|
Tartanka Cayaaraha Xagaaga ee K/Kolayga oo ka Furmay Garoonka Weyn ee Rinkeby
Waxaa Xalay Fiidkii si habsami ah loo furay tartankii Labaad ee ciyaaraha xagaaga K/Kolayga Tartankan oo ka furmay magaalada Stockholm ee dalka Sweden .
Xafladda furtaanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ammaanteeda iska leh maamulka iyo guddigii qabanqaabada Cayaaraha Xagaaga ee Heerka 1aad iyuo Ururka SSUF. Furitaankii ciyaaraha ayaa waxaa ka soo qayb galay ciyaaryahandii heerka koowaad caan ku ahaan jiray dalka Soomaaliya, maamuladoodii, siyaasiyiin ka timid wadanka Soomaaliya uu ka Mid yahay Xildhibaan Cabdi dheeg.
Xafladan ayaa waxaa ay ka dhacdey garoonkii loogu talagalay iney ciyaarhan ka dhacaan, waxaana martidii halkaas isugu timid ay ka soo jeediyeen qudbado kala duwan oo ku wajahnaa ciyaarahan iyo dhamaan isdhexgalka dhalinyaradan ka kala timid wadamo kala duwan.
Xafladaan ayaa waxaa ku furay aayada quraan ah uu akhriyay A/rashiid,waxaana xiriiriye ka ahaa Wariyaha webka Cayaarahaswedan.com
Dadkii ka hadlay xaflada furitaankaas ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gudiga Cayaaraha Xagaaga ee heerka 1aad Xamdi Sheikh Axmed ayaa hadaladiisii ka mid ahaayeen soo dhaweyn iyo amaan uu u soo jeediyay ka soo qeygalayaashii Kooxaha, Madaxdii ,Cayaartoydii Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka mid ahaayeen Marti Sharaftii lagu Casumay Tartankaas,waxaa ka dib Codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Tartanka K/Kolayga A/laahi Ereg (Xaaji)oo ka hadlay soo dhaweyn iyo sidii tartankaas u qabsoomay iyo mustaqbalka waxa laga damacsanyahay hurumarkiisa K/Kolayga sanadaha soo socda.
Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay: Xiddigii K/Kolayga ee Kooxda Badda iyo Qaranka soomaaliyeed C/qaadir Xaaji Daahir ( Sheikha )oo halkaas ka soo jeediyay sidii loo horumarin lahaa Cayaaraha K/Kolayga oo uu sheegay hadii si wada jir ah loo wada qabto in laga gaarayo natiijo Fiican iyo hurumar deg deg ah,Wuxuu ku booriyay bahdii K/Kolayga meelkastoo ay joogaan in loo wada guntado arinkaas uu sheegay Sheikha,wuxuu kaloo ammaan u soo jeediyay Gudigii Qabanqaabiyay Tartankaan oo si Fiican loo agaasimay.Waxaa kaloo halkas ka hadashay Xiddigtii K/Kolayga LLPP iyo Qaranka Xaawa Sheikh Axmed (Xawa Taako) oo halkaas ka soo jeedisay hadalo qiima badan oo ku saabsan hurumarinta ispoortiga,ka dib waxaa hadlay Gudoomiyaha New Generation A/qani Jeenyo oo halkaas ka balanqaaday in uu soo saari doono Cayaartoy tayo leh oo lagu faani karo mustaqbalka anfacana Xulka Qaranka Soomaaliya asagoo had iyo jeer heelan u ah hurumarinta K/Kolayga. Waxaa kaloo ka hadlay Xiddigii hare ee Muqdisho A/rashiid Doob oo ka yimid Cariga Marykanka oo halkaas ka soo jeediyay hadalo guubaabo ah in loo wada guntado hurumarka K/Kolayga Soomaaliyeed,ka dib waxaa hadlay Gudoomiyaha Ururka Hawenka Sweden Sahra Barqadle oo ka hadashey Nabadgalyada iyo Dumarka roolka ey ku leeyihiin hurumarinta ispoortiga guud ahaan.ka dib waxaa hadlay wakiilka Ururka SSUF Md: Kaahin oo ka hadlay wax qabadkii ururka iyo sidii loo hurumarin lahaa ispoortiga guud ahaan.
Waxaa lagu sharfay inay Tuuraan kubadda Shabaqana ku tuuraan furitaanka ciyaartada K/Kolayga oo labadaba ka mid ahaa halyeeyadii Isboorti ee Soomaaliya iyo Xulka Qaranka Sheikha iyo Xaawa Taako.
Ciyaartii ugu horaysay ee furitaanka ciyaaraha Xagaaga K/Kolayga waxaa fooda isku daray kooxaha SWEDEN oo iyadu martigelisay ciyaarahan iyo Kooxda FINLAND waxay Cayaarta ku dhamaatay SWEDEN 33 VS FINLAND 50
Ciyaataan oo aad u xiisa badnayd, ayna dad badani usoo daawasho tageen waxay guushii ku raacday kooxda ku Cayaareysay Magaca Finland oo kaga badiyay ciyaartoydii Sweden.
Waxaa ciyaartaasi garsoorayaal ka wada ahaa garsoorihii caalamiga ahaa Axmed Maxamed Saalax(Diinaash)iyo C/llahi Wardhiigley oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii heerka 1aad ee naadiga Waxool.Waxaa intii Cayaarta socotay bilaaw ilaa dhamaad dadweynaha maaweelinaayay Fanaanada weyn RAXMA RUUXI oo halkaas ka qaaday heeso wadani iyo Jaceyl isugu jira.
Furitaanka cayaaraha K/Kolayga waxaa goobjoog ka ahaa wabsideka Cayaarahaswedan.com,somali-youth.org oo si joogta ah dunida ula socodsiinayay Cayaarahaas.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
|