|
ILAAH BAA MAHAD LEH
XAFLADDII SOO DHOWEYNTA SALEEBAAN (GARAAR) EE STOCKHOLM SWDEN

Waxaa taariikhdu markay ahay 9 may 2010 lagu qabtay Restaurant Blue Moon oo ku taal xaafadda soomalidu deggan tahay ee Rinkeby xaflad soo dhoweyn ah oo loo sameeyay Saleebaan Garaar.
Waxaa ugu horreyntii hadalkii furay Yaasiin Karaani oo soo dhoweeyay Saleebaan Maxamed Maxamuud Garaar kana hadlay ula jeedada xafladda loo qabtay isagoo uga mahad celiyay dhammaan dhallinyaradii ka soo qayb gashay xafladdaas cashada ah oo lagu soo dhoweynayay Saleebaan Garaar. Cashadaas oo aad u qiimo badnayd oo ay isku arkeen rag badan oo in muddo ah is arag ama ismoogaa. Wuxuu ahaa habeen aad u farxad badan oo dhallintii degaanka Kismaayo ee xafladaas qiimaha badnayd isugu timi ay isdhaafsadeen fikrado, kaftan, sheeko iyo talooyin.
Waxaa dheera kulankaas rag farrimo iyo dhanbaalo ka siday degaankii Kismaayo oo isugu jiray maqal iyo muuqaal, Cashadaas oo ay xanbaarsanayd macluumad badan iyo sidii loo horumarin lahaa gobolka gaar ahaan waxbarshada, caafimaad, biyaha (ceelasha), beeraha , kalluumaysiga, isboortiga iyo kheyraadka uu Illahay ku manaystay gobolka jubbada hoose.
Cashadaas oo aha amid aad u soo jiitay dadkii isugu yimi iyo talooyinkii laga hadlay oo noqday mid wax waxqabadkoodu la is afgartay in la fuliyo loona saasro guddi ku habboon isku xirka gobolka iyo qurba joogta Sweden.
Waxaa kalamado soo dhoweyn iyo mahad celin ah ka yiri Cabdulqaadir Cali Salaad (Loonge), Maxamed Faarax Boostaale, Maxamed Cabdi Baydhabo, Maxamed Xabiib Cali, Cabdiraxmaan Gurey, Aadan Mire Cilmi, Cabdi Cali Ibraahim, Cadde Yuusuf Ciise, Cabdi Kadoon, Bulaale Maxamed Siiqe, Cabdixakiin X. Ismaaciil Waarikoow iyo rag kale oo aan hadda xusuusnay.
Waxaa hadalkii iyo gunaanadkii qaatay Saleebaan Garaar oo ahaa ninkii loo sameeyay cashadaas iyo kulankaas gaarka ahaa ayaa wuxuu ku cabbiray in ay farax gelisay sida walaalihii oo aan u kala harin soo dhoweyn qalbi furan iyo sharaf u muujiyay, isagoo taas ku sheegay inay uga duwan tahay wax badan oo taariikhdiisa soo maray uusan marnaba ilaawi doonin.
Restaurant Blue Moon oo habeenkaas xafladdaas ku soo bandhigay cunto aad u kala duwan islamrkaana aad u macaana oo u kala qaybsanayd primo, secondo iyo terzo, waxaa intaa dheera cabitaano noocyo badan lahaa oo runtii aad looga deeqtoomay.




















Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh |