Tartankan oo la qabto sanad walba ayaa waxaa ka soo qayb gala lix kooxood oo soomaali ah ahna odayaal isboorti kana kala yimid Ingiriiska ,Sweden iyo Finland waxayna kala yihiin kooxaha Wembaly,North Suger team,Suothal,Sweden iyo laba kooxood oo finland ah.
Tartankaan oo ahaa tartan soo socday sadex sano laguna qaban jiray dalkan finland ayaa sanadkan laysku afgartay in loo bixiyo tartankaan odayaasha ah halyeeygii faarax wehliye cadow (Sendiko) kooxihiina way isku raaceen wuxuuna noqon doonaa magacan mid joogta ah.
Kooxihii ka soo qayb galay waxaa lo qaybiyey laba qaybood oo min sadex ah kadibna is arkaan garuub walbana kooxda ugu dhibcaha badan ay ka soo baxdo ciyaarta finalkana ciyaaraan waxaana ciyaartii finalka isugu soo baxay labada kooxood ee ka wada yimid dlka ingiriiska ee kala ah wembaly iyo suothal waxaana ay guushii raacday kooxdii ka socotay suothal iyo ku badisay rigoorayaal 4-2 waxaa xusid mudan kooxdii ka socotay suothal oo u ahayd markii ugu horeysay oo ay tartankan ka soo qayb gasho ay muujisay ciyaar wanaagsan sidaasna ay sahal ugu noqotqy in ay ku guuleysato mar aan wax ka weydiiyey tababaraha kooxda Mustaf farey waxa uu ii sheegay in ay tababar qaataan sitimaankiiba afar mar,ayna ka muuqatay diyaar garow fiican kabtanka kooxda odayaasha cumareeto oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin koobkan sababtoo ah waa markii ugu horeysay oo ay ka soo qayb galaan,waxaa xusid mudan goolhaye maxamed yare oo noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa intii uu tartankan socday.
Hilmaan hadal kuma jiree odayaashii wembaly oo galay kaalinta labaad ayaa labadii sano ee hore ku guuleystay koobkan odayaasha ah sanadkana muujiyey dadaal iyagoo la yimid ciyaar wanaagsan oo aad u qancisey dadweynihii u soo daawasho tagay, waxaana la hilmaami karin cayaaryahankii aadka u wanaagsanaa dad weynahana aad ula yaabeen yaasiin dino oo ka dhexmuuqday garoonka markii ay ciyaareyso wembaly.
Waxaa kaloo amaan muden garsoore cabdi mahad xasan (laba dhagax) oo muujiyey intey ciyaarahaas socdeen dulqaad iyo karti dheeraad ah isagoo muteystay bilad sharaf, waxaa halkaas bilado lagu gudoon siiyey mas,uuliyiin ay ka mid ahaayeen gudigii ciyaaraha heerka 1aad ee sweden tanaasulkii ay dhawaan ku dhawaaqeen sidii geesinimada laheyd oo aan soomaalida looga baran ayaan anagoo ah gudiga qabanqaabada ciyaarahan odayaasha ahna ururka somali culture an d sports garanay in aan bilad geesinimo leh gudoonsiino gudiga ciyaaraha heerka1aad bilad sharaf ay muteysteen waxaana gudoomay mudane Cabdiqani caalin,
Cabdiqani oo hadal gaaban halkaa ka soo jeediyey una mahad celiyey gudigii soo qaban qaabiyey tartankan ugana mahadceliyey biladan la gudoonsiiyey sheegay tanaasulkaan in uu ku yimid wadatashi badan kadibna laysla gartay in ay ka tanaasulaan ciyaarihii ay soo wadeen 10 sano.
Waxaa kaloo bilad lagudoonsiiyey Gudoomiyaha diasporada maxamed macalin dadaalka uu ugu jiro sidii qurba joogta loo hormarin lahaa dhinca isboortiga iyo guulihii ay ciyaarihii jabuuti ka soo hoyiyeen,waxaa kaloo bilad sharaf la gudoon siiyey Cumar maxamed maxamuud cumareeto oo ahaa lafdhabartii ciyaarahan odayaasha ahna odaygii ururka dhaqanka iyo isboortiga ee dalka finland, waxaa kaloo bilad sharaf la gudoonsiiyey xogayaha ururka SSUF Axmed xasan oo ah shaqsi u howlan sidii dhalinyarada soomaaliyeed loogu hagaajin lahaa wada wanaagsan isagoo amaan u soo jeediyey ururka dhaqanka iyo sportiga ee dalka finland
Waxaa ciyaarahan odayaasha ka soo qayb galay marti sharaf soomaaliyeed isboortigana magac ku leh sida: Danjire ahna gudoomiye ku xigeenka Gos xiriirka iyo dowlada Maxamed A Caalin Gudoomiyaha diaspro Maxamed Macallin,Bashiir cabdi daahir,Cumareeto,Xasan suothal,Axmed xasan (ssuf),Mohamed Shugri,Maamulkii ciyaaraha heerka 1aad Abuukar Bos caato.Cabdiqani caalin ,Yoonis galbeyte iyo odayaasha london Xuseen deeq,Xuseen abati,Islow,Cilmi waaberi,Yaasiin dinow Gurey cabdalla,Caliyow,Dhumaaye,Kamaal,Baafo.
Gudiga qabanqaabada, Axmed Abdullahi (Imad),Abdulkadir (Qooje),Bile Caalin,Yaasiin cabdi raage,Jeyte,Asad,Macallin xasan,maxamed cali,Sanka,Macallin xaashi,Cabdullahi Shukri,Cabdi suleyman,Maaweel,Mohamed Osman Wador (Juu),Cabdullahi sajin,
A) Sweden,Finland1,iyo Suothal
B) Finland2,Wembaly, iyo North Suger team



































