XOG WAREYSIGII LAACIB SALEEBAAN MAXAMED MAXAMUUD (GARAARE).

         ILAAH BAA MAHAD OO DHAN ISKA LEH            

Xubinteena joogtada ah ee ku saabsan xiddigaha waxaan maanta ku soo qaadan doonaa xiddigihii soo maray taariikhda isboortiga ummadda Soomaaliyeed kuwaasi oo goobo badan ku difaacay calanka iyo ciidda, sidoo kalena waxaan soo qaadan doonaa taariikhaha dhallinyarada soo koraysa iyo mustaqbalka kaalinta wanaagsan ay ka qaadan doona ciyaaraha, guud ahaan  isboortiga qaybihiisa kala duwan .

Maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2010 waxaan ku soo qaadan doonaa barnaamijkeena ama mowduuceena fursad fursad weyn oo aan u helnay haddii aan nahay bahda isboortiga gaar ahaan bogga cayaarahaswedan ee magaalada Stockholm dalka Sweden inaan waraeysanno cayaaryahan qaali ahaa islamarkaana aan ku raagin goobaha cayaaraha iyo maskaxda taageerayaasha Soomaaliyeed Xiddig ama Laacib Saleebaan Maxamed Maxamuud (Garaare), isagoo booqosho gaaban ku soo gaaray Stockholm ee dalkan Sweden waxaana loogu soo dhoweeyay si niyad iyo qalbi furnaan ah, isagoo run ahaanti ah qof debci fiican una dhashay furfurnaan, dadwad iyo dulqaad.

        

        

 Waxaa soo dhaweyntiisi cayaaryahanka ka qeyb qaatay axsaab badan oo aad ay isugu dheer yihiin, waxaana si wanaagsan ugu soo dhoweeyay dhallinyaro, odayaal iyo taageerayaal aad u jeclaa qaab cayaareedkiisii ama farshaxanka cayaarihiisa.

Waxaa si gaar u soo dhoweeyay dhallinyaro badan oo reer Kismaayo ahaa oo gooni gooni  casumaad ugu sameyay Saleeban Garaare.

Saleebaan Garaare wuxuu ku dhashay gobolka J/hoose, magaalada Kismaayo waxuuna ka mid ahaa ciyaaryahanadii heerka 1aad ee naadiga Muqdisho iyo xulka qaranka. Saleebaan Garaare wuxuuna ka ciyaari jiray khadka dhexe (center), wuxuuna ka mid ahaa ciyaaryahannadii faro ku tiriska ahaa ee ugu wanaagsanaa ee ka ciyaari jiray khatka dhexe. Saleebaan Garaare waa nin bashaash ah aadna u dabeecad wanaagsan waxaana haatan uu ku nool yahay dalka Denmark, waraysigaasi oo aad u dheeraa Saleebaan Garaare wuxuu kaga hadlayay taariikh nololeedkiisii iyo kii cayaaraha ama isboortiga, wuxuuna u dhacay sidan.

Cayaarahaswedan: Goormad bilowday Ciyaaraha? Yaase kugu dhiirigaliyay?
Saleebaan Garaare: Waxaan bilaabay ciyaaraha 1972dii, waxaana u saftay ama u cayaaray naadigii badda ama dekedaha ee Kismaayo oo aan ku soo caan baxay. Waxaa igu dhiirigaliyay oo aan oran karaa inay ahayd nafteyda iyo balwad aan u lahaa cayaaraha gaar ahaan kubbada cagta
.

       

Cayaarahaswedan: Heerkee ka billowday ciyaaraha?
Saleebaan Garaare: Waxaan ku bilaabay kubbadda k/cagta oo ahayd heer xaafadeed, aniga oo markii ugu horraysay ku barbaaray xeebtii soo saaraysay laacibiintii qaaliga haddana u saftay tartankii u dhaxayn jiray xaafadaha iyo kan dugsiyada oo aan arday ka ahaa dugsigii Jamaal Cabdinaasir ee aan dhiganaayay.

Cayaarahaswedan: Ma ka qayb gashay tartamadii ciyaaraha gobollada?
Saleebaan Garaare: Haa waan ka qayb galay, 1976kii waxaan u saftay gobolka Jubbada Hoose, isreeb reebkiisii oo lagu qabtay Kismaayo waxaan ku soo baxnay kaalinta 1aad, markii aan u soo gudubnay Xamar waxaana qaadnay koobkii gobollada.

Cayaarahaswedan: Wax ma iiga sheegi kartaa waxyaabihii kuugu waaweynaa ee xusuusta gaarka ah kugu reebay intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha?
Saleebaan Garaare: Markii aan qaadnay horyaalka k/cagta ee naadiga Muqdisho oo aan Horseed ka qaadnay horyaalka (2-1) iyo koobabkii isdaba jooga ahaa ee Cayaaraha Gobolada oo ay Kismaayo wax badan qaadatay.

       

       

Cayaarahaswedan: Kooxdee kuugu horreysay oo aad u ciyaartay heerka 1aad?
Saleebaan garaare: Waxaa iigu horreysay naadiga Horseed oo aan ku biiray 1976dii.

yaarahaswedan: Muddadii aad u safnayd kooxda Muqdisho wax guulo ah ma gaarteen?
Saleebaan Garaare: Guulo badan ayaan gaarnay oo ay ka mid ahaayeen Horyaalkii k/cagta oo aan qaadnay  mar oo aan ku guulaysanay koobkii Jen. Daa`uud k/cagta iyo hal mar oo aan ku guulaysanay munaasabaddii koobka ramadaanka oo lagu qabtay Kismaayo.

