London: Shir looga hadlayay horumarinta kubadda koleyga Soomaaliyeed ee gudaha iyo qurbaha ,taageeridda macallimiintii dhawaan loo soo magacaabay xulka qaranka iyo u diyaargarawga ciyaaraha diyaasbaraha oo dhawaan lagu qaban doono dalkaasi Jabuuti ayaa 02/22/2009 lagu qabtay North London.
Shirkaasi isaga ah ayaa waxaa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin isboorti iyo dad aqoon iyo waayo aragnimo aad u durugasan u leh isboortiga oo ay ka mid ahaayeen: . Guddoomiye ku xigeenka GOS mudane Duran Faarax. . La taliyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Dr, Cusmaan Xuseen Shiis. . Guddoomiyaha Diyaasbarada Mudane Maxamed Macallin . Guddoomiye ku Xigeenka Diyaasbarada Mudane Cabdullahi Cali Shiikhdoon . Guddoomiyaha SOMBAS ee Sweden, ahna tababare xigeenka xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha Kubadda Koleyga Europe/UK iyo xoghaynta ururka diyasbaraha mudane C/llahi Cilmi Ereg (Xaaji).. .Guddoomiyaha ururka Somali New Generation Cabdiqani Jeenyo, iyo Mudane Maxamed Cabdullahi oo isna ahaa xubin xiriirka Handball. Kuwa fadhiya bidix:C/llahi shiikhdoon, Xaaji, Eng,Baana, iyo Dr'Osmaan Shiis. Kuwa taagan ka bilow bidix: Maxamed C/llahi, Duran Faarax, Maxamed Macallin & C/qani Jeenyo. Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed (GOS) Mudane Duran faarax oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay In dhawaan dalka Jabuuti lagu qaban doono Doorashadii Guddiga Olimbikada soomaaliyeed taasoo uu ka rajaynayo inay ka soo bixi doonaan waxyaabo faro badan oo wax ku ool u noqon doona horumarinta isboortiga Soomaaliyeed. Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay La taliyaha xiriirka soomaaliyeed ee K/Koleyga Dr, Osmaan Shiis iyo guddoomiye ku xigeenka XSKK dhinaca horumarinta Eng, Bana Cabdalla,waxaana labaduba ay ka warbixiyeen qorshahooda iyo barnaamijyadooda ku aadan horumarinta kubadda koleyga iyaga oo sheegay in ay ku dadaali doonaan sare u qaadida kubbadda koleyga, lana kaashan doonaan dhammaanba macallimiinta la magacaabay iyo dadka ehelka u ah kubadda koleyga oo kala jooga dunida dacaladeeda. Guddoomiyaha ururka Somali New Generation Cabdiqani Jeenyo ayaa isaguna ka hadlay diyaargarawga kooxda kubadda koleyga ee Diyaasbaraha ay ugu jiraan ka qayb-galka tartanka ciyaareed ee ka dhacaya Jabuuti, waxaana uu sheegay in sannadkan ay si aad ah uga duwan yihiin sannadihii hore, iyada oo kooxdu ay si aad ah ugu diyaargarawday ciyaarahaasi,guulna laga rajaynayo inay keenaan dhallinyarada ka qayb-galaysa tartankaasi. Guddoomiyaha ururka Sombas(Somali basketball)ee Sweden,ahna xoghaynta ururka diyaasbaraha iyo tababare xigeenka k/koleyga ayaa isaguna aad uga hadlay heerarka ay soo martay k/koleyga Soomaaliyeed iyo halka ay maanta marayso, waxaanuna si aad ah uga hawgali doonaa intii karaankeena ah inaan ka dhaqaajino kubadda koleyga halka ay maanta taagan tahay, wixii gacan ahna aanan ka laaban doonin, taasoo aan ugu adeegayno qaranka soomaaliyeed. . Guddoomiye ku xigeenka diyaasbarada Mudane Cabdulllahi Cali Shiikhdoon ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyay ammaan ballaaran uu u jeedinayo Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga iyo Bahda K/Koleyga guud ahaanba sida ay ugu dadaalayaan horumarinta k/Koleyga Soomaaliyeed, ayna ugu fikiriyaan inay wax u qabtaan dalkeena Soomaaliya, waxaana uu u rajeeyay mustaqbalka inay guulo ku tallaabsadaan. Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadlay Mudane Maxamed Cabdullahi oo isagu ka tirsanaa ciyaaryahannadii Handball aadna loogu yaqaanay ciyaartaasi, waxaana uu soo jeediyay in la abuuro ciyaartooy Handball cayaarta oo ka qayb gala cayaaraha kuwan xiga ee diyaasbarada taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen martisharaftii halkaasi isugu timid. Shirkaasi ayaa gunaanadkiisa waxaa lagu heshiiyay in si daacadnimo iyo wadaninimo ku jirto loogu wada shaqeeyo qarankii Soomaaliyeed,lana soo celiyo sumcaddii qaranka Soomaaliyeed uu ku lahaa caalamka isboortiga adduunka gaar ahaan tan kubadda koleyga. Sidoo kalena waxaa taageero buuxda loogu soo jeediyay La taliyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Dr,Shiis iyo tababarayaashii dhawaan la soo magacaabay eek ala ahaa”Shiikha,Axmed Daahir,Cismaan Buruno iyo Xaaji..Waxaa iyaduna aad la isu tusay in la caawiyo dhallinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba loona abuuro barnaamijyo wacyi galin iyo kuwo isboorti oo lagu horumarinayo aqoontooda kubadda koleyga, loogana dirirayo waxyaabaha foosha xun ee sumcaddooda wax u dhibaya sida isticmaalka maandooriyayaasha IWM. Xiritaankii shirka ka dib waxaa halkaasi lagu sii sagootiyay guddoomiye ku xigeenka olimbikada Mudane Duran Faarax oo isagu safar ugu kicitimay Soomaaliya. guddoomiyaha new Generation C/qani Jeenyo
. Guddoomiye ku xigeenka XSKK ee dhinaca horumarinta Eng, Baana Cabdalla
Ugu horrayntii waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha qurba joogta Maxamed Macallin oo isagu madasha ku soo dhaweeyay marti sharaftii halkaasi joogtay, waxaana uu ka warbixiyay tartamada ciyaareed ee ku soo fool leh oo kooxaha diyaasbarada oo noocyo kala duwan ay ugu ambabaxayaan dalka jabuuti. Guddoomiyaha waxaa uu aad uga hadlay horumarinta cayaaraha noocyadooda kala duwan gaar ahaan kubadda koleyga,waxaana uu si aad ah u taageeray magacaabiddii xiriirka soomaaliyeed ee K/Koleyga uu dhawaan u soo magacaabay Tababarayaal kubadda koleyga taasoo uu ku sifeeyay inay wax wayn ka tari doonto sare u qaadida horumarinta kubadda koleyga,Waxaanuna gacan aad u weyn ka gaysan doonaa inaan ka qayb qaadano hawlaha lagu horumarinayo kubadda koleyga diyaasbaraha iyo tan dalka gudahiisa ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.