|

Guddoomiyaha New Somali Generation Sports and Culture Cabdi Qani C/llaahi Jeenyo ayaa wuxuu hore u ahaa mid ka ciyaaryahanada Soomaliyeed ee ciyaara ciyaarta Kubadda Koleyga burburka ka dibna waxaa uu u talaabay dhinaca Yurub gaar ahaan isagoo saldhigtay dalka Ingariiska .
Dadaalkiisa dhiirigelinta isboortiga ayaa waxaa uu ahaa mid uusan marnaba ka caajisin isagoo si weyn ugu fikiray sidii mar walba loo dhiirigelin lahaa horumarinta ciyaaraha gaar ahaan loo samayn lahaa jiil cusub oo matala isboortiga Soomaaliya si saaxadda isboortiga caalamka aan looga waayin ciyaaryahano calanka matali kara .
C/qani Jeenyo waxaa uu Ururkiisa uu qaatay go`aanka ah in dhiirigelin iyo horumarin loo sameeyo ciyaaraha gaar ahaanna dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u noqon lahaayeen kuwo kobciya xirfadooda isboorti

Ururka oo guddoomiyaha ka yahay C/Qani Jeenyo ayaa waxaa uu qalab isboorti oo kala duwan soo gaarsiiyay dalka isagoo 20 sano dalka ugu danbaysayna gartay inuu dib ugu soo laabto kana shaqeeyo dhiirigelinta isboortiga iyo horumarintiisa iyadoo mas`uuliyiinta G.O.S ay xilligaas si weyn ugu soo dhaweeyeen dalka wuxuu tibaaxay C/Qani Jeenyo in qorshihiisa imaatinka Muqdishu inuu ahaa sidii uu xoogga u saari lahaa horumarinta iyo dhiirigelinta ciyaaraha gaar ahaan Kubadda Koleyga oo uu si weyn uu xiriirka uga caawiyay dhanka qalabka isboorti.
C/qani Jeenyo Talaabooyinka wax ku oolka ah ee uu sameeyay ayaan waxaan ka xusi karnaa isagoo safar dheer u soo galay doorkii lama iloobaanka ahaa ee uu ka qeybqaatay ciyaarihii saaxiibtinimo ee ka dhacay dalka jabuuti ee Somali-Diaspora iyo ciyaaryahaanada jabuuti ku yeeshaan magaalada Djibouti oo uu ka ahaa isku xire lafdhabar u ahaa barnaamijkaasi
 
C/qani Jeenyo ayaa waxaa uu sheegay in uu jecel yahay inuu mar walba ka shaqeeyo dhiirigelinta iyo horumarka dhallinyarada Soomaaliyeed si isboortigooda uu noqdo mid ku talaabsada horumarka ay ciyaaryahanada caalamka uga gaareen isboortiga qeybahiisa kala duwan .
Waxaa ay muhiimaddu tahay in shaqsiga mas`uulka ah uu ku shaqeeyo si Soomaalinimo ah isla markaasna uu ka fog yahay qabyaaladda iyo nin jeclaysiga C/qani Jeenyo ayaa waxaa lagu tilmaamaa nin ka caafimaad qaba qabyaaladda iyo ninjeclaysiga waxaana uu hiil iyo hooba la garab taagan yahay isboortiga isagoo maalkiisa iyo muraqiisa waqti badan u hibeeyay dhiirigelinta iyo horumarinta isboortiga Soomaaliyeed.
Haddaba si horumarka isboortiga uu noqdo mid si weyn looga wada howlgalo ayaa waxa muuqanaysa in isboortiga Soomaaliya u baahan yahay dhowr shaqsi oo ku shaqeeyo qaabka fikirka wanaagsan ee Guddoomiyaha New Somali Generation Sports and Culture Cabdi Qani C/llaahi Jeenyo oo ah mas`uul ku dayo mudan waxaana isagana leenahay hore u soco



|