Laacibkii Qaranka Marxuum Shiiqaaloow oo Baroordiiq weyn loogu sameeyay magaalada Bermingham
Bermingham 01/06/2010:Waxaa magaalada Bermingham lagu sameeyay xus baroordiiq weyn oo lagu xusuusanayay allaha u raxmadee marxuum Mohamed Hussein Ali oo ku magac dheeraa ‘’Shiiqaaloow’’ islamarkaana loogu duceenayay marxuumka oo sabtii dhawayd ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Bahwaynta kubadda kolayga Isboortiga Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka Bermingham, Liecester, London, Manchester iyo Liverpool oo ka koobnaa macalimiintii iyo ciyaartooydii hore ayaa ka soo qayb galay munasabadaan qiimaha leh, kuwaasoo kale ahaa:
Waxaa kale ka mid ahaa dadkii kale oo ka soo qayb galay baroordiiqda garsoorayaal kubadda kolayga iyo kubadda cagta oo degan dalka Ingiriiska, kuwasoo kale ahaa:
Magacyada
Dhanka kale ciyaartooydii hore ee Kubadda cagta ayaa goobta soo camirey sida C/qadir Ciise ‘’Biyooley, C/qaadir Mohamed Faarah ‘’Jaalle Biriq’’ iyo Cadde Suufi iyo marti sharaf kale oo badan.
Ciyaar saaxiibtinimo oo kubadda kolayga oo lagu maamusayay marxuumka ayaa garoonka Bermingham City University isaga hor yimaadeen labo kooxood ee kale ah London Vs Bermingham, kuwasoo ay ka dhaxmuuqdeen qaar ka tirsanaan jirey ciyaartooydii kooxaha heerka kowaad iyo xulka kubadda kolayga Soomaaliya barisamaadkii, iyadoo ay garsoorayaal ka ahaayeen Garsoore Cartan iyo Garsoore Mohamed Hagi, halka Score u qorayay Gudoomiyaha Puntland Sports and Culture mudane Bashiir Gurey oo isna ahaanjirey ciyaartooydii kubadda koleyga dalka Soomaaliya.
Ciyaartaas oo ahayd ciyaar aad u xiisa badnayd ayaa waxay labada kooxood muujiyeen ciyaar wanaag farsamadeedu aad u heer sareysay.
Kooxda London ayaa waxaad moodaa inay aad ay adeegsanayeen waayo aragnimadooda halka kooxda Bermingham ay u badnaayeen ciyaartooy da’yar marka laga reebo Ali Gurey, Nuuradiin ay ahaayeen laacibiin Qaran.
Ciyaarta waxay ku dhamaatey 60 & 61 oo ay guusha ku raacday kooxda London, kuwasoo dhaliyay in ku dhaw 10 / 3 point, intii ciyaarta socotey waxaa qadar daqiiqado ah la istaajiyay ciyaarta si loogu duceeyo marxuum Mohamed Hussein Ali’’Shiiqaaloow’’ Allaha u raxmadee .
Kadibna waxaa Qado sharaf iyo sagootinba loogu sameeyay dadkii ka soo qayb galay munaasabadaan qiimaha badan lahayd maqaayada Salaama iyo Banadir Caffe oo yaal duleedka magaalada Bermingham.
Bahwaynta Isboortiga jaaliyada magaalada Bermingham soo qaban qaabiyaha barnaamijkaan Mudane Mohamed Hagi Jumcaale oo ahaan jirey garsoore kubadda kolayga dalka Soomaaliya hadane ah ku xigeenka XSKK ayaa dadkii ka soo qayb galay uga mahadceliyay ka soo qayb galka munaasabadatan islamarkaana sheegay inay muhiim tahay in dadka isboortiga isku yimadaan kana qayb qaataan sidii bulshada la iskugu xiri lahaa islamarkaana meel looga soo wada jeesan lahaa sidii caruurta Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa.
Waxaa isna meesha ka hadlay isagoo ku hadlaya dadkii ka soo qayb galay baroordiiqda iyo magaca bahweynta isboortiga guud ahaan goalhayihii kooxda Horseed iyo xulka Soomaaliya mudane C/qaadir Ciise Biyooley oo ka hadlay taariikhdii marxuumka islamarkaana tacsi u direy qoyskii iyo caruurtii marxuumka, iyadoo la isla qaatey in lacago la iska qaado si shaqsana loogu diro tacsida iyo agoonta marxuumka ka tagey.
Dadkii meesha ka hadlay waxay kale ahaayeen sidatan….
Kuwasoo soo jeediyay dhamaantood in loo kaco sidii dhalinyarada iyo caruurta wax loogu qaban lahaa islamarkaana xusay in loo baahan yahay dadkii aqoonta isboortiga lahaa ay dib isku abaabulaan, wada tashiyo kale duwan yeeshaan kadibna wax baraan jiilka cusub ee isboortiga horboodaya si bulshada uga baxdo jahwareerka.
Ugu dambayntii waxaa la iska qaaday sawiro xusuus ah iyo iyadoo lagu balamay in mar kale la iskugu yimaado magaalada London laguna martiqaado dhamaan bahwaynta kubadda kolayga dalkaan ku nool sida ugu dhaqsaha badan.
Farxad iyo waayo waayo in laga sheekaysto ayay ahayd maalintaas islamarkaana bahwaynta isboortiga Soomaaliyeedna waxay dhamaantood ka muuqatey marka ay hadlayaan in laga gudbo kale qaybsanaanta, wax walbana lagu saleeyo aqoon iyo is tixgalin gacaltooyo leh lagana baxo isbarbar yaaca, meelna looga soo wada jeesto kuwa isboortiga ka dhigay wax lagu shaqaysto oo aan qiima lahayn.
Bahda basketball-ka UK ayaa moodaa inay ka gudbeen khilaafyo ku kale dhax jirey markii hore kadib markii ay isla garteen inaysan haboonayn inaysan ku kale tagin wax dad kale dantoodu tahay balse isla qaatey in isku duubni looga gudbi karo wax walbo, Soomaaliya iyo Soomaaliduba u baahan tahay midnimo iyo wadajir.
W/Q; Yusuf Yusuf