Xiddigtii Hore K/Kolayga Qaranka Soomaaliyeed iyo naadiyada LLPP Jeenyo,Somalifrut

Qado sharaf oo si fiican loo soo agaasimay ayaa loo sameeyay Xidigtii K/Kolauga ee naadiyada jeenyo iyo Somalifrut iyo Qaranka LUUL AADAN SHIDO oo lagy qabtay Resturantiga weyn ee Akalla ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin isboorti, Tababarayaal, garsooreyaal, cayaaryahannadii qaranka iyo naadiyada heerka 1aad ee kubadda cagta iyo Koleyga, iyo marti sharaf kale oo iyaguna xafladdaasi lagu casuumay.
Qadadii ka dib ayaa ka soo jeediyay erayo kooban Bashiir Jeenyo oo uu uga hadlayo ujeedada isu imaatinka qadada lagu soo dhawaynayay cayaaryahantaas Luul asagoo warbixin dheer ka soo jeediyay iyo kaalintii ay kaga jirtay isboortiga. Waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko bulshada isboortiga ee cadadaasi leh oo halkaasi isugu timid kuna soo dhaweynayaan Xiddigtaas booqashada ugu timid dalka SWEDEN magaalada Stockholm.


Aaan dib u xusuusino taariikhdii Xiddigtaas K/Kolyga LUUL AADAN SHIDO oo kooban:
Luul Aaadan Shido waxaa uu ku dhalatay Xamar degmada Waabare oo ahayd halkii ay ku soo barbaartay. waxbarashadeeda waa heer dugsiga sare,waxay u cayaarijirtay dugsiga Xamar K/Kolayga,waxay waxbarashadeeda ku dhameysatay dugsiyada H/Wadaag iyo Xamar sare


1972kii ayay markii ugu horreysay u safatay cayaarihii Dugsiyada ayadoo markaasi ka tirsaneed ardaydii u cayaareysay Dugsiga Xamar ayadoo sheegtay in ay doonayso inay ku biirto cayaartoyda Gobolka Banaadir loo xareenaayo in ay cayaaraan cayaaraha Gobolda dalka.
1973 Luul Aadan Shido Waxay ku biirtay ama ka mid noqotay cayaartoyda Gabdhaha K/Kolayga ee loo Xulay gobolka Banaadir in ay u Ciyaaraan Cayaaraha Gobolada ee sanadkaas la qabanaayay wadanka.


1973 waxay ku biirtay Naadiga weyn ee LLPP Jeenyo oo markaas Macallin u ahaa Aama,waxay ka mid eheed Gabdhaha Cayaartooda la jecelyahay aadna xariif ugu eheed Teersateenbada oo markasto ku dhalinjirtay goolasha oo ay kooxdeeda ku guulaysato.


Ka dib 1975 Waxay u wareegtay Naadiga Somalifrut oo ahaa naadiga ugu Cayaarbadan Xaga Gabdhaha K/Kolayga waxay ku guuleysteen koobab badan oo ahaa Horyaal iyo Janaraal daauud oo marna dhinacooda aan dhulka la dhigin intii ay cayaaraha ku jirtay,Luul Aadan Shido Waxaa bulshada spoortiga ugu naaneysijireen Balack Star iyo 7 della Afrika Waa Xiddig aad u Ciyaar fiicneed oo habeenkii ay cayaarto maalintii idaacadaha ayadey ka faaloonjireen,ama ka hadlejireen.


1975 Luul Aadan Shido waxaa uu ku biiray Xulkii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda K/Kolayga, muddadii ay ka tirsaneed waxaa ay ka qayb-gashay cayaaro caalami oo lagu qabtay dalalka Masar iyo Koobkii Jaamacatalcarab oo ay ka soo hooyeen guulo aan la iloobinkarin .Sidoo kalena waxaa uu kooxdeeda Somalifrut kala qayb-gashay cayaaro caalami ah oo lagu qabtay wadamada Carabta iyo Afrika, 1975-1979 ayay ka tirsaneed Xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Luul Aadan Shido Waxay tiri ciyaaryahannadii ay aadka u jecleed inay garbaheeda buuxiyaan intay ka tirsaneed naadigiisa Somalifrut Miski Cumar, Safiyo Neero,Shariifeeto, dhool falaago, shariifo caddow,shariifo nuur muudey,sahra dheerey, khadra cusmaan,xabiibo yarey,maryan gardheere. .Sidoo kale qarankana in ay buuxiyaan intaas.
1979kii Dhamaadkeedi Xiddigtaan cayaaraha ka fariisatay ayadoo guursatay LUUL AADAN SHIDO waa Xaas sedeed 8 Caruur ah leh,waxay ku nooshahay UK Magaalada LONDON,wiilasheeda waxay ka mid yihiin Cayaartoyda K/cagta ee London Star,waa qoys spoorti ah.
LUUL AADAN SHIDO oo ayada halkaasi ka hadashay ayay ka mahadcelesay sida diiran oo loogu soo dhaweeyay SWEDEN Magaalada Stockholm,waxay igu reebtay Qadadaan Xusuus aan iga goeynin,
Ugu dambayntii Luul Aadan Shido Waxay ay kula dardaarmaysaa bulshada isboortiga meel kasta oo ay joogaan inay gacmaha is qabsadaan oo ay ka gudbaan is qabqabsiga aanan horumarka lagu gaari Karin laguna gaari doonin. Waana in laga shaqeeyaa in la horumariyo awoodda iyo farsamada cayaartooyda yaryar ee soo koraysa isla markaas Meel looga soo wada jeestaa sidii wax loogu qaban lahaa caruurta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibaddiisa. Waxaana uu Ilaah uga baryay in ummadda Soomaaliyeed ka joojiyo colaadda dheeraatay ee halakaysay dadka iyo Dalka intaba.
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh