|
MANDHERA: Ururka Dhallinyarada Cusub Dhaqanka iyo Isboortiga [NGSC] ayaa qalab isboorti oo isugu jira kubado iyo maalyado gaarsiiyay gobolka waqooyi bari ee Kenya oo ay degdo Soomaalida, iyadoo qalabkan loogu talagalay dhiirigellinta isboortiga gaar ahaan dhallinyarada magaalada Mandheera.
"Waxaan hore u qabanay tartan ay ka qeybgaleen 8 kooxood oo ka dhisan Mandheera iyo deegaanada ku dhow dhow kaas oo lagu xusayay Halyeeyga isboorti Xaaji Cabdulle Macalin Abuukar,iminka waxaan soo gaarsiinay Maalyado iyo kubado oo aan ugu talagalnay inay ku ciyaaraan dhallinyarada reer Mandheera waayo markaan derisnay baahida ay u qabaan xagga kubadaha iyo Maalyadda ayay nagu dhalatay inaan ka caawino." ayuu yiri wakiilka NGSC ee Toronto Cabdalla Saalax Faaris.
"Ujeedadeenu waa inaan dhallinyarada ku baraarujino dhaqan wanaagga iyo isboortiga , si aysan ugu leexan waxyaabaha xun xun ayaan ugu talagalnay xilliyada dugsiyada ay ka fasaxan yahiin sida xilligan oo kale inay ku mashquulaan isboortiga, way mudan yahiin dhallinyarada Soomaaliyeed reer Mandheera in wax badan loo qabto waxaan rajeynaynaa inaan ka caawin doono dhallinyarada xagga qalabka isboortiga inta aan awoodi karno." sidaasna waxaa raaciyay Maxamuud Ciise Nuux oo ka mid ahaa ciyaaryahandii kooxdii Jeenyo ahna wakiilka NGSC ee America.
Mas`uuliyiintan oo khadka isgaarsiinta ugu waramay ayaa sheegay inay ka go`an tahay ururkooda inuu waxqabad dhab ah ka muujiyo dhiirigelinta isboortiga iyo ku baraarujinta dhallinyarada dhaqanka wanaagsan ee ummadda Soomaaliyeed u leedahay hidaha iyo dhaqanka.
Dhinaca Saciid Maxamed Sheekh oo qalabkan ka guddoomay NGSC ayaa ugu mahadceliyay guddoonka sare ee ururka dhallinyarada cusub dhaqanka iyo isboortiga Mr. C/qani Jeenyo iyo wakiiladiisa kala duwan sida Cabdalla Saalax Faaris (Toronto) iyo Maxamuud Ciise Nuux (Qaaradda America) sida ay mar walba u gacansiiyaan dhallinyarada isboorti ee Mandheera wuxuu ka codsaday inay mar walba u hiiliyaan horumarinta isboortiga magaalada Mandheera.
Ma`aha markii ugu horeysay NGSC qalab isboorti uu guddoonsiiyo dhallinyarada isboortiga waxayna hore qalab noocan oo kale gaarsiiyeen kooxo ka dhisan magaalada Muqdisho iyo Jabuuti sidoo kale waxqabadkooda waxaa ka mid ah iyagoo dhalllinyaro ku dhaqan Yurub iyo Amerika u sameeyay xarumo lagu tababaro isboortiga qeybahiisa kala duwan.

Cayaarahaswedan.com
|