URURKA SEUKI OO SHALAY DOORTAY MAAMUL CUSUB
Shalay oo bishu ahayd 17 oktobar 2009 ayaa urur weynaha SEUKI yeeshay shirwayne si loo doorto maamul cusub & hogaan ururka haga sanadka soo socda 2010. Shirwaynahan ayaa ah mid dhigaya sharciga u dagsan ururka SEUKI in la qabto sanadkii mar kaas uu xubnaha ururka SEUKI doortaan maamul cusub.

Gudoomiyaha Ururka Muqtaar shuute ayaa qeeybtii kowaad shirsanadeedkan ku sameeye qiimayn howlihii uu ururka qabtay sanadkan 2009 waxaana laysa gartay in ay ay ahayd guul isla markaasna uga mahad celiyey dhamaan xubnaha ururka SEUKI sidii wacnayd ay howshooda u guteen. Kulankaan ayaa goobjoog ka ahaayeen odayaal rug cadaa sports ah talana ka bixinayey sidii loo gaari lahaa horomar la tiigsan karo odayaashaas ayaa ka mid ahaa Sacad Cumar Geedi & Abdulkadir Mohamud (Cabdi cade).

Shirsanadeedka qeeybtiisii labaad kuna saabsanaa maamul u sameeynta ururka ayaa loo gudbay iyadoo halkaana ay joogeen Odayaal rug cadaa sports & ururka SEUKI xubnihiisa kale & Faysal makaraan oo ah xubin GOS & SEUKI Waxaana ay doorashadu u dhacday si demoqoradiyad ah ka dib markii afarta musharaxiin oo uu ururku soo diyaariyey kala ahaa Ahmadeey Basreey, Abdi aziz Hussein , Caydaruus Ali jama & Hirey Ahmed Roble.
Dhamaan xubnihii codka bixinayey waxay si kalsooni buuxda u doorteen Mudane Hirey Ahmed Roble.
Gudoomiyaha cusub Hirey roble & Gudoomiyihii hore Muqtar shuute

Guddoomiye: Hirey Ahmed Roble.
Gudd. Kuxigeen: Abdi aziz Hussein Igal
Xogheyn : Abdi weli Malin (Shaaciye).
Khasneeji: Caydaruus Ali Jama.
Farsamada: Awil hassan (Ali gurey)
Xiriirka dibada: Muqtaar Shuute
Doorashadii ka dib ayaa hadalka waxaa qaatay Gudoomiyaha SEUKI mudane Hirey Roble oo uga mahad celiyey dhamaan xubnaha ururka SEUKI kalsoonida ay u muujiyeen in xilkaan uu qabto urur weynaha SEUKI wuxuuna ugu baaqay dhamaan maamulka SEUKI in ay isku aragti ka noqdaan horomarinta Sportiga ayna tahay arin muhiim in dhalinyarada somaliyeed wax fiican loo qabto jid fiican lagu hago.
Waxaa Diyaariyay Abdi weli Malin