NGSC Oo Horumarin Isboorti Ka Fulinaya MANDHERA

 

MANDHERA: Ururka Dhallinyarada Cusub Dhaqanka iyo Isboortiga [NGSC] ee uu Guddoomiyaha ka yahay C/qani C/llaahi Hilowle (C/qani jeenyo) ayaa howlo horumarinta isboortiga ka wada Mandhera oo ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya ee ay Soomaalida degto.


NGSC ayaa ka durba ka bilaabay Mandhera dhaqdhaqaaq lagu xoojinayo isboortiga Mandhera iyadoo  ururka uu halkaasi gaarsiiyay qalab isboorti oo lagu horumarinayo dhinaca kooxaha ka dhisan Mandhere.

Ururka Dhallinyarada Cusub Dhaqanka iyo Isboortiga ayaa dadaal xoogan u galay dardargelinta dhaqdhaqaaqa dhallinyarada iyo isboortiga wuxuu abaabul u galay qabashada ciyaaraha iyadoo tartamadii ugu horeeyay lagu bilaabay dhinaca Kubadda Cagta.

Haddaba Ciyaar lagu soo dhaweynayo dadaalka horumarineed ee [NGSC] dhinaca isboortiga ayaa waxaa ay dhex martay labada kooxeed ee Central iyo kooxda ay maalgelinta ku samaysay Ururka Dhallinyarada Cusub Dhaqanka iyo Isboortiga 2-0 waxay guusha ku raacday kooxda [NGSC] waxaa guushaasi looga Mahadceliyay Captan C/llaahi Nuur

Guudoomiyaha iyo macalinka  kooxda [NGSC] C/raxmaan Maxamed iyo Macalin Xasan Gaab ayaa si weyn ugu mahadceliyay howlaha dhiirigelinta iyo horumarinta isboortiga ee ay Mandhere ka qabteen Ururka Dhallinyarada Cusub Dhaqanka iyo Isboortiga [NGSC] waxay tibaaxeen in ay taasi ay ugu mahadcelinayaan Guddoomiyaha [NGSC] C/qani C/llaahi Hilowle

(C/qani Jeenyo) oo ay ku tilmaameen shaqsi dhab ka ah dhiirigelinta dhallinyarada iyo horumarinta isboortiga dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dhinaca kale Isboorti.com ayaa khadka isgaarsiinta kula xiriiray Guddoomiyaha [NGSC] oo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

"Waxqabadkeena kuma koobna dalalka Yurub,America waxaan waxqabad  dhab ah ka fulinaynaa Africa gaar ahaan meel kasta oo ay Soomaali joogto" ayuu yiri  C/Qani Jeenyo.

"Somalia,Djibouti wax badan ayaan howlo ka qabanay oo lagu horumarinayo isboortiga iminka waa waqooyi beri Kenya Soomaalida joogto oo aan rabno inaan isboortiga ku dhiirigelino si ay uga soo baxaan halkaasi xirfad yahano isboorti" sidaasna waxaa raaciyay Guddoomiyaha [NGSC] C/qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo) oo khadka isgaarsiinta inoogu waramayay isagoo ku sugan magaalada London.

Ma`aha markii ugu horeysay oo howlo horumarin ay fuliso NGSC waxaana lagu tilmaamaa ururada ugu firfircoon ee ka dhisan dhinaca qurbaha isla markaasna waxqabad ka muujiya howlaha isboortiga iyo dhaqanka.


 


 

Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein [BUUNA]Cell Phone:
+2525-0-982912
buuna@isboorti.com