Cayaarahaswedan: Goorma ayaad ku biirtay xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta  wax ciyaaro caalami ahse ma ka qayb-gashay?
Saleebaan Garaare: Xulka qaranka waxaan ku biiray 1975tiii, oo aan u saftay mar aan la cayaarnay Al-Mariikh oo Suudaan ka timi, waana markii iigu horreysay oo aan habeen cayaaro nolosheyda,

Cayaarahaswedan:Ma waxaad tahay cayaaryahankii isagoon cayaarin gobollada iyo cayaaraha heerka koowaad (Seria A) u saftay xulka qaranka Soomaaliyeed

Saleebaan Garaare:Haa waxaan ahay cayaaryahanka keliya ee aan u safan cayaaraha gobollada iyo kan heerka koowaad isla markaana u saftay ama u cayaaray xulka qaranka Soomaaliyeed.

Cayaarahswedan: Kooxihii aad la ciyaartay wax ma ka xusi kartaa?
Saleebaan Garaare: waxaa ka mid ahaa kooxaha k/cagta qaranka, Kenya, Tanzaniya, Masar, Nayjeeriya, Siiriya, Suudaan iyo Kuwait.

Cayaarahaswedan: Maxaa ka mid ahaa guuldarrooyinkii kuugu xumaa intaad ku dhex jirtay ciyaaraha?
Saleebaan Garaare: Waxaa iigu xumayd ciyaar horyaalka kubbadda k/cagta ee Somaliya oo kooxda Horseed ay nooga adkaatay 2-1 ciyaar ku tirsanayd horyaalada Carabta oo ay naga adkatay kooxda Suudaan.

Cayaarahaswedan: Ciyaaryahannadee ayaad u jeclayd inay buuxiyaan garbahaaga markaad u cayaaraysay k/cagta
Saleebaan Garaare: Waxaan aad u jeclaa inay garbahayga buuxiyaan markaan u ciyaareyno xulka Qaranka  k/cagta Saaxiibadaey Cafiifa,  Binshaakir, Nuur Gaab, Shiikhaalow, Kukuow, Gebeley, A.Sawaaxile. Geela, Baani, Cabey, Silsilo.

      

Cayaarahaswedan: Ma jiraan guulo gaar ahaaneed oo aad ka gaartay ciyaaraha?
Saleebaan Garaare: labo sano oo isku xigta ayaan ku guulaystay tartanka horyaalka K/Cagta iyadoo la ii aqoonsaday ciyaartooygii ugu wanaagsanaa ee ka ciyaara dhexda koobna la igu siiyay.

Cayaarahaswedan: Ugu dambayntii maxaad talo ahaan u soo jeedin lahayd ciyaaryahannada Soomaaliyeed soo koraya ee ku nool dalka gudahiisa & dibaddiisaba oo doonaya inay horumar ka gaaraan ciyaaraha guud ahaan.
Saleebaan Garaare: Ugu horreyntii aad baan ugu faraxsanahay dhaqdhaqaaqyada isboortiga oo dhan ee ka jira dalka Soomaliya gudahiisa iyo dibaddaba, waxaana u hambalyaynayaa hogganka hagaagsan ama dadka hormuudka u ah oo gacanta ku haya inay ku dadaalaan siday u horumarin lahaayeen cayaaraha Soomaaliyeed. Iyo inay u dhabar adeegaan sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen isboortiga qaybihiisa kala duwan. Waxaan kaloo aad u xusi lahaa in laga soo billaabo guryaha,  goobaha waxbarashada, xarumaha bulshada isugu timaado, ilaa heerka ugu sarreeya ,caddaladuna ay noqoto furaha lagu furayo albaabka cayaaraha, lagana hufo qabyaaladda  ama qabiilka iyo wixii kaloo cudur ku noqon kara, intaas ayaan talo u arkaa ama fikir.

GUNAANAD
Qurbo joogta waxaan oran lahaa gaar ahaan waddamada leh fursadaha qaaliga ah ee aanan horey u jirin, waana fursad aad ku gaari kartaan heerka ugu sarreeya (FIFA,CAF,WEFA) ee ka faa'idaysta. Waxaa iyaduna muhiim ah in ciyaartooy kastaaba uusan illoobin macnaha weyn ee isboortiga uu xambaarsan yahay waana in ciyaartooy kastaa uu niyadda galiyaa inuu noqon karo ninka ugu wanaagsan dunida hadduu dadaalo isaga oo aan ka tagin waxbarashadiisii gaarka u ahayd.
Waxaan kaloo halkan mahad uga soo jeedinayaa dadka isku howlay inay wax ka qoraan ama ururiyaan ciyaartooydii Soomaaliya ka ciyaari jirtay intii nool iyo intii dhimatay ILAAH ha u naxariisto, waxaana u arkaa inay dhiirigalinayso ciyaartooyda mustaqbalka Soomaaliyeed.
Waxaan mahad gaar ah u soo gudbinayaa Maxamed Mukhtar oo runtii wax wayn ka og taariikhda cayaaraha qayb muhiim ahna ka soo qaatay taasoo ahayd garsoorka caalami (arbitro) iyo maamulkaba la’aantoodna socon karin meelnana gaari karin, islamarkaana maanta qoraa wax ku qora bogga internetka iyo websidkiisa, waa fursad qaali ah inaad war sax ah iyo xog dhab ah ku qortaan, waxayna reebaysaataariikh qof walba u noqon karta raad raac dhab ah sida wabsedka cayaarahaswedan.com iyo kuwo kale oo badan oo markasta soo bandhiga ama wax ka qora cayaartoydii hore iyo kuwa cusubba.


         Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh