Magaalada London oo lagu qabtey qorituurkii koobka Somaliweek 2010  

                              

           

                 

                                            London waxaa xaafada Wembley hall ku yaal lagu qabtey habeenimadii Sabtida taariikhduna ahayd 29/05/2010 xaflada qorituurka koobka Somaliweek 2010, xafladaas oo ay ka soo qayb galeen qaar ka tirsan bahwaynta isboortiga Soomaalida ku dhaqan xaafada Galbeedka magaalada London.
Qorituurka waxaa loo sameeyay 16 kooxood, kuwasoo kale ahaa sidatan islamarkaana loo qaybiyay 4 qaybood, kuwaasoo aaqirka bisha Luulyo 23 keeda lagu wado in magaalada London si rasmi ah uu uga furmo koobkii Somaliweek 2010 hadii Eebe idmo.

               

              

              
 
A                                    B                     C                          D
Harrow Stars                  West 12           London stars           Hilltop 
Manch. S. S.                  Leicester S.      Cardiff  W.              Northampton Stars 
Sugar FC C.                    United stars      Jubba  FC                Junior All Stars 
Sweden stars                 Canada Stars     Nabadda FC             Olympic( Denmark )
 
Friday 23/07/10Saturday 24/07/10Sunday 25/07/10Monday 26/07/10
Opening Ceremony Sugar FC  Vs Sweden United stars Vs CanadaJubba FC Vs Nabada FC
 West 12 Vs Leicester London stars Vs CardiffHilltop Vs Northampton
Harrow  VS Manchester  Junior stars Vs Denmark

                  

                 

                         


Tuesday 27/07/10Wednesday 28/7/10Thursday 29/07/10Friday 30/07/10
Sweden Vs HarrowLeicester Vs United starsDenmark Vs HilltopHarrow Vs Sugar FC
Sugar FC Vs ManchesterNabada Vs   London starsNorthampton Vs J.StarsWest 12 Vs United stars
Canada Vs  West 12Cardiff   Vs  Jubba FCManchester Vs Sweden Canada Vs    Leicester


Saturday 31/07/10Sunday 01/08/10
London Stars Vs  Jubba FCHilltop Vs Northampton
Cardiff Warrior  Vs  Nabadda FCNorthampton Stars Vc Olympic( Denmark )

                 

                 

                 


Quarter final
Monday 02/08/10Tuesday 03/08/10
Winner A  Vs Runner up BWinner C   Vs Runner up D
Winner B   Vs Runner up AWinner D Vs Runner up C


Semi final
Thursday 05/08/10
Winner A  Or   Runner up B                       Vs     Winner C  Or   Runner up D
 Winner B Or   Runner up A                        Vs      Winner D Or  Runner up C

                           

               

               
 
Waxaa lagu casumay inay qorituurka tuuraan ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya  sida Safiyo Neero,Miski Omar,Xaawo Taako, Bakiin Maaxi,Baaba Jay,Xuseen Abati, C/nuur,Cabdulaahi Muxyadiin iyo caruur Soomaaliyeed oo iyagana ka qayb ka ahaa qorituurka
 
Dad badan ayaa ka soo qayb galay munaasabada qorituurka Somaliweek,kuwasoo hadalo u badnaa taageero iyo amaanba leh ka jeediyay, waxayna kale ahaayeen dadkii faraha badnaa ee ka hadlay:
Odayaasha Isboortiga magaalada London Danjire  Mohamed Ahmed Caalin, Ahmed Abdi Dahir ‘’Shell’’, Aden Hersi Jaango’an ‘’Adaamo, C/qaadir Shire’’Kasmo’’, Dr C/raxmaan Cunaaye,Ahmed nuur Seyga Ruushka, , C/qaadir ciise Biyooley,Shiine Guhaad,Muriidi Zein,Osman Shiis,C/qani Jeenyo (President of new Generation Sports and Culture) Abuukar Aden ‘’Boos Caato’’ (gudoomiyaha ururka heerka koowaad ee Sweden),Muqtaar Shuute,Digeeye,Shukri Dhalbaas,Rashiid Jama,Hassan Shiino,Dahir Ciise, Abshir iyo gabar ka socotey London 2010, halka ururka Somaliweek-na ay u hadleen Mohamed Buuwe, Xuseen deeq, Mohamed ali,waxaana barnaamijka xiriirinayay Elmi Waabari.
Fanaanada  Soomaaliyeed Maryan Cali Muuday oo ka tirsanaan jirtey Wasaarada Waxbarashada iyo Kooxda Iftin ayaa goobta ka qaaday labo heesood oo aad u qiiro galiyay dadkii ka soo qayb galay xaflada qorituurka iyo fanaanka da’yar ee magaalada London Fu’aad oo isna hees wadani ah oo cusub ka jeediyay goobta halka muuskitiistaha Qaranka Mohamed Macalow oo isna muusiga tumayay iyadoo uu goob jooge ka ahaa Xuseen Bisad oo ah wiil Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka ugu dhaadheer dunida iyo dad badan oo aanan halkaan ku soo koobi Karin ayaa ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay

                     Cayaarahaswedan.com