Qado Sharaf  si heer sare ah loo agaasimay oo ka dhacday Magaalada Kobenhagen

 

 

Qado sharaf aad u wanaagsan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ka dhacay magaalada, Kobenhagen ee wadanka Denmark martiqaadkaasi  oo lagu maamuusayey  Guddiga Olombiga Qaranka Soomaaliyeed oo baryahanba socdaal shaqo ah ku maraayey dalaka Yurub gaar ahaanna Scandenevian-ka.
 

  

 

 

Wafdigan oo ka kooban hogaanka sare ee Gudiga Olombikada uuna hogaaminaayey gudddoomiyaha Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Mdn.Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) ayna ka mid yihiin  xoghaya guud ee guddiga Mdn. C/laahi Axmed Tarabi iyo Xoghayaha kubadda cagta Abdiqani Saeed Arab,iyo Mdn. Maxamed Shukri oo ah xubin ka tirsan Olombikada Soomaaliyeed.
 

 

 

Waxaana martiqaadkaas u fidiyey Ururka Wadani oo uu Gudoomiya u yahay Mdn. C/risaaq Jaamac (Inzagi) iyo Tawbaraha kooxda Wadani Mdn. Jamaal,qado sharaftaasi oo looga wada hadlay arimo aad badan ayaa si wanaagsan leyskugu afgartay in mustaqbalka soo socda wada shaqeeyn aad u wanaagsan ay dhexmaridoonaan xubnahaasi isugu yimid meesha ,waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Mr Cabdishukri iyo Maxamed Carab.
 
                                Waxaa soo diyaariyay Maxamed Axmed Daahir (Maxamed Carab)