|
Helsinki: Waxaa shalay oo axad ah la soo gabagabeeyey Tartankii kubada cagta ee Somali Cup helsinki 2010 ee dalka Finland.

waxaa maanta oo axad ah taariiqduna ay tahay 13.06.2010 la soo gabagabeeyey tartankii kubada cagta ee Somali Cup helsinki 2010 koobkan oo ay ka soo qayb galeen 12 kooxood oo ka kala socday gobolada dalka finland ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ururka dhaqanka iyo sportiga ee dalka finland (Socus ry).
waxaa maanta ciyaartii finalka ahey wada ciyaaray kooxaha Espoo Vs Fc-vuosaari ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan kuna bilaabantay weer iyo weer celis daqiiqadii 15 naad ayaa waxaa u suura gashay kooxdii espoo in ay dhaliyaan gool goolkaasna uu u dhaliyey ciyaaryahankii sitey lanbarka 23 sadiiq c/salaan,
Waxaa daqiiqado kadib weerar culus ay soo qaadeen kooxdii Fc-vuosaari oo ay ku dhaliyeen goolkii barbardhaca waxaan u dhaliyey faarax shariif oo sitay 9 ,qaybtii horena waxay ku dhamaatay barbaro 1 -1 , iyadoo ay ciyaartaasi daawanayeen dadweyne aad u fara badan oo Reer Finland ah kuwaas oo kalla taageersanaa labadii Kooxood oo ay ciyaartu u dhaxaysay .

Ciyaartia qaybteedii labaad wada tashi kadib ayey labadii kooxood bilaabeen weeraro isdaba joog ah daqiiqadii 25 ayey kooxdii espoo heleen goolkoodii labaad waxaana u saxiixay saciid baaquli oo u sitay lambarka 6 , ciyaartii wey sii kululaatay kooxdii fc-vuosaari ayaa heshay rigoore rigoorahaas oo uu laaday ciyaaryahanka u sitey nambarka 13 mohamed ibrahim rigoorahaasna ay u suurta gali weysay in ay dhaliyaan oo uu qabtay gool hayihii kooxda espoo , ciyaartii ayaa sii socotay daqiiqadii 37 ayey kooxda espoo heleen goolkii sadexaad waxaana u dhaliyey ciyaaryahan sadiiq c/salaan oo sitey nambarka 23, taba baraha kooxda Espo muddane Cali oo aad u faraxsan isla mar ahaantaasna aad moodayso in uu helay Bishaaro wanaagsan ,waxa uuna horay ka niyaystay in kooxdiisu guusha raacayso .
Intaas kadib waxaa soo gaba gaboobay xiliggii loogu talagalay in ciyaartu dhamaato waxaana Aarbiitarihii yeeriyay Firinbigga, waxana ciyaartii ay ku dhamaatay Kooxda Espoo Vs Fc-vuosaari 3 – 1 waxayna guushii raacday kooxdii Espoo oo aad moodo iney sanadkan u soo tabaabusheesteen.

Gababa gabadii ciyaarta waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururuka dhaqanka iyo sportiga ee dalkan finland Axmed Abdullahi (Imad) oo aad ugu mahadceliyay dhamaan Dhalinyarada Kooxaha Sportiga Finland oo noqday Dhalinyaro si xushmad leh u soo gudatay Ciyaarahan Somlai Cup helsinki Finland loogana baahan yahay iney dadaalkooda halkaa ka sii wadaan.
Xogayaha ururka Socus ry Muddane Cabdulqaadir Macalin-elmi (Qooje) ayaa isna waxa uu ka hadlay u jeedada ay u qabtaan sanad walba Koobka xilli Qoraxeedka ay tahay in aanu ku mashquulino Dhalinyarda Soomaaliyeed maa daama ay Iskuuladu u xiran yihiin ,waxa uuna yiri marnaba kama caajisi doono haddii aannahay Mas,uu liyiinta Ururka Socusry in aan sii dar dar galino tartan Ciyaareedka Somli Cup oo aanu u qabano Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Reer Finland .
waxaa isna halkaasi ka hadlay Cumar Jaamac (Dhagaweyne) oo ka mid ahaa Mas.uu liyiintii Qaranka Soomaaliyeed oo uu sheegay in maanta ku faraxsan yahay in ay wali soo korayaan Dhlinyaro Soomaaliyeed oo u ciyaari doona Qaranka Soomaaliyeed isagoo ku booriyay Dhalinyarada Reer Finland in ay buuxiyaan kaalintii Kooxihii Qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kalle waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Somali Community Of Finland Muddane Cabdirishiid Cawad Diiriye oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo qayb galo Koobka Somli Cup Helsinki 2010 Dhalinyarada Sportiga Finland oo ah koob muhiim u leh in Dhalinyarada Reer Finland ay yeeshaan kulan ay isku bartaan isla mar ahaantaasna soo bandhigaan Ciyaar wanaag waxa uuna Gudoomiyuhu ku tilmaamay in ay inoo tahay guulweyn Jaaliyadeena Reer Finland
Ugu danbayntii waxaa halkaa ka hadlay Ciyaaryahankii weynaa ee kooxdii madbacada iyo xulka qaranka soomaaliyeed Cabdullahi maxamud salxaan (Eenow) uu marka hore Tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday ciyaaryahankii weynaa ee Shiiqaalow in uu ilaahey samir iyo imaan ka siiyo Aaamiin, dhalinyarada ku booriyey in ay dadaalkooda sii laba laabaan,Eenow oo shalay gudoonsiiyey koobkii kaalinta koowaad kooxdii ka socotay Espoo.
Kaalinta 1aad kooxda Espoo waxaa gudoonsiiyey Cabdullahi maxamud Eenow
Kaalinta labaad kooxda Fc-vuosaari waxaa gudoon siiyey Cumar jaamac dhagaweyne iyo xoogweyn
iwaxaa kaloo halkaa abaal marino lagu gudoonsiiyey goolhayihii ugu fiicnaa , ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa, kooxdii ugu asluubta wanaagsaneyd ,ciyaaryahankii ugu goolal dhaliska badnaa, tababarihii ugu wanaagsanaa iyo maamulkii ugu fiicnaa intii uu tartankan socday.
Tartankii Somali Cup helsinki waxaa ka soo qayb galay mas,uuliyiin sporti iyo kuwa maamul waxaana ka mid ahaa
C/lahi maxamud salxaan (Eenow) madbacada iyo xulka qaranka soomaaliyeed
Cumar jamac (Dhagaweyne) xogayihii hore ee xiriirka ciyaaraha fudud
Cismaan huudey odey sport
Cabdulkadir Inna (Jilaagii weynaa hobolada waaberi)
C/qadir xoog weyn odey isboorti
Daahir Macalin Xogayihii hore ciyaaraha fudud
Cumar bile ciyaartoygii hore ee kubada koleyga (Naadiga Bada)
Nuux Ismail Ciyaartoygii hore ee dagmada holwadaag
Cabdulkadir xasan cumad daadow
Gud- golaha midnimada soomaaliyeed C/rashiid Cawad
Gudiga qabanqaabada ee Somali Culture and sports
Gud- Ahmed Abdullahi (Imad)
Gud ku xig- Ciise xasan jeyte
Xog- Abdulkadir moalin elmi ( Qooje)
Yaasiin cabdi rage
Maxamed osman wador juujuule
Yuusuf maaweel
Cabdi mahad (laboos)
C/suleiman Shiino
Maxamud
Abuukar Abaa jibil Film qaade
Axmadey malaayow
Nuradiin Maradona
Ciyaarahan Somali Cup oo ku dhamaaday sidii loogu tala galay ilaahey ayaa mahada iskaleh
Ahmed Imad
|