|
Ummad kasto oo ku nool dunida guudgeeda waxay leedahay Halyeeyo ay ku faanto oo ka soo qeyb galay kor u qaadida magaca iyo maamuska dalalkooda,kuwaa oo taarikhda dalalkaasi ugu jira meelaheeda qiimaha leh,waxaana kuwaa ka mid ah Halyey Abuukar Xasan Cadaani oo aan maanta ku soo qaadaneyno barnaamijkeena Xusuusta Xidigihii hore ee Isboortiga Soomaaliyeed oo aan hore ugu soo qaadanay Shaqsiyaad Isboortiga Soomaaliyeed qeyb wayn ka soo qaatay kuwaa oo ay Ummada Soomaaliyeed abaal ma guuraan ah u hayso,waxey soo galeyna loo gudbin doono jiilalka soo koraayo.
Halyey Abukar Xasan cadaani waxa uu ku dhashay magaaladda Muqdishuu sanadku markuu ahaa 1968,waxaana uu yaraantiisii aad iyo aad u jeclaa Ciyaarta Kubadda cagta iyo Ciyaaraha Fudud,isagoo aad iyo aad ugu jajabnaa isla markaana lahaa hanaanka Ciyaayahanadda Ciyaaraha Fudud taa oo khubaro ku xeel dheer Ciyaaraha ay hore u saadaaliyeen in Abukar cadaani uu noqon doono Ciyaaryahan ay Ummadda Soomaaliyeed ku faanto,waxaana uu si rasmi ah u Bilaabay ka qeyb galka Ciyaaraha Fudud isagoo dhiganaayo dugsiga dhexe ee Wiil waal,waxaana ku dhiiri geliyey in uu Ciyaartaasi magac ku yeesho Walaalkiis oo lagu magacaabo Axmed xasan Cadaani oo ku magac dheeraa (Xuudow Weyne) kana mid ahaa Ciyaartoyda Ciyaaraha Fudud oo ay Ummadda Soomaaliyeed xushmadda u hayso,waxaana Xuudow isla markiiba uu geeyey Ciyaaryahan Abukar Cadaani in uu ka qeyb galo Tartankuii Goboladda ee sanadkii 1980,waxaana Abuukar Cadaani gacanta ku qabtay tababar culusna u bilaabay Tababare Abdulqaadir Abiikar oo ku magac dheer Waraabe oo Ciyaartoyda Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliyeed badankood isaga soo saaray,waxaana Abuukar Cadaani Tartankii Goboladda ee sanadkii 1980 ka galay kaalinta labaad ee 10000MT isagoo looga qaaday ilbiriqsiyo aad iyo aad u yar,taa waxa uu Abukar ku helay Magac iyo qadarin aan la koobi karin,waxaana isla sanadkii xigay ee 1981 hore kaa qaatay Naadigii Wakaaladda Ganacsiga Ummaddaisagoo ka mid noqday Ciyaartoyda Naadigaasi,waxaana ku dadaalay tababare xasan warsame Aaden oo siiyey tababar casriyeysan oo awood u siiyey Halyey Abukar cadaani in uu kaalinta Koowaad ka galo 5000MT isagoo ku orday 14daqiiqo 24 sec taa oo uu ku jebiyey iskpoor hore loo dhigay oo ahaa 14.30.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud markuu arkay dadaalka uu muujiyey Halyey Abukar Cadaani ayuu waxa uu u magacaabay in uu ka mid noqdo Xulka qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud sanadku markuu ahaa 1981kii,waxaana uu isla sanadakaasi ka qeyb galay tartan caalami ah ee lagu qabtay dalka Tunisia isagoo halkaa ka muujiyey wacdaro uu uu ku helay amaan aad iyo aad u fara badan,sidoo kale waxa uu sanadku markuu ahaa 1982ka qeyb galay tartan caalami ah ee lagu qabtay dalka Masar oo ay ka soo qeyb galeen Ciyaartoy magac iyo maamusba ku lahaa addunyadda dacaladeeda kala duwaneyd waxaana uu Abuukar cadaani mar kale uu u soo jiiday Ummadda Soomaaliyeed qadarin aan la koobi karin oo illa hadda ay Ummada Soomaaliyeed ku xasuusato,sanadku markuu ahaa 1983 Geesiga Isboortiga Soomaaliyeed ee Abukar Cadaani waxa uu ka qeyb galay Tartankii Dugsiyadda Carabta ee lagu qabtay dalka Sacuudiga isagoo markaa ordaayey 1500MT waxaana uu galay kaalin aad iyo aad u qiimo badan oo runtii ah mid lagu farxo.

Sanadku markuu ahaa 1984 waxa uu Abukar Cadaani ka qeyb galay Tartankii ALL AFRICAN GAMES ee lagu qabtay dalka Kenya Magaalo madaxdiisa ee Nairobi halkaa uu wacdaro ka muujiyey waxaana uu dadaalkaasi ku muteystay amaano aan la koobi karin,sidoo kale sanadku markuu ahaa 1985 horaantiisii waxa uu ka qeyb galay East African Cross Country ee lagu qabatay isla magaaladda Nairobi,waxaana dabayaaqadii 1985 uu ka qeyb galay tartankii dugsiyadda carabta ee lagu qabtay dalka Maroko.

Geesiga Isboortiga Soomaaliyeed ee Abukar Cadaani 1986 waxa uu ka qeyb galay tartan lagu magacaabaayey FIRST WORLD JUNYOR OLYMPIC ee lagu qabtay magaalo madaxda dalka Greeka ee Athnes,waxaana uu Abuukar Cadaani ordaayey 5000Mt isagoo la soo noqday sumcad aad iyo aad u sareysay,waxaana uu sanadku markuu ahaa 1988 horaantiisii uu Abukar ka qeyb galay tartan CROSS COUNTRY ahaa ee lagu qabtay magaaladda ROMA ee ah caasimadda Talyaaniga,isla sanadkii 1988 dabayaaqadiissiu waxa uu Halyey Abukar ka mid ahaa Ciyaartoydii Soomaaliyeed ee ka qeyb gashay Tartankii Olympikadda ee lagu qabtay Magaaladda SEOUL ee Konfuurta Korea.
Halyey Abuukar cadaani waxa uu ka qeyb galay tartan INDOOR ahaa ee lagu qabtay magaaladda New-York dabayaaqadii sanadkii 1988 waxaana uu ka galay kaalinta sedexaad halkaa uu mar kale Ummadda Soomaaliyeed sharaf u soo hoyiyey,waxa uu sidoo kale ka qeyb galay tartan 10000Mt ee lagu qabtay dalka Canada gaar ahaan magaaladda VANCOUVER waxaana uu Halyey Abuukar ku orday 28.18 taa oo ay dad badan oo Isboortiga xiiseeya ay ku amaaneyn,waxaana bartamihii 1991 uu isku qoray waxbarasho jaamacadeed isagoo dhiganayey Jaamacadda lagu Magacaabo SOUTH PLAINS COLLEGE kana qalin jabiyey sanadku markuu ahaa 1995,waxaana sanadadii kala ahaa 1997,98,99 iyo 2000 ahaa macalin Physical Pitness ee Bally Total Fitness,waxa kaloo uu ka mid ahaa saraakiisha ka shaqeyso Bankiga isagoo ka mid ahaa maamulka dhexe ee Bangigaasi.

Geesiga Isboortiga Soomaaliyeed ee Abukar Cadaani waxa uu mar kale ka mid noqday Ciyaartoydii Soomaaliyeed ee magaca Ummada Soomaaliyeed uga qeyb gashay Tartankii Olympigda ee 1996 ee lagu qabtay ATLANTA GEORGIA taa oo isaga iyo saaxiibadiisba ay mar kale ka muujiyeen fagaaraha Ciyaaraha lagu qabanaayey wacdaro aan la iloobi karin,maanta ay Ummadda Soomaaliyeed xusuusato,Abuukar waa Xaas leh 5 Caruur ah Ilaah ha u dhawree,waxaana uu haatan ku noolyahay Cariga Mareykanka gaar ahaan Magaaladda DENVER oo ka tirsan gobolka COLORADO.
Halyey Abuukar Cadaani isagoo qiireysan ayuu waxa uu ummadda Soomaaliyeed ka codsaday in dagaalka la joojiyo wax kastana lagu dhameeyo wada hadal,waayo dagaal wax uu burburiyo mooyey waxba ma dhiso,waxaana ku boorinayaa in Ummadda Soomaaliyeed gacmaha isqabsadaan iskana iloobaan waxaii soo maray,
Anigoo ah Tafafatiraha CiyaarahaSwden waxaana hawadda u marinayaa Halyey Abukar Cadaani Hambalyo aan la koobi karin oo uu ku kasbaday dadaalkii uu so galay daafacaadda uu u soo galay dalkiisa iyo dadkiisaba,waxaana aan ku boorinayaa in uu halkaa ka sii wado inta guusha si buuxda looga gaaraayo.
DIYAARIYEY MAXAMED MUKHTAAR SHEIKH |