TC Stars oo ku guulaysatay koobkii Xagaaga(Ohio Columbus

                                    

Kooxda kubadda cagta ee Twin City Stars (TC-Minnesota) ayaa iyadu ku guulaysatay koobka cayaaraha xagaaga  oo sannad kastaaba lagu qabto gobolka Ohio (Columbus), ka dib markii cayaartii kama dambaysta ahayd ay   3 gool  iyo 1  ku suuldaareen  kooxda  kubadda cagta ee Midnimo oo iyadu horay u haysatay  koobkaasi.





        
Wufuudii tartanka ka soo qayb gashay

Tartankaasi isaga ah oo aalaaba ay soo qabanqaabiyaan dhallinyarada jecel isboortiga ee ku nool Ohio sida:Bashiir Geele, Abdi Afrikano, Fu,aad iyo C/kariim Delpiero  ayaa sannadkan waxaad moodaa inuu ka duwanaa sannadihii hore, iyada oo ay  sannadkan ka soo qaybgaleen dad magac iyo maamuus ku lahaa isboortiga Soomaaliyeed oo isugu jiray  Mas’uuliyiin sporti, tababarayaal. Garsoorayaal, ciyaaryahannadii kubadda cagta iyo koleyga qaranka iyo  naadiyadii heerka koowaad ee Soomaaliya iyo dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid dhammaanba gobolada Maraykanka iyo Canada.

Haddaba ciyaarihii semifinalka  oo aad u xiiso badnaa ayaa loo kala adkaaday sidan: Kooxda Midnimo ayaa  4 iyo 0 dhabarka u saartay kooxda Horseed (Atlanta) oo ka mid ahaa kooxihii ugu cadcadaa ee tartanka ka soo qaybgalay, sidoo kale kooxda  dhallinta yar  ee TC stars ayaa 3 iyo 1 ku dirtay kooxda Ohio.
   

        
Kooxda K/cagta ee Horseed (Atlanta)



  
Kooxda K/Cagta ee Ohio (Columbus)

Ciyaartii kama dambaysta (Final) oo dadweynuhu ay aad u sugayeen ayaa waxaa foodda is daray  Kooxaha Midnimo iyo TC Stars oo labaduba ka mid ah kooxaha ugu culus ,uguna cayaarta wanaagsan kooxaha Minnesota ka dhisan. Cayaartaasi ayaa waxay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis oo aad moodo in labada kooxoodba ay isku qaadayeen. Qaybtii hore ee cayaarta ayaa ciyaaryahan Yuusuf  uu goolkii ugu horreeyay u dhaliyay kooxdiisa Midnimo, waxaana qaybtii hore ay ku soo gabagabowday 1 gool iyo 0 oo hoggaanka ay ku haysay kooxda Midnimo.



    
Kooxda K/Cagta ee Midnimo (Minnesota)

Qaybtii labaad markii laysugu soo laabtay ayaa kooxda dhallinta yaryar ee TC stars ay la soo baxeen farsamo dheeri ah , halka kooxda Midnimo ay awooddeeda isugu gaysay Difaaca oo ma laha ay is lahayd goolkiina xajista, hase yeeshee waxaa darbigii adkaa ay dhisteen burburiyay kooxda TC Stars oo saddex gool oo darandoori ah ku dhufatay Kooxda Midnimo taasi oo ay ku mutaysteen in sacab fara badani uu halkaasi uga dhaco una  horseeday in sannadkan 2010 ay ku guulaystaan tartankaasi xagaaga ee Ohio.



 
Kooxda K/cagta ee TC (Twin Cities-Champions)

Guud ahaan ciyaartaasi ayaa ku soo Idlaatay 3 gool oo guushii ay ku raacday kooxda TC, halka kooxda Midnimo ay ka keensadeen 1 gool. Goolasha kooxda TC waxaa u saxiixay ciyaaryahanadii kala ahaa: Amaya, Shafi iyo Rashiid.

Sidan ayaa abaalmarinadii loogu kala guulaystay:

Kaalinta 1aad  Kooxda TC Stars , Waxaana koobka  Bixiyay Rusell Flickinger oo ahaa Attorney at Law  oo si aad ah u caawiya tartankaasi Ohio.



 
Russel Flickinger oo Koobkii kaalinta 1aad guddoonsiinaya Kabtanka Kooxda TC Shaafici
    
Kaalinta 2aad  Kooxda Midnimo, waxaana koobka guddoonsiiyay Ciyaaryahankii weynaa ee Horseed Aweys Muuse Arboow ( Aweys Fuundi).



  
Aweys Fuundi oo Koobkii kaalinta 2aad guddoonsiinaya kabtanka kooxda Midnimo

Gool Dhalinta :Sheekh Omar oo ka socday kooxda TC Stars  8 Gool.


 
Garsoore Qolof  oo abaalmarin Guddoonsiinaya Ciyaaryahan Sheekh Omar (Gooldhalinta)

Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa (Most Valuable Player ,MVP) oo la siiyay Abdirizak Yare oo ka socday TC Stars, waxaana koobka guddoonsiiyay Macallin Ibraahim suudaani.


 
Macallin Ibraahim Suudaani oo koobkii MVP guddoonsiinaya ciyaaryahan Abdirizak Yare (TC)

Tababarihii ugu wanaagsanaa (Best Coach): Carab oo ahaa macallinkii kooxda TC Stars,waxaana koobka guddoonsiiyay Macallin Qariindi.



Macallin Qariindi oo koob guddoonsiinaya tababarihii ugu wanaagsanaa tartanka Macallin Carab 

Sidoo kale tartankii ciyaaraha dhallinta Cuslaatay ayaa isaguna waxaa koobkii loo tartamayayay ku guulaystay dhallinta cuslaatay ee Toronto.

 
  
Kooxda Dhallinta cuslaatay ee Toronto

Guddoomiyihii guddiga qabanqaabada tartanka Mudane Bashiir Geelle  oo ciyaartii ka dib aan kula kulmay garoonka   ayaa ii sheegay in sannadkani  tartanka ay ka soo qayb galeen 12 kooxood  oo kubadda cagta ahaa kuwaasi oo kala ahaa:TC,Stars, Midnimo,iyo Somali Tigers oo ka socday Minnesota,Horseed (Atlanta),  Toronto, Muqdisho iyo TSS oo ka socday Nashvilee, (Tennessee),Columbus Stars,Seattle Wa, Maine, Washington DC iyo LA stars.



 
Guddoomiyihii qabanqaabada tartanka Mudane Bashiir Geelle

Sidoo kalena 4 kooxood oo ah djhallinta cuslaatay ee kubadda cagta oo ka kala socday: Virginia, Toronto,Minnesota iyo Ohio ayaa iyaguna  tartanka ka qaybgalay.

Mudane  Bashiir waxaa uu ii sheegay in tartankani aalaaba la qabto Easter day, uuna ka mid yahay tartamada loogu jecel yahay ee North Amerika lagu qabto, iyada oo la isaga yimaado meelo faro badan. Ugu dambayntii  guddoomiyuhu waxaa uu u mahadceliyay dhammaanba dadkii  asxaabtayda ahaa ee igala shaqeeyay barnaamijka iyo dhammaanba dadkii ka soo qaybgalay tartanka oo ka kala yimid daafaha dunida.

Waxaa iyaduna xusid mudan muddadii tartanku uu socday inay halkaasi ka socdeen shirar kala duwan oo loogu hadlayay horumarinta isboortiga Soomaaliyeed ,laga shaqeeyo isku duubnida dhallinta Soomaaliyeed,  xallinta qilaafaadyada isboortiga ee ka jira meelo badan iyo samaynta dallad isboorti oo ay yeeshaan Soomaalida ku nool North Amerika, waxaana halkaasi lagu doortay guddi isboorti oo arrimahaasi ka soo shaqeeya kuwaasi oo kala ahaa: Macallin Ibraahim Suudaani,Macallin Tuke,Macallin Qariindi, Garsoore Maxamed Faarax iyo Garsoore Maxamed Xasan Qolof.



 
Bidic: Garsoore Maxamed Faarax, Macallin Tuke,Macallin Ibraahim Suudaani,Garsoore Qolof iyo Macallin Qariindi



 Bidix: Khaliif Riiko, Mukhtaar Cuti, Shiikha, Adaa, Anwar iyo Suleiman Saley (Johnson)



 Bidix: Abdullahi ,Omar iyo Xarbi



 Bidix: Bakar,Saley Geni iyo Duwe



   Bidix: Faarax Oday,Adaa,aweys Fuundi iyo Axmadey B


 Bidix: Xarbi iyo C/casiis Mahdi



              Shiikha iyo Eega



       Abdulqadir Dahir iyo Bashiir Geelle



                Bidix:Adaa,Maxamuud Xaashi,Shiikha,Duwe iyo Maxamed Carab
 
  



  

                                             Waxaa diyaariyay Sheikha