotay IOC iyo Olympic Solidarity.

Muddadii shirkaasi uu socday waxaa halkaasi si aad ah looga hadlay oo fikrado la isku dhaafsaday sidii loo horumarin lahaa Olimbikada Afrika iyo dhibaatooyinka haysta sidii looga gudbi lahaa, Waxaa iyaduna si aad ah looga hadlay dhibaatooyinka ay maamulka olombikada ay kala kulmaan dowladaha ay ka tirsan yihiin taas oo mararka qaarkood dhacda in ay gacanta la soo galaan.
Waxaa kale looga hadlay qaabka ugu wanaagsan ee ay Afrika kaga qeybqaadan karto cayaaraha Olombikada ee dhallinyarada yar yar ee bartamaha sanadkan lagu qabanayo Singapore .
Waxaa shirkaasi ka soo qeybgalay oo goobjoog ka ahaa oo weliba hadalo aad u qiimo badan ka soo jeediyey guddoomiyaha olombikada Afrika iyo xoghayihiisa, wuxuuna ku soo idlaaday jawi aad u sareeya.
waxaa diyaariyay Sheikha
|