Bahda isbortiga Stockholm Sweden u hambalyo u diraya xaaji Maxamed Khalif

 

            

Kulan dhowaan ay ku yeesheen guddiga Somali Week London ayaa loogu magacaabay afhayeenka Somali week mudane Xaji Maxamed Khalif oo ah shakhsi muddo dheer ku jiray isbortiga kaalin firfircoon ka qaatay horumarinta isbortiga magaalada London iyo dibedda, bahda isbortiga magaalada Stockholm oo isugu jira masúulyiin cayaartooy iyo taageerayaal waxa ay aad ugu farxeen xilka loo magacaabay Xaaji Maxamed khalid waxa ayna leeyihiin hambalyo, bahda isbortiga sweden ayaa horay codkooda u siiyey Mudane Xaaji Maxamed Khalif mar ay socdeen tartankii somali week 2009 iyadoo markaas la dooranayey nabadoon isborti dhalinyara ah oo ku biira nabadoonada isborti ee hada jira, Mudane Xaji Maxamed Khalif ayaa helay codka shan wadan oo ay ka mid ahaayeen England,Sweden,Finland,Canada iyo italy.

 

Masúuliyadaan ah afhayeenka Somali Week ayaa u noqoneysaa masúulyadii labaad ee muddo sanad gudaheed loo doorta Xaajiga taas oo ku tuseysa in horumar uu ka sameeyey xagga isbortiga, waxaa u rajeyneynaa in ilaah la garab galo, masúlyadahaan loo magacaabayna u guto si cadaalad ah oo alla ka cabsi leh.

 

waxaa diyaariyey

Ibrahim galbeyte