Madaxweynaha Galmudug  Maxamed Axmed Caali oo kulan balaaran la yeeshay Bahda ispoortiga Sweden

                                  

 Taariikhdu marka ay ahayd 23kii may 2010 waxaa magaalada Stockholm caasimada Sweden ka dhacay kulan balaaran oo isku hor fariisteen madaxweynaha Galmudug State mudane Maxamed Axmed Caalin iyo bahda isbortiga Sweden oo uu horkacayey xoghayaha olombikada Soomaaliyeed mudane Cabdulahi Axmed Tarabi, kulankaan oo ka dhacay xarunta ururka isbortiga iyo dhaqanka Benadir ee Stockholm, kulankaan dhexmaray madaxweynaha Galmudug iyo bahda isbortiga ayaa kasoo shaqeeyey waqti badanna ku lumiyey gudoomiyaha Somali diaspora sport and culture ee North America iyo yurub mudane Bashir Jenyo.

              

             

             

     Kulankaan oo ku bilawday jawi dagan oo aad u heersareysa ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa Maxamed Mukhtar shiikh, waxaa hadalkii ugu horeyey qaatay gudoomiyaha SEUKI mudane Xirey Roble oo warbixin kooban kasiiyey xaalada isbortiga Sweden isaga oo aad ugu dheeraaday marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray isbortiga Stockholm iyo sida looga gudbay, maantana aan nasiib u yeelanay in hal meel aan kuwada qabilno martida booqashada ku timaada Stockholm sidoo kalena hal meel kuwada qabsano tartamada iyadoo si wadajir ah la iskula wadashaqeynayo, intaa ka dib ayaa warbixino kooban xaalada isbortiga wadanka Soomaaliya  kasoo jeediyey xoghayaha olombikada qaranka Soomaaliyeed mudane Cabdulahi Axmed Tarabi, warbixinada uu siiyey oo halkan lagu soo koobi karin ayaa ugu muhiimsanaa warbixin guud xaalada isbortiga Soomaaliyeed iyo in la hormariyo isbortiga  gobolada wadanka oo dhan, lagana hormariyo xagga aqoonta maamulka iyo farsamada, isbortiga qeybahiisa kala duwan.

            

            

            

      Dadkii goobta ka hadlay oo aan halkan kusoo koobi karin ayaa badankood ka hadlay faaidada isbortiga ay u leedahay bulshada, Abukar Dhabarey oo ah cayaartooydii hore ee Soomaaliyeed u cayari jiray naadigii Gaadiidka  ayaa ka hadlay sida dhalinyarada ay u daneynayaaan nabad ka dhacda Soomaaliya, taas oo tusaale u ah in sanad walba  marka lagaaro waqtiga safarka ay dhalinyarada soomaaliyeed ee qurba jooga ugu wadaan  wadanka Jabuuti in tiro aad u badan ay daneynayaan in ay raacaan safarkaasi oo ay qabanqaabiso Somali diaspora,  dhalinyarada soomaaliyeed ee qurba jooga waxa ay doonayaan in ay arkaan meesha ay kasoo jeedan, mudane Dhabarey waxa uu sheegay in dhalinyaradaas ay aad u daneynayaan mustaqbalka in ay ku cayaaraan Soomaaliya meel ka mid ah..

              

             

            

              

           

        Dadkii ka hadlay goobta ayaa ka mid ahaa Sabriye Gaabow oo marka hore mahadnaq u jeediyey ururka isbortiga Benadir IF isagoo ku amaanay waqti dheer ay galiyeen horumarinta isbortiga isagoona ku amaanay kaalintii ay ka geysteen tartankii horumarinta cayaaraha Galmudug oo dhawaan lagu soo gabagabeeyey Galmudug, Hassan Gella ayaa isna ka hadlay Abdulkadir Hassan Cawale oo ah wakiilka olombikada Galmudug hawsha firfircoon uu kawado dhulkaas waxa uuna si kooban uga hadlay taariiqdiisa uu ku leeyahay isbortiga isagoo mesha ka xusay in wax badan ay soo wada shaqeeyeen horunarinta isbortiga Soomaaliyeed, waxa uuna ka codsaday madaxweynaha inuu gacan ka siiyo hawshaas uu kawado horumarinta isbortiga Galmudug State, Maxamed Mukhtar ayaa ka hadlay waqtigii ay dib u bilaabeen isbortiga magaalada muqdisho isagoo xusay in bahda isbortiga ay ahaayeen kuwii qadka cagaaran ka tirtiray magaalada Muqdisho 

         

         

        Gabagabadii ayaa waxaa hadalka qaatay madaxweyne Caalin waxa uuna goobta ka sheegay in bahda isbortiga waxqabadkooda uu yahay waxa kaliya oo hada muuqda, waxa uu ka hadlay isbortiga ka socda Galmudug oo ah mid hadda aad u kobcaya uuna aaminsan yahay in isbortiga waxyaaba badan looga faaideysan karo sida caafimaadka, nabadda iyo isdhexgalka bulshada waana qeyb ka mid ah siyaasada Galmudug State waxaa uu balan qaaday in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono siduu uu u horumarin lahaa isbortiga hadii alla idmo.

           

 Guud ahaan anaga oo meesha kusoo koobi karin dadkii goobta ka hadlay misna waxaa ka mid ahaa Maxamed Muse Jabros oo ah xubin guddiga olombikada Soomaaliyeed, gudoomiyaha SKIF Abukar Cato,Hamdi Shilkh Ahmed,Wali Malin iyo Ibrahim Galbeyte.

                                              Waxaa diyaariyey Ibrahim Galbeyte