Xiriirka Kubadda Koleyga Oo Soo Saaray Wareegto Dib Xilalkooda Loogu Cusbooneysiinayo Mas`uuliyiin iyo Tababarayaal

 

 Xiriirka Kubadda koleyga Soomaaliyeed ayaa soo saaray wareegto  dib xilalkooda loogu cusbooneysiinayo mas`uuliyiin iyo tababarayaal hore loo magacaabay haatanna xiriirku sheegay in xilalkooda loo cusbooneysiiyay ka dib markuu xiriirka sidaas gartay.Warqadda lagu magacaabay mas`uuliyiintan iyo Tababarayaasha oo soo gaartay xafiiska SomSports magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) .

 

 Xiriirka Kubadda Koleyga ayaa magaacabay mas`uuliyiinta iyo tababarayaal  maadaama XSKK loo doortay  mas`uuliyiin cusub , horeyna xiriirka u magacaabay xilal kala duwan  shaqsiyaad  horey ugu mid ahaa ciyaartoydii hore dalka magac weyna ku leh isboortiga dalka isla markaasna ay muhiim tahay in laga faa`deysto waxqabadkooda .

 Haddaba xiriirka ayaa dib ugu magacaabay xilalkan mas`uuliyiintan hoos ku xusan :-

 

1.     Dr: Cusmaan Xuseen “Shiish”               La Taliyaha XSKK

2.     C/qaadir Xaaji Daahir “Shiikha”           Tababaraha Xulka Qaranka K/Koleyga

3.     Axmed Daahir Axmed                          Tababare ku xigeen Xulka Qaran K/Koleyga

4.     Cusmaan Cali Abanuur (Bruno)           Tababare ku xigeen Xulka Qaran K/Koleyga

5.     Cabdullahi  Xaaji Cilmi Ereg” Xaaji”  Tababare ku xigeen Xulka Qaran K/Koleyga

 

Sidoo kale xiriirka ayaa magacaabay ku xigeenka kaaliyaha Xoghayaha Guud XSKK Mudane Faarax Jaamac Nuur (Faarax Oday).

 

Wuxuuna u rajeeyay  mas`uuliyiintan iney  waajibaadkooda u gutaan  si wanaagsan oo xilkasnimo iyo wadashaqeyn ay ku dheehan tahay .

 

 Ma`aha markii ugu horeysay ee mas`uuliyiintan lagu dhawaaqo xilalka haatan loo magacaabay waxaa hore mas`uuliyiintan u magacaabay guddoonkii hore ee XSKK iyadoo markanna la sheegayo inay magacaabiddan   keentay baahida loo qabo xubnaha la magacaabay in  loogu faa`ideysto qibradda iyo waayo aragnimadooda dhinaca horumarinta Kubadda Koleyga Soomaaliya

 

                  Waxaa Diyaariyay C/qaadir Xaaji Daahir Sheikha