|

Magac: Ahmed Mohamud Hussein (mirow)
Ku Dhashay : Ceergabo (Gobolka Sanaag)
Sanadkii 1969kii
Yaraantii ciyaarihii aan jeclaa Kubba cagta iyo Koleyga Basketball
Waxaan ka bilaabay inaan u ciyaaro dugsiga hoose dhexe Kasapolare anigoo u ciyaarayey isla Dugsigaas, markaan ka baxay dugsigaas waxaan u gudbay dugsiyada sare anigoo galay Dugsiga Sare ee Banaadir si aan ugu ciyaaro kubba Koleyga iyo kubbada cagta, laakiin waxaan u bedeshay Dugsiga sare ee Muse Galal oo ahaa dugsiyadii cusbaa, subaxna uu dhigan jiray waayo Banadir oo galab la dhigan jiray.
b
Markan ku wareegay Dugsiga sare ee Muse Galal ayaan ka qayb galay ciyaarihii Dugsiyada Banadir halkaas oo igu dhiri geliyey Ahmed Dheere oo ahaa arday Dugsiga ila dhigta oo loo xilsaaray inuu soo xulo ciyaartoydii uga qayb geli lahay dugsiga ciyaarahaas, waxaan markaa orday orodka 1500m ee ciyaarahaas, waxanan u soo baxay ciyaarihii ‘Finalka” iyadoo isha la igu wada hayey inaan qaadayo 1500m ee ciyaarahas laakiin waxaan galay kaalinta 3aad Khalad aan sameyey awgeed iyo khibrad anigoon wax khibrad ah u lahay Orodada, ka dib waxaan is aragnay Abdi Bile oo u socday deeq waxbarasho oo Maraynka ah markaasuu I weydiiyey inaan sii wadi doono ciyaaraha orodada? Waxaanse ugu jawaabay maya? Laakiin wuxuu ii sheegay in qofka ardayga ah orodkiisuna fiican yahay la siinayo waxbarasho wadanka Maraykanka ah, wuxuu kaloo ii sheegay inuu isuguna u socodo ciyaartoy kalena ka horeeyaan oo ay ka mid yihiin Jama Karaciin iyo Ali Hufane iyo Ahmed Ismail, wuxuuna igula balamay Garoonka ciyaaraha Muqdisho inuu ii geeyo macalinkiisa Nadiga Wakalada Ganacsiga (Hassan Warsame Adan)halkaas oo aan ugu tegey kuna biiray Nadigaas,Waxaana halkaas Tababar ii bilaabay Hassan Warsame Adan oo ahaa tababaraha Nadiga Wakalada Ganacsiga waxaa isna aad I rabay inaan u ordo ciyaaraha gobolada ee sanadkii 1983ii u metelo gobolka Banadir Abduqadir Abiikar Waraabe, laakiin waxaan markiiba u saftay Nadiga Wakalada Ganacsiga halkaas oo aan orday 1500m waxaanan galay kaaliinta 4aad 1983tii horyaalka,
H oryaalkii 1984 waxan galay kaalinta 2aad ee (1500m) Jeneral Da,uud waxan galay kaalinta 1aad isla sanadkas, 1985 waxaan kaalinta 1aad galay Horyaalka waxana la ii magacaabay Xulka Qaranka Somaliyeed, 1985 waxaan ka qayb galay ciyaarihii East African Cross-Country oo lagu qabtay wadanka Nairobi (Kenya)
1985 Waxaan ka qaby galay ciyaariihii Jamacada Carabta oo lagu qabtay Marocco waxan orday 1500m anigoo galay kaalintaa 5aad waxaanan kula kulmay Abdi bile oo igu yidhi ma adigii baa xulka qaranka ku soo biiray durba, 1985waxaan kaalinta 1aad galay Horyaalka 1500m anigoo ku orday saacad aad u fiican.

1986 waxaan orday oo keliya Horyaalka kama qaby gelin orodo kale, Waxaan kale oo aan tababare u noqday Dugsiga sare ee Muse Galal halkaas oo ay ka soo baxeen ciyaartoy badan oo u saftay Gobolka Banadir ciyaarihii gobolada sanadkii 1986 iyo xulka qarankaba.
1987 waxaan ka qayb galay horyaalka iyo Jeneral Da’uud waxaanan orday 1500m, waxaan kaloo ka qayb galay ciyaarihii All African Games Kenya (Nairobi) halkaas oo anan si fiican ordin dhaawac awgiis.
1988-waxaan ka qayb galay horyaalkii 1500m iyo 5000m anigoo galay kaalinta 1aad labadaba welibana tijaabo ahaan u orday 10000m galayna kaalinta 1aad , waxaan kaloo ka qayb galay ciyaarihii Jamacadaha Addunka oo lagu qabtay waddanka Talyaaniga (World university cross country) markaan ka soo noqday ciyaarahaas Jamacadaha waxaa deeq Waxbarasho iigu balan qaaday Lafoole iyadoo uu ila hadlay Abdirahman Ibbi iina sheegay in aan noqondoona ciyaartoygii ciyaaraha fudud ee ugu horeeyey oo deeq waxbarasho laga siiyo waddanka gudihiisa.
1988 waxaan kaloo ka qayb galay ciyariih junyarka adduunka oo lagu qabtay (Sudbury-Ontario) Canada. Waxaan halkaas ka sii watay waxbarashadii anigoo galay College ku taal wadanka Maraynka halkas oo aan ka qaby galay ciyaaro badan oo isugu jira indoor iyo outdoor iyo cross-country.
1994 waxaan orday 1000m ee colleges halkaas oo aan dhigay record cusub, nasiib daro anigoo isu diyaarinaya olombikadii 1996 Atlanta ayaan dhaawac culus i soo dhaagay markaas baan ka fariistay ciyaarihii fududaa markaan dhameeye waxbarashadii waxaan ku soo noqday waddanka Canada oo aan ku noolaa.
Waxaan halkan mahad uga celinaya dhamaan Ummada Soomaaliyeed meel ay jooganba, waxaanan leeyahay dagaalada ummadu ku dhamatay joojiya. Waxaan kaloo mahad u celinayaa dhamaan ciyaartoydii soomaaliyeed noocay kastaba ha ciyaareene.
Waxaan mahad gaara u dirayaa macalin Tababare Hassan Warsame Adan, Ahmed Haji Hashi (Amxaar) maareeyihii Wakalada Ganacsiga Ummadda, Macalin Abdirahman Guhad (shine) Hassan Mahamed Farah (John) Abdiqadir Abiikar (Warabe), Maxamed Saalax Axmed(Jarleys) oo lagu tilmaami karo Aabihii Ciyaaraha Fudud ee Soomalia.Jamac Karaciin, Abdi Bile, Ali Bay, Cukaash, Ahmed Sheel iyo Hadi, Bashir Abdi Daahir, Omar Dhegaweyne oo isna aad iyo aad ii dhiiri gelin jiray marnaba aanan ilaawin Karin iyo dhamaan inta aan halkan ku darin mana soo koobi karo
Waxaan leyahay xaas iyo wiil, waxaan ku noolahay magaalada Calgary, Gobolka Alberta wadanka Canada.
|