Ummad kasta oo dunida guudkeeda ku nool waxay leedahay xiddigo caan ku ah Isboortiga noocyadiisa kala duwan kuwaasi oo gaaray heer qaran iyo heer caalami intaba.
Xubinteena joogtada ah ee ku saabsan Xiddigaha waxaan ku soo qaadan doonaa taariikhaha Xiddigihii soo maray ummadda Soomaaliyeed kuwaasi oo goobo badan ku difaacay calanka iyo ciidda, sidoo kalena waxaan soo qaadan doonaa taariikhaha dhallinyarada soo koraysa oo iyagu mustaqbalka wanaagsan ku leh ciyaaraha.
Xubinteena maanta waxaan ku soo qaadan doonaa waraysi aan la yeeshay xiddigta ka mid aheed xiddigihii soomaaliyeed ee Kubbadda koleyga  waa Shukri Cali Mudiir oo u Ciyaareijirtay naadiga Sancada.

     Shuri Cali Mudiir. waxay ku dhalatay magaalada jowhar ee gobolka shabeelada dhexe. Shukri waxay ciyaaraha bilowday iyadoo aad u da' yar, shukri yaranteedii waxay aad u jecleed kubadda koleyga taas oo ay mar walba niyadda ku heyn jirtay lana ciyaari jirtay saaxiibadeed. Shukri waxay markii ugu horeysay u safatay gobolka shabeelada dhexe ciyaaraha gobollada sanadkii 1985ti, markaas oo ay hantiyeen koobkii ciyaaraha gobollada.
 
Shukri waxa ay ku biirtay Jounior-ka kooxda kubadda koleyga ee somali tax, halkaas oo ay uga gudubtay in ay u safato naadiga warshadaha iyo naadiga somali tax kaas oo loo bixiyey naadiga sancada sanadkii 1987di ilaa 1990ki. Shukri waxay aheed gabar aad u fir fircoon oo ka dhex muuqata garoomada marka ay ciyaareyso. Shukri waxa ay ka ciyaari jirtay khadka dhexe post. Gabdhihii kooxda sancada ay Shukri iskala wada ciyaari jireen waxaa ka mid ahaa: Xaawo Dheer, Geediyo, Cadar, Dahabo, Xalwo, Xaliimo kumarshante, Khadiijo Rooda, Siyaaro, Culumo iyo Luuleey
 
Waxaa taba bare u ahaa taba bare cali shiikh mukhtar kaas oo min bilow ilaa iyo inta ay dagaaladu ka dhacayeen u ahaa taba bare iyo taba bare baruuna,Shukri Hada Waxay ku nooshahay Magaalada London ee UK.

 

                                   Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